Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May oo beri Booqasho ku tagi doonta dalal Kuyaala Geeska Afrika.

Date:

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Theresa May ayaa hogaamin doonta safar si weyn loogu hanweeyn yahay in ay ku kala bixiso wadamo kuyaala qaaradda Afrika todobaadkan gudihiisa, booqashada May ayaa noqon doonta tii ugu horreeysay oo ay ku bixiso wadamo kuyaala Afrika iyadoo Ra’iisulwasaare ah.

Waxa ay noqon doontaa Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Britain oo booqda wadamada Ka hooseeya Saxaraha Afrika taniyo sanadkii 2013-kii iyadoo booqashadeeda Dalka Kenya ay noqon doonto markii ugu horeeysay muddo 30-sanadood ah.

Booqashadan ayaa kusoo beegmi doonta xilli uu isbedel xooggan ka jiro qaaradda Afrika oo ay ka jiraan fursado badan, iyadoo UK ay ka baxday Midowga Yurub, ayna qorshaynayso iyadoo Britain ah in ay maalgelin ka samayso wadamo badan oo kuyaala qaaradda Afrika kuwaasoo leh faa’iidoyin badan.

Fariinta ay xambaarsan tahay socdaalka May ee Afrika ayaa lagu sheegay in ay kamid tahay soo cusbooneysiinta iskaashiga ka dhexeeya UK iyo Afrika, kaasi oo laysku waydaarsan doono frusadaha ay labada dhinac wadaagayaan si loo xaliyo caqabadaha caamka ah ee ka jira Afrika iyadoo ay jirto talaabo horumar leh oo muujinaysa koritaanka Afrika laga soo billaabo Kuwa Saxaraha kahooseeya illaa dalka Koonfur Afrika.

Waxa ay khudbad ka jeedin doontaa marka ay booqato Capte town halkaasi oo ay ka billaabi doonto siskaashiga labada dhinac ee Afrika iyo Britai, si wax isbedel loogu sameeyo awoodda, ganacsiyada gaarka iyo maalgashiga ka imaanaya dalka UK eek u socda qaaradda Afrika oo ay kunool yihiin 16% tirada dadka kunool adduunka noqonaya dad aad u badan islamarkaana u samaynaya macno weyn marka loo eego gancsiga iyo waxyaabaha loo dhoofiyo caalamka.

Mrs May waxa maalinta talaadada ah ee berito oo ku beegan 28-ka August ay u safri doontaa dalalka ay kamid yihiin Koonfur Afrika, Nigeria iyo dalka Kenya, booqashadan ayaa qayb ka ah kor uqaadista xiriirka ganacsiga iyo maagashiga Afrika iyo UK kadib markii ay Britain ka baxday Midowga reer Yurub kal hore.

Xilligan oo ay Afrika baadi goob ugu jirto in hesho baahiyaha Koritaanka dadweynaha, booqashada ayaa sidoo kale lagu xoojiyo danaha uu adduunweynaha ku doonayo inuu ku caawiyo xaslinta Afrika oo aammaan ah, shaqooyinka iyo koritaanka maxaayeelay dagaalada, rajada shaqooyinka oo liita iyo xasilooni la’aanta ka jirta dhaqaalaha ayaa waxa ay dhiirigelin doontaa socdaalka iyo safarada ugu halista badan ee lagu tago khaaradda Yurub.

Qaaradda Afrika waxa ay u taagan tahay in ay door firfircoon ka qaadato isbedelka dhaqaalaha dunida, waxaana uu safarka Theresa May noqon doonaa fursad gaar ah oo ay UK ku biloowdo hamigeeda ku aadan sidii ay labada dhinac iyagoo isu dhow u wadaagi lahaayeen iskaashi loo wada simanyahay.

Ra’iisul wasaare May ayaa ku biiri doonta wafdi ka kooban 29-wakiilo oo ka kala socda ganacsiga UK-kuwaasi oo qayb ka mid ah ku bahoobay magaca SMEs waxaana kamid ah dhammaan ganacsatada gobollada dalka UK, Wafdiga ayaa la sheegay inuu soo bandhigi doono baaxadda qotada Khibradda Britain ay uleedahay Cilmiga Tegnoolojiyadda, kaabayaasha dhaqaalaha, maaliyadda iyo shaqooyinka xirfadaha kala gedisan ee dunida maanta laga isticmaalo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...