Al-shabaab oo Musalsal ka dhigtay beegsiga Masaajidda

Date:

Sida looga bartay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay mar kale Qarxiyeen Masaajid dhinaca ku hayey xarunta degmada Howl-wadaag.

Gaariga Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey waxa uu baabi’iyey dhammaan jiritaanka dhismaha Masaajidka iyo goobo dad shacab ah loogu qidmeynayey adeegyada ay u baahan yihiin.

Waxaa Basbeelay qaar ka mid ah Kitaabadii Masaajidka, Minbarkii iyo dhammaan agabyadii cibaadada, tani waa farriin kale oo sheegeysa in Al-shabaab ay isu rogeen diin-laaweyaal diidan diinta ALLE.

Falkaan  lagu Qarxiyey Masaajidka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh, laakiin  islamarkiiba waxaa la arkayey dadweyne isxilqaamay oo u gurmaday dadkii wax ku noqday arxan la’aanta Al-shabaab.

Al-shabaab Musalsal ayeey ka dhiganayaan in ay beegsadaan Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka.

Duqa Muqdisho oo booqday Masaajidka ay Qarxiyeen Al-shabaab waxa uu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay, kuwaa ku dhaawacmay iyo askartii Naftii haligaha Rasaasta la dhacday oo qaar ay ka Shahiideen halkaas

Waxa uu ammaanay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow  dadweynihii gurmadka isxilqaamka ay ka qeyb-qaatay,  goobaha Cibaabada ALLE ee ay beegsadeen markii labaadna in si deg deg ah loo dhisayo.

Toddobaadkii hore Masaajid iyo Dugsi Qur’aan ayeey sidaan oo kale ka geysteen Fal Qarax ah, si ay u laayaan dadka cibaadeysanayey iyo ardeyda yar-yar, laakiin Masjidkii ay burburiyeen waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha gobolka Banaadir si loo tuso in aysan cibaadada ALLE ummadda Muslimka ah ka hor istaagi karin AL-shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...