Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Taliyaha ciidamada Myanmar lasoo taago Maxkamad

Date:

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Guddiga baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in qiyaas lagu sameeyo tirada dadka laga tiro badan yahay ee Muslimiinta Rohingya kuwaasoo la kulmay gumaad iyaga ka dhan ah.

Guddiga Baarayaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva ayaa maanta oo isniin ah ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo si loo maxkamadeeyo taliyaha ciidamada Dowladda Myanmar iyo shan taliyeyaal sar sare oo katirsan oo madax ka ah ciidamada militariga kuwaasi oo lagu tuhmayo gumaadkii loo geystay dadka laga tiro badan yahay ee muslimiinta Rohingya.

“Jeneraalada sar sare ee militariga Myanmar oo uu kujiro taliyaha ugu sareeya ee ciidamada oo lagu magacaabo Min Aung Hlaing, waa in baaris iyo maxkamad lasoo taago si wax looga waydiiyo gumaadkii kadhacay gobolka waqooyi ee Rakhine State, dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada iyo dembiyo dagaal ee ka dhacay gudaha gobollada Rakhine, Kachin iyo gobolka Shan,” sidaasi waxaa sheegay guddiga xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ee howshan loo xilsaaray.

ku dhufo link-ga xigashada: https://gulfnews.com/news/asia/myanmar-army-chief-must-be-prosecuted-for-genocide-un-probe-1.2271159

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...