Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale ka joojiyay Falastiin

Date:

Muqdisho August 25 (SNTV):– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in in ka badan  $200m (£155m) oo ah caawimaad dhaqaale oo Mareykanka u qoondeeyay Magaalada Gaza iyo Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta loo weeciyo meel kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka  ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay markii dib-u-eegis lagu sameeyay dhaqaalahaas in uusan ku bixin hanaan waafaqsan danaha qaranka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa jimcihii sheegay in la gaaray go’aanka dhaqaalihii Falastiin la siin jirey lagu weeciyay hase yeeshee afhayeenku ma sheegin halka lacagtaas lagu bixin doono.

Horey Mareykanka waxaa ay hakiyeen  $65m oo la siin jirey hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

Xiriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Mareykanka ay ayaa adkaa tan iyo markii Trump uu qabtay talada wadankaas,

Waxayna arrinta sii xumaatay markii Madaxweyne Trump bishii December sanadkii 2017, uu caasimadda Isreal u aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, iyadoo Falastiiniyiintu Mareykanka u eedeeyeen in uusan dhex dhexaad ka noqon karin qadiyada Falastiin.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale, hakiyay caawimaadii dhaqaale ee la siin jirey Falastiin.

Go’aankaas ayaa waxaa walaac ka muujiyay Falastiiniyiinta iyo laanta QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin, waxayna sheegeen in nolasha ay ku adkaaneyso muwaadiniinta Falastiiniyiinta ah.

Si kastaba, saraakiisha Amerikaanku qorshaha kuma darsan dhaleeceynta caalamka ugu imaan karto joojinta kaalmadaas la siin jirey dadka ku nool Gaza oo markii horeba nolashada ku adkeyn.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...