Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Taliyaha ciidamada Myanmar lasoo taago Maxkamad

Date:

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Guddiga baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in qiyaas lagu sameeyo tirada dadka laga tiro badan yahay ee Muslimiinta Rohingya kuwaasoo la kulmay gumaad iyaga ka dhan ah.

Guddiga Baarayaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva ayaa maanta oo isniin ah ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo si loo maxkamadeeyo taliyaha ciidamada Dowladda Myanmar iyo shan taliyeyaal sar sare oo katirsan oo madax ka ah ciidamada militariga kuwaasi oo lagu tuhmayo gumaadkii loo geystay dadka laga tiro badan yahay ee muslimiinta Rohingya.

“Jeneraalada sar sare ee militariga Myanmar oo uu kujiro taliyaha ugu sareeya ee ciidamada oo lagu magacaabo Min Aung Hlaing, waa in baaris iyo maxkamad lasoo taago si wax looga waydiiyo gumaadkii kadhacay gobolka waqooyi ee Rakhine State, dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada iyo dembiyo dagaal ee ka dhacay gudaha gobollada Rakhine, Kachin iyo gobolka Shan,” sidaasi waxaa sheegay guddiga xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ee howshan loo xilsaaray.

ku dhufo link-ga xigashada: https://gulfnews.com/news/asia/myanmar-army-chief-must-be-prosecuted-for-genocide-un-probe-1.2271159

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...