Home Blog Page 1217

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Qeyb galaya Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka

0

Muqdisho (SNTV) -:Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa ka Warbixiyay Qodobada looga hadlayo Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka uu kaga qeyb galayo Dalka Koonfur Africa.

“Shirkan waxaa looga hadlayaa Madax banaanida dacwad oogayaasha, qodobo badan ayaa lagu soo bandhigayaa oo ay ka mid yihiin isku xernaanta caalamka iyo wada shaqeyntooda, sidii Dalalka ay iskaga kaashan laheyn Baaritaanada iyo sida Shacabka looga ilaalin lahaa in Xad gudubyo joogta ah lagu sameeyo”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Sidoo kale Dr.Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in si gaara loo soo dhaweeyay Soomaliya oo markii ugu horeeysey xubin ka noqotey Ururka Caalamiga ee Xeer ilaaliyayaasha Aduunka, isagoona xusay in Fursad wanaagsan ay u tahay Soomaaliya.

“Soomaaliya si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay inay ka mid noqoto ururka Caalamiga ee Xeer ilaaliyayaasha Aduunka, Qodobada shirka looga hadlayo dhamaan waa muhiim laakiin waxaan si gaara u dul istaageynaa kuwa Soomaaliya sida gaarka ah u quseeya maadaama dalka uu mudo badan burbur ku jiray, iyadoo hada aan dooneyno dhamaan Hay’addaha Dowlada inay wada shaqeyn wanaagsan la yeeshaan saaxiibada Caalamka”.

Shirka Dalladda Xeer Ilaaliyeyaasha Aduunka waxaa kumidoobay illaa 185 Dal,  sidoo kale 350,000 oo Xeerilaaliye ayaa xubin ka ah.

 

Mareykanka oo u hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka

0

Mareykanka ayaa ku hanjabay in uu cunaqabateyn saarayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka,haddii ay isku daydo in ay sii waddo in ay dacwad ku soo oogto dadka Ameerikaanka ah.

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ayaa iminka ka baaraandegeysa in ay dacwad ku soo oogto shaqaale Mareykan ah oo loo heysto in ay falal anshax xumo ah, jirdil iyo heysasho  ku fuliyeen dad reer Afganistan ah.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ninka lagu magacaabo  John Bolton,ayaa ugu yeeray Maxkamaddaasi mid sharci darro ah,wuxuuna wacad ku maray in dalkiisu uu qaadi doono wax kasta oo lagu ilaalinaayo muwaadiniintooda.

Mareykanka ayaa ka mid ah wadamo badan oo dadkooda lagu helay in ay dambiyo ka geysteen dalka Afganistan,sanadkii 2002-dii.

Wasiir Maareeye oo Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Qadar

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo booqasha ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidk Dowladda qadar.

Wasiir “Maareeye” iyo Wasiirka Isgaarsiinta Qadar Jssim Seif Ahmed al-Sulaiti, ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal sida xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha Gaadiidka iyo Labada Wasaaradood.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlaha horumarineed ee Dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay iney faa’ido weyn u leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

0

Muqdisho, Sebteembar 10, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.

“Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

“Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka.

Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika.

“Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.

“Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.

Talisyada ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Suudaan oo iska kaashanaya xoojinta wadashaqeyn ee labada dhinac

0

Muqdisho september 10 (SNTV);-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa  u ambabaxay magaaladda  Khartuum ee dalka Sudan, kadib casuumaad rasmi ah oo ay  ka heleeny Taliyaha ciidanka Booliska Dawladda Suudaan.

Taliyaha iyo wafdiggiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho kusii sagootiyey qaar kamid Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiisha uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin magaaladda Khartuum in ay la kulmaan Madaxda sare ee Ciidanka dawladda Suudaan.

Labada dhinac qodobada ay kawada hadli doonaan waxaa kamid ah  siddii  loo xoojin lahaa wada shaqeynta ay leeyihiin Booliska Soomaaliya iyo Suudaan, kordhinta taageerada iyo tababarka ciidanka booliska Soomaaliya iyo qodobo kale.

Dawladda Suudan ayaa waxay kamid tahay Wadamada Soomaaliya ka caawiyo dib u dhiska dalka, tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Qaramada midoobay oo soo dhoweeysay Heshiiskii Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya

0

Muqdisho september 10 (SNTV);-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeeray “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan dalalka Geeska Afrika.

War saxaafadeed uu soo saaray afhayeen Stephane Dujarric, Guterres wuxuu sheegay in heshiiska ay gaareen afar ka mid ah wasiirrada si ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka oo tusaale wanaagsan u ah gobolka iyo kuwa ka baxsan.

Waxa uu ku celiyay iney Qaramada Midoobay sii kordhin doonto taageerada wadamada gobolka si loo xoojiyo guulaha “cajiibka ah” ee dhowaanahan.

Natiijada Booqashada Khamiistii, Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku raacay in ay caadi u noqdaan xiriirka dib-u-dhiska diblomaasiyadeed kadib,murankii Xuduudaha ee Labada dal ka dhaxeeyay.

Sidoo kale,Soomaaliya iyo Eriteriya ayaa bishii july horaanteedii isku raacay iney soo celiyaan Xiriirkii diblomaasiyaeed.

Dhanka kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay horumarada siyaasadeed ee dhowaan ka hana qaaday Gobolka Geeska Afrika,gaar ahaan Heshiiskii wadajirka ahaa ee u dhaxeeyay Ethiopia,Eriteriya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay ka qeyb qaadashada wax ku oolka ah ee ku aadan caadi noqoshada xririirka Jabuuti iyo Eriteriya.

“ Horumaradan oo dhan waxay dhacayaan xilli isbedel wanaagsan uu ka jiro Gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta IGAD.waxaana lagu ammaanay hoggaanka iyo aragtida Gobolka.

Al-shabaab oo Musalsal ka dhigtay beegsiga Masaajidda

0

Sida looga bartay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay mar kale Qarxiyeen Masaajid dhinaca ku hayey xarunta degmada Howl-wadaag.

Gaariga Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey waxa uu baabi’iyey dhammaan jiritaanka dhismaha Masaajidka iyo goobo dad shacab ah loogu qidmeynayey adeegyada ay u baahan yihiin.

Waxaa Basbeelay qaar ka mid ah Kitaabadii Masaajidka, Minbarkii iyo dhammaan agabyadii cibaadada, tani waa farriin kale oo sheegeysa in Al-shabaab ay isu rogeen diin-laaweyaal diidan diinta ALLE.

Falkaan  lagu Qarxiyey Masaajidka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh, laakiin  islamarkiiba waxaa la arkayey dadweyne isxilqaamay oo u gurmaday dadkii wax ku noqday arxan la’aanta Al-shabaab.

Al-shabaab Musalsal ayeey ka dhiganayaan in ay beegsadaan Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka.

Duqa Muqdisho oo booqday Masaajidka ay Qarxiyeen Al-shabaab waxa uu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay, kuwaa ku dhaawacmay iyo askartii Naftii haligaha Rasaasta la dhacday oo qaar ay ka Shahiideen halkaas

Waxa uu ammaanay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow  dadweynihii gurmadka isxilqaamka ay ka qeyb-qaatay,  goobaha Cibaabada ALLE ee ay beegsadeen markii labaadna in si deg deg ah loo dhisayo.

Toddobaadkii hore Masaajid iyo Dugsi Qur’aan ayeey sidaan oo kale ka geysteen Fal Qarax ah, si ay u laayaan dadka cibaadeysanayey iyo ardeyda yar-yar, laakiin Masjidkii ay burburiyeen waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha gobolka Banaadir si loo tuso in aysan cibaadada ALLE ummadda Muslimka ah ka hor istaagi karin AL-shabaab.

 

Wasiir Maareeye oo Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Qadar

0

Muqdisho september 10 (SNTV);- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo booqasha ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidk Dowladda qadar.

Wasiir “Maareeye” iyo Wasiirka Isgaarsiinta Qadar Jssim Seif Ahmed al-Sulaiti, ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal sida xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha Gaadiidka iyo Labada Wasaaradood.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlaha horumarineed ee Dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay iney faa’ido weyn u leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo ka tacsiyadeeyey qaraxii maanta

0

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cambaareeyey Qaraxi maanta kadhacay magaalada muqdisho.

Madaxweyne Farmajo oo ka hadlayey furitaanka kalfadhiga 4 aad ee golaha  parlamaanka soomaaliya ayaa  tacsi udiray eheladii dadkii kudhintay iyo kuwa kudhaawacmay qarax maanta ka dhacay xarunta degmada hodon  ee magaalada muqdisho, kaasoo ay geysteen kooxda Argagaxisada ah ee  shabaab

Madaxweynaha waxa uu  sheegay in kooxaha argagaxisada ah ee ashabaab aysan unaxeyn shacabka soomaaliyeed ayna bartilmaameedsanayaan goobaha loogu adeego bulshada   soomaaliyeed, taasina ay muujineysa buu yiri  sida ay cadow ugu yihiin shacabka, waxana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo ciidamada qalabka sida inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha argagaxisada ah.

kooxda argagaxisada ah ee alshabaab waa koox caadeysatay daadinta dhiigga ummada soomaaliyeed waxana ay ku xiranyihihiin kooxo kale oo argagaxiso ah oo aduunka jooga.

Duqa Muqdisho oo Cambaareeyay weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada ay ka geysteen degmada Hodan

0

 

Muqdisho(SNTV);- Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta mar kale weerar ismiidaamin naftii halignimo ah ka geystay xarunta degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,halkaasi oo ay ku bur buriyeen Masaajid ku dhow xarunta degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa,wuxuuna sheegay in Qof naftii halige ah xoog uu ku jiiray Ciidamada,wuxuuna u mahad celiyay Ciidamadii geesiyaasha ee hor istaagay xabadahana ku furay,isagoona sheegay in naftii haligihii uu is qarxiyay markii uu soo gaaray goobtii Cibaadada (Masjidka).

Guddoomiye Yariisow ayaa tacsi u diray Ehalada dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee Kooxda argagixisada ka fulisay xarunta degmada Howlwadaag kuna bur burisay Masjidka Alle,isagoona Alle uga baryay inuu janada ka waraabiyo.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa u mahad celiyay Shacabka soo gurmaday islamarkiiba naftoodana u huray haddii xitaa Qarax kale dhici lahaa,wuxuuna sheegay in shacabka markaan soo jeesteen oo ay diidan yihiin argagixisada iney dhibaato u geystaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in warbixin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qarax dib ka soo sheegi doonaan,maadama hadda Wali Hay’adaha amniga wadaan baaritaan ku aadan weerarka wuxuushnimada ah,isagoona dhanka kale tilmaamay in dad dhaawac la geeyay Cisbitaalada kuna booqanayaan halkaasi si gurmad loogu sameeyo.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa 2-dii bishan September weerar naftii halignimo ah ku qaaday xarunta degmada Howlwadaag,halkaasi oo ay ku bur buriyeen Masjid iyo Dugsi Qur’aan oo carruur Soomaaliyeed Qur’aanka Kariimka ah lagu barayay.