Home Blog Page 1218

Tubaakada”Khatarta heysata Jiilkeenna dahabiga ah”

0

 

4 illaa 5sano kahor waxa aad loo yaqaanay qaadka, sigaarka, badeecada oo shiishada ah, tubaakada iyo calaqa; balse waxaa ka dambeeyay oo dalka yimid maandooriye ka gedisan intaas oo dhan – qaab isticmaalka – kana fudud isla markaana ay qabatimeen in badan oo kamid ah jiilka aan looga baran maandooriyayaasha. Kuma cusuba maqalka dhagahaaga oo waxay ila tahay inaad maqashay maandooriyaha Taabuuga.

Taabuugu waa tubaako farsameysan oo casri ah, waxaa la qiyaasaa inay soo baxday horraantii 1930-kii iyada oo siyaabo kala duwan u gaartay wadamada adduunka. Waxa uu ka sameysan yahay daroogada sigaarka iyo shiishada oo laga isticmaalo badi wadamada soo koraya.

Adeegsiga taabuuga wuxuu ku badan yahay dhalinta Soomaaliyeed iyaga oo u isticmaala awood siinta jirka iyo inay firfircooni ka helaan. Qaarkood kama heystaan faham buuxa waxa yaabaha  uga imaan kara.

Majirto qof kamid ah dhallinyarada isticmaasha Taabuuga waxa kagag   sheegi kara waxa ay  ka helaan oo waxaa ka muqanaya xishood kamana sheekeyn. Taas beddelkeeda waxay ka dharagsan yahiin  in ay tahay khalad isticmaalkiisa balse ay qabatimeen.

Qeybahiisa soo gaaray dalka waxaa kamid ah; Hot & Galaxy. Way kala duwan yiihin, qofba waa midka uu barto uuna qabatimo, inta badan waxaa loogu isticmaal badan yahay nooca la yiraahdo Galaxy. Nuucan asal waa uu qiimo sarreeyay balse waxaa hadda yimid isaga oo lasoo dhimay sida ay sheegayaan  ganacsatada  iibisaha Taabuuga ama tubaakada.

‘Waa ka saameyn badan yahay inta aad fileyso‘ waa hal-ku-dhegga ku qoran nooc kamid ah Taabuugasi Ama Tubaakada.

Sidee loo fahmi karaa dadka isticmaala Taabuuga?

Hadal badan oo aan daal laheyn, Dhidid tiro badan, mararka qaar qofka oo maqane jooga noqda, fahamka ardeyga oo aad u yaraada, dhaq-dhaqaaq faro badan ama ficillo aan xakameysneyn iyo Astaamaha lagu garan karo isticmaalayaasha Taabuuga Ama Maandooriyaha Tubaakada.

Khatarta caafimaad ee Taabuugu leeyahay  Ama Tubaakada.

Ka sokow doorsanaanta qofka inta uu u saaran yahay taabuuga, waa maxay dhibaatada caafimaad ee uu leeyahay taabuuga? waxaa ka jawaabaya Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale.

“Dhibaatada ugu weyn oo uu geysan karo waxay tahay bushimaha inuu ku yimaado dilaac taas oo sababi karta kansarka afka, si lamid ah dheecaan ayaa ka baxaya, wuxuuna waxyeelaynayaa dhuunta,” ayuu yiri Dr Cawaale.

Dr Cawaale oo sii hadlay waxa uu xusay in la qabsiga ‘adaption’ taabuuga tahay khatar inteeda la’eg.

Ragga iyo dumarka yaa ku khatar badan Taabuuga?

Jinsi ahaan ma loo siman yahay saameynta mise farqi ayaa jira? Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale oo ifinaya arrintaasi waxa uu yiri; “Bulshadda marka laga hadlayo dumarka ayaa ku halis badan waayo dhibaatada ugu badan waxa uu u geysan karaa dhalmada,dhiig bax mar walba oo hooyada uur qaado, markay gabar tahayna waxaa macquul ah inuu ku yimaado caado wareer.”

Sidee loo iibiyaa tubaakada taabuuga?

Qaab iibinta lagu garto ayaa ah mid iyana cajiib ah oo koox waliba waxay u taqaan magac gaar ah, qaarna waxay adeegsadaan astaamo aamusnaan ah oo indhaha uun la iskala hadlayo.

Tusaale marka aad joogto goob aad ogtahay in lagu iibiyo waxaa adag inaad ogaato qof iibsanayo sabab la xiriirta qofka oo aan hadlin ayaa dhiibaya lacagta isaga oo lala hadlin ayaana la siinayaa wax gacanta loogu daboolay oo aan bannaan lasoo dhigin.

Sida uu dalka uu kusoo galo taabuuga lama oga. Qaar baa ku leh waddamo Aasiya ku yaalla ayuu ka yimaadaa isaga oo soo mara ama lasoo raacsiiyo badeecadaha dakadda kasoo daga, qaar kale waxay kuu sheegayaan inuu ka yimaado wadamada dariska oo uu garoonka kasoo dago, malahan hubanti sax ah balse waxaa hubaal ah in Af-Soomaali uu ku dul qoran yahay taabuuga oo waxaa la fahmayaa in dad  Af-Soomaali yaqaan ah ku lug leeyihiin naqshadeynta, haggaajinta iyo suuq-geyntiisa.

Dhibaatada intaa la’eg ayaa ku foolan wadan dadkiisa kasoo kabanayaan ku dhawaad 30-sano oo dib-u-dhac ah, ubadkiisana aysan haysan tacliin tiir adag ku taagan si lamid ah aan laheyn hoy wacyi-galin iyo dhaqan-celin iyo damaanad qaad caafimaad leh – iyada oo taasi jirto ayaa waxaan jirin adeegayaal faya-dhowr oo u istaagi kara waxa soo galaya dalka goob kasta.

Waxaa qoray Fardowsa Sheik Abdirahman

Al-Shabaab oo mar kale Qarxiyay Masjid ku yaala Degmada Hodan

0

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab oo lagu yaqaano ficilo aanan diinta Islmaanka raad ku lahayn ayaa mar kale Qarxiyay Masjid ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyadaan ayaa Gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa waxay ku burburiyeen Masjidkaan oo ku yaala meel aanan ka fogayn xarunta Degmada Hodan, iyadoo uu jiro burbur soo gaaray qaybo ka mid ah Xarunta Degmada.

Waxaa la sheegay in ilaa iyo Shan qof ay ku dhinteen Qaraxaan kuwaasi oo dad shacab ah, sidoo kale waxaa jira dad kale oo dhaawacyo ay soo gaareen oo la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale waxay u Qarxiyeen Masjid ku yaala degmada Howlwadaag iyo waliba dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Madaxweynaha JFS oo maanta furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka

0

Muqdisho(SNTV);– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah u furaya kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,,Xildhibaanada Baarlamaanka,xubno ka socda Beesha caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa horay u iclaamiyay in 10-ka bishan September ee sanadkaan uu furmayo kalafadhiga afaraad ee Baarlamaanka,waxaana Xildhibaanada horyaala howlo muhiim  u ah dalka.

Madaxweynaha Sudan oo kala diray Golihii Xukuumadda

0

(SNTV)-:Madaxweynaha dalka Sudan Omar al-Bashir,ayaa kala diray golihii xukuumadda,si uu wax uga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

Hadal uu Madaxweynuhu soo saaray saacidihii dambe ee shalay,ayuu ku sheegay in taallaabada uu qaaday ay ku jiraan sidii golaha Wasiirada looga dhigi lahaa 21-xubnood,halka ay horay u ahaayeen 31.

Omar al-Bashir ,ayaa intaa raaciyay in uu dhisayo dowlad mar kale soo celisa rajada dadka Sudan,isla markaana wax ka qabata dhaqaala xumida ka jirta dalkaasi.

Tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha ayaa lagu macneeyay mid uu ku xallinaayo xaaladda murugada leh iyo niyadjabka soo wajahay dalka Sudan,gaar ahaan xilliyadii u dambeeyay.

Deegaano ka tirsan Shabeelooyinka oo lagala wareegay Al-shabaab

0

Hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka Komandostu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayay kula wareegeen deegaanada Basra iyo Baqdaadi.

Hawlgalkaas ayaa lagu soo furtay dad shacab ah oo u xirnaa maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo hadda dib ula midoobaya ehelkooda.

Ciidanka ayaa deegaanadaas ka wada hawlgallo nabadgalyada lagu xoojinayo, islamarkaana miinooyinka looga saarayo jidadka ay maleeshiyadu goysay, sida uu Sonna u xaqiijiyey sargaal sare oo ka tirsan xoogga dalka.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana looga furtay saanad ciidan.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib-u-dhisaya Masjidkii iyo Dugsi Quraankii Alshabaab qarxiyeen

0

Muqdisho(SNTV);–  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay Masaajidkii iyo Dugsi Quraanka Degmada Hawlwadaag ee dhowaan ay qarxiyeen dhagar qabayaasha argagaxisada Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobahan cibaadada ee ay beegsadeen argagixisadu lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan ee uu dhaqan geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in nabad-diidku ay isku dayayaan inay dib-u-celiyaan Caasimadda, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed u taagan yahay horumarka iyo difaaca dalkooda.

“Carruurtii dhiganaysay dugsi Quraankan oo qaar ka mid asxaabtoodu ay ku naf-waayeen weerarkan bahalnimada ah, waxa ay isla maalintii xigtay qaraxa, dhexda u xirteen in ay dib u hagaajiyeen dugsigooda, waana farriin muujinaysay in aan argagixisadu is-hor-istaagi karin hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, carruur iyo cirroolaba. Waxaan tusaynaa in innagoo wada jir ah aan dib u dhisno Masjidkii, dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada.”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintey weerarkan.Isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto argagixisada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo tababar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda

0

Muqdisho(SONNA);- Si loogu mahadceliyo laguna dhiiri galiyo ayuu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar Shahaandooyin abaal marin ah ku guddoonsiyay  doorka ay ka qaateen suurta galnimadii soo wareejintii xafiiska Maamulka Hawada ee Soomaaliya,  waxaayna kala ahaayeen  Agaasime ku-xigeenka  Hay,adda Socdaalka iyo jinsiyada  Ibraahin Xuseen xersi ,Maareeyaha Guud ee Garoonka  Generaal Cabdi Ashkar Jamac,kuxigeenka hay,adda socdaalka iyo jinsiyada Axmed Xuseen raage ,cumar Macalin Nuur, Madaxa Garoonka Aadan Cade, iyo Maamulka furdada Garoonka ee Wasaaradda Maaliyada  Cabdiwal Maxamed  Cali.

Waxaa kalo qeyb ka ahaa qaar ka mid shaqaalihii tababarka loo soo xeray, islamarkaan sheegay in ay diyaar u yihiin in ay waxay barteen ugu shaqeeyaan bulshadooda

‘’Sucaado  diiriye Xasan oo ka mid aheyd shaqaalihi tababarka loo soo xeray ayaa sheegatay in waxyaabo badan ay ka barteen islamarkaan ay ugu shaqeyn doonaan bulshadooda ’’

Kusimaha Maareyaaha Hay,ada Duulista Hawada Axmed  Macalin Xasan waxa uu sheegay in wasaaradu ay ka shaqeyneyso sidii shaqaalaha ay tababar dhameystiran u heli lahaayeen

’’Waxaan wadnaa in aan tababaro dheeraad ah siino shaaqalaha si xirfada ay ku shaqeynayaan ay u noqoto mid ku filan Garoonka sidoo kale uu ula jaan qaado Garoomada caalamka ’’

Guddiga gaadiidka  ee Golaha shacabka oo ay shaqadiisa tahay la socodka hamsami u socodka arrimha socdaalka iyo shaqada garoonka ayaa ku dhiiri galiyay howsha ay qabteen Wasaaradda iyo Hay,ada Duulista Hawada

’’Waxaan bogaadineynaa shaqada ay ka qabteen Wasaaradda iyo hay’adda Duulista Hawada hadii aa nahay gudiga gadiid ee hay’adda duulista ee Golaha shacabka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan  Axmed Suge ’’

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa uga mahadceliyay Mas”uuliyiinta si ay uga qeyb qaateen in horumarkaan,wuxuun dhanka kale sheegay in wali howlo badan uyaalaan Wasaaradda

’’Waxa ay naga mudan yihiin inaan u mahadcelino doorkii ay ka qaateen soo celintii xafiiska maamulka Hawada ee Soomaaliya waxaa kaloo noo yaala Howlo badan si aan u hormarino adeegayada garoonka ’’

Tan iyo markii xafiidka Maamulka Hawada loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho waxaa la bilaabay tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo shaqaalaha xafiiska maamulka hawada si ay ula jaan qadaan kuwa caalamka waxaana soo dhamaaday wajigii labaad ee ee tababrka amniga garoonka iyado dhawan ay bilaaban doonan kuwa kale.

Kullan looga hadlayay soo bandhigida Xogta Dowladda iyo sidii la isugu xiri lahaa oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);- Kulan Wasaaraddeedkaan sare oo ah barnaamij isku xira hey’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradaha oo qeyb ka ah daah-furnaanta dowladda waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Kulan wasaaraddeedkaan waxaa ka soo qeyb-galay agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Xukuumadda iyo saraakiil kale oo iyaguna ka tirsan hey’adaha kale ee dowladda.

Waxaa la is weydaarsaday xogta dowladda iyo in ay muhiim tahay sidii la isugu xiri lahaa xarunta Daah-furtaan iyo hey’adaha ay quseyso, si loo keydiyo macluumaadka iyo xogta dowladda kaddib la isu dhaafsado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey ahmiyadda uu dowladda iyo bulshada u leeyahay barnaamijkaan.

” Ujeedadu waxay tahay sidii Hay’adaha Dowladda dhexdooda la isugu xiri lahaa xagga Xogta iyo Akhbaaraadka ka dibna Hay’adaha Dowladda iyo dadweynaha sidii la isugu xiri lahaa oo leysku gaarsiin lahaa,waad ogtihiin maanta akhbaarta ama xogtu waxay tahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha noolaha ee bini-aadamka maanta jira, si ay Bulshada ula socdaan xogta Dowladdooda, ayaa fikradaan loo abuuray ma ahan wax wadankeena keliya ku eg, waa barnaamij caalami ah oo aduunka oo dhan ka jira,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo ka hadlay dhaca iyo boobka lagu hayo Soomaalida.

0

Koonfur Afrika(SNTV);- Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dhamaadka bishii hore tuulooyin hoos taga magaalada Johanesburg ee dalka koofur afrika laga barakiciyay Ganacsatadii ajaaniibta aheyd, kuwaasi oo badankoodu ahaa soomaali, itoobiyaan iyo Bangaladesh.

Weerarkaan oo ay hormuud ka ahaayeen dadka deegaanka ee tuulada soweto ayaa waxaa boob iyo dhac loogu geystay ku dhowaad konton Mehradood, waxaana laga badbaashay boqolaal kale oo gurmad ka helay jaaliyadda Soomaalida iyo Ciidamada ammaanka.

Arinkaan ayaa yimid kadib markii farriimo xambaarsan jinsi naceyb baraha bulshada soo dhigeen dad ku eedeeynayo ganacsiga ajaaniibta ah in bulshada ka iibiyaan cunto Dhacsan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya koofur afrika Amb: jamaal Maxamed Barrow oo ka warbixiyay Tallaabadii Safaaraddu ka qaaday Arrinkaas ayaa sheegay in Dowlada koofur afrika kala hadleen dadkii halkaasi lagu wax yeelleeyay hantidoodina lagu dhacay.

Dabaysha Isbaddal Ee Geeska Afrika Oo Ganacsi U Fureysa Soomaaliya

0

Dabaysha Isbaddal Ee Geeska Afrika Oo Ganacsi U Fureysa Soomaaliya

Waxaa Qoray: Mudane Xasan Cali Khayre; Raysul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maalmo yar ka hor, dowladaha Jabbuuti iyo Erateriya waxa ay ku heshiiyeen in ay xiriirkooda dib u hagaajiyaan, isla-markaasna bog cusub u furaan danaha labada waddan oo uu horay qalqal siyaasadeed soo kala dhexgalay.

Arrintaan waxaa xigtay guul kale oo taariikhi ah, taas oo ahayd: shirweyne ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya, kaas oo lagu raadinayo waanwaan nabadeed.

 

Kulankani wuxuu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xal-u-helidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo aas-aas u ah siyaasaddeenna arrimaha dibadda. Hoggaamiyeyaasha saddexda waddan waxa ay isku raaceen in laga gudbo xalna loo helo khilaafaadkii horay u dhexyaallay waddamadaas.

Tan iyo markii aan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo anigu xafiiska la wareegnay, dowladdu waxa ay soo hoysay guulo waaweyn; gudaha iyo dibaddaba.

Dowladdeennu, isaga oo uu nagu matalayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, waxa ay hoggaamineysaa wada-hadallo lagu dhammeynayo muranka xudduudeed ee u dhexeeya Jabbuuti iyo Erateriya.Wada-hadallada Asmara ka furmay waxaa looga gollahaa in lagu xoojiyo wadaxaajoodyo gooni gooni ahaa oo u dhexeeyay madaxda saddexda dal.

HESHIISKA NABADDA

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabbuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Erateriya, Cusmaan Saalax ayaa bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya waddo si loo wanaajiyo xiriirka labadaas dal.

Muddo tobaneeya sano ah ayey labada dal ku muransanaayeen gobolka Doumeira. Isku-dayo badan oo la sameeyay si cadaawadda loo soo afjaro ayaa guuldarro ku dhammaaday. Sannadkii 2010, dowladda Qatar ayaa dadaal xooggan u gashay sidii labadaas dal loo heshiisiin lahaa.

Horumarka u dambeeyay ee ay dowladdeennu sameeysay waxa uu inta badan la xiriiraa wada shaqeynta siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la yeelatay dunida inteeda kale.

Laba bil ka hor, madaxweyne Farmaajo wuxa uu gogol u fidiyay raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Arrintaan waxa ay aad uga yaabisay xulafadii siyaasadda iyo dadkii xumatashiilka ahaaba, balse waxa ay sii xoojisay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya.

Wada-hadallada Asmara waxa ay hordhac u yihiin waa cusub oo diblomaasiyadeed. Soomaaliya waxa ay si xowli ah u soo ceshaneysaa booskii ama kaalintii ay ku lahayd dowladaha horay u maray. Waxaan dadaal ugu jirnaa inaan door fiican ka cayaarno nabadda iyo ammaanka adduunka.

AMMAANKA

Sannadka soo socda, Soomaaliya waxa ay dib ula wareegi doontaa shir-guddoominta Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carbeed, annagoo shirka 2019-ka ku qaban doonna Muqdisho, si ay dunidu u ogaato inaan ganacsi diyaar u nahay.

Dowladdeennu waxa ay damacsan tahay in ay ka faa’iideysato dabaysha isbaddal ee ka dhaceysa geeska Afrika si aan u horumarinno danaheenna ammaanka, gacanna uga geysanno sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Afrika inteeda kale.

Intii la joogay Asmara, waxaan muujinnay tilmaanna ka bixinnay halka ay siyaasaddeennu ku jiheysan tahay oo ah inaan noqonno qaran nabdoon oo ku yaalla gobol xasilloon.

Baadi-doonka aan ugu jirno guul aan ka gaarno arrimaha dibaddu waxa uu ka shidaal qaadanayaa horukaca aan ka sameynnay waddanka gudahiisa, gaar ahaan xagga ammaanka.

Argaggixisadii waddankeenna gabbaadka ka dhigatay hadda waxa ay ku sugan yihiin xaalad ciirciir ah. Soomaaliya abaal weyn ayey uga heysaa waddamada deriska ah, oo ay ka mid tahay Kenya, gacantii ay ka geysteen dagaalka aan kula jirno argaggixisada.
ARGAGGIXISADA

Dowladdeennu waxa ay ku dhawaaqday cafis, kaas oo horseeday in hoggaamiyeyaal kooxo argaggixiso ahi ay dowladda isu soo dhiibaan, ka dibna gacan ka geystaan dib u dhiska Qaranka. Qurbajoogta soo laabatay ayaa ayaguna waxa ay dalka ku sameeyeen maalgelin aad u xoog badan.

Dowladdeennu waa mid shaqeyneysa. Waxa aan bixinnay mushaarka shaqaalaha rayidka ah, ciidamadeennana waxaa ka go’an in howl-galladooda ay sii xoojiyaan. Sidoo kalena waxa aan xiriir aad u wanaagsan la sameysanay beesha caalamka. Hay’adda Lacagta Adduunku waxa ay Soomaaliya ku bogaadisay dib-u-habeynta iyo qaabeynta aan ku sameynnay kobcinta dhaqaalaheenna.

Saddexdii bilood ee u horreysay sannadkan, 2018, dowladdu waxa ay gudaha dalka ka ururisay dhaqaale gaaraya 42.5 milyan oo doollar ah, taas oo ah lacagtii abid ugu badneyd ee dowlad Soomaaliyeed ururiso muddo saddex bil ah gudaheed. Haddaba, waxa aan cagta ku heynnaa waddadii Soomaaliya ay ku gaari lahayd in loo dhaafo deymaha lacageed ee lagu leeyahay.

Halku-dhegga dowladdeennu waa ‘ISLAXISAABTAN’, waxaana barbar socda dagaal joogto ah oo ka dhan ah musuqmaasuqa. Soomaaliya waxa ay maanta joogtaa heer ay ilaheeda dhaqaale dadkeeda uga faa’iideyn karto.