Argagixisada Al-shabaab oo dhaca iyo boob kageystay degmada Xarardheere

Date:

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay dhaceen ilaa iyo shan Gaari oo xamuul ah iyagoo xiligaasi waday Badeeco ay gayn lahaayeen magaaladaasi.

Dadka deegaanka oo lahadalay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in sidoo kale Maleeshiyadaan ay Qafaasheen dadkii saarnaa Gawaaridaan.

Ilaa iyo haatan lama oga halka ay la aadeen Gawaarigaasi, hantida ay wadeen iyo Dadkii saarnaa intaba, sida ay ku waramayaan dadka ku sugan Xarardheere.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay ugu amray dadka ku nool magaalada Xarardheere inay keenaan Catuurtooda si loogu adeegsado dagaalada lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed, laakiin markii ay diideen arrintaasi ayaa Maleeshiyadaan waxay labo jibaareen dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan shacabka.

Sida lagu yaqaano Dhaqanka Argagixisada markasta iyagoo ku ganbanaya magaca Diinta islmaanka ayay dhac iyo boob u gaystaan dadka Muslimiinta ah, halka sidoo kale banaysta dhiiga dadka islaamka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...