Hoggaamiyihii Daacish oo Afghanistan lagu dilay

Date:

Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in la dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish kaddib duqeyn dhinaca cirka ah oo laga fuliyey xadka ay wadaagaan waddamada Afghanistan iyo Pakistan.

Laammaha amniga Afghanistan ayaa xaqiiyey in duqeynta ay ka dhacday  halka lagu magacaabo Nangarhar, halkaas oo ay ku dhinteen Abuu Sacad Irhaabi oo ay la socdeen rag  lagu qiyaasay tobaneeyo xubnood oo Daacish ah.

Masuuliyiinta gobolka Attaullah Khogyani ayaa warfidiyeennada u xaqiiyey geerida Irhaabi.

Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa sheegaya in diyaaradahooda ay fuliyeen weerar xagga cirka ah oo lagu bartimaameedsanayey xubno Daacish ka tirsan.

Bishii July diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones ayaa Gantaal la dhacay oo ku dilay  Abu Sayed oo ahaa hoggaamiyihii IS ee dalka Afghanistan, horjoogihii afaaraad ee duqeyn lagu dilay ayuu noqonayaa Irhaabi, kana soo jeeda dalka Afghanistan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...