Home Blog Page 1216

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

0

Muqdisho, Sebteembar 12, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika .

Madaxweyne Farmaajo oo u baxay ka qeyb galka shirka IGAD

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadli doono xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaada mudada dheer u dhaxaysay wadamada dariska ah ee Jabuuti iyo Eriteria, iyadoo shalay lagu guulaystay in dib loo furo xadka labada dal oo xirnaa mudo 20-sano ah.

Ciidanka Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku dilay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab halka kuwa kalena lagu dhaawacay, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada oo ku Howlanaa Weeraro ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

“Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa israsaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Alshabaab ah kuwa kalana lagu dhaawacay, Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho.

Taliska NISA ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay dib kaga soo baxeen Deegaanka Mubaarak si Shacabka aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka.

“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., Ciidamada Amniga waxaa ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga oo Dilay Horjooge ka tirsanaa Amniyaadka Al shabaab

Muqdisho (SNTV)- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa xalay ka hortagay weerar nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar fashilmay ay kusoo qaadeen magaalada Marka, iyadoo dagaalka looga dilay nabadiidka Al-shabaab labo dhagarqabe uu ku jiro horjooge sare.

Horjogaha la dilay ayuu Taliyaha magaciisa uu ku sheegay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr.

Axmed cabdi Cali (Axmed Gaashaan) Taliyaha guutada 14-ka Octoobar ayaa ugu dambeyntii sheegay in Horjoogaha la dilay uu ku xigeen u ahaa Horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Magaalada Marka.

 

Wasaaradda Cadaalada oo maanta tababar u furtay Garqaadayaasha Xarumaha habka dadban ee xalinta khilaafaadka G/Banaadir

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Tababarkaan oo soconaya seddex Maalin ayaa waxaa maanta furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana loo qabtay garqaadayaasha xarumaha habka dadban ee xalinta khilaafaaadka gobolka Banaadir kuwaas oo dhawaan Wasaaradu ka hirgalisay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Odayaasha dhaqanka iyo hooyooyinka ayaa ka dhex muuqday dadka loo furay tababarka, Muhiimada laga leeyahay ayaana wasaaradu ku sifeysay inay tahay in isku dhacyada iyo khilaafaadka bulshada dhex yaala lagu xaliyo hab xeer beegti ah kiisaska xarumahaan soo dhaafana loo gudbiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalka.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka dalka oo furay tababarka ayaa u sheegay ka qayb galayaasha inay muhiimad weyn siiyaan habkaan xalinta khilaafaadka isla markaana ka faa,iideystaan daruusta laga bixin doono madasha

“Xarumahaan faa,iidooyinka ay leeyihiin waxaa ka mid ah tusaale hadda labo bilood oo ay shaqeynayaan waxaa ay qabteen wax ka badan 60 kiis oo dacwo ah 35 ka mid ah waa la xaliyay oo xarumahaan ayaa ku guuleystay taasina waa muhiimada loo sameeyay waxaan idiin sheegayaan aas aaska in laga dhiso ayay u baahan tahay cadaaladu”ayuu yiri wasiirku.

Turkiga oo Cambaareyey Weerarkii Argagixisada ahaa ee Xarunta Degmada Hodan

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii kooxda xagjirka ee Alshabaab ku qaadeen xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falkaasi ay aad uga xun yihiin, uuna yahay mid argagixiso oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo dad aan waxba galabsan ee xarunta Degmadaasi iyo nawaaxigeeda ku sugnaa.

Sidoo kale bayaankaasi ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falka noocan ah uu waxyeelaynayo sugnaashaha nabadgelyada ee Soomaaliya,waxayna Tacsi u dirtay Xukuumadda  iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ilaah ugu barisay dadkii shilkaasi ku dhaawacmay caafimaad ded deg ag.

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Degmada Hodan subaxdii sabtidii la soo dhaafay wuxuuna sababay geeri iyo dhaawacyo dad maato ah ,wuxuuna dhibaato gaarsiyay  Masaajidyo iyo Guryo dadweyne oo ka ag dhawaa goobtaasi.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo sheegay inay ka madax banaan yihiin arrimo siyaasadeed

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiskaasi uu ka madax banaan yahay laamaha kala duwan ee dawladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaran uu dardar geliyey sare u qaadida dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa, islamarkaana muddo 30 sano kadib ay fuliyeen howlgallo lagu dagaalamayo lunsashada Hantida Qaranka

 

 

Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskii Falastiiniyiinta uu ku lahaa magaalada Washington, DC.

0

Muqdisho september 10 (SNTV):-Hadalkan waxaa Isniintii ku dhawaaqay, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa taasoo sheegtay xafiiska Falastiiniyiinta (PLO) in la xirayo.

“Waxaan u fasaxnay xafiiska PLO in ay qabtaan howlgalo taageeraya ujeedada ah in lagu gaaro nabad waarta oo u dhexeeya Israel iyo Falastiin tan iyo markii la joojiyey bishii November 2017,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa hoggaanka PLOP ku eedeyey in uu ka soo horjeedo dedaaladda nabadda ee Washington ay waddo.

Si kastaba, Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay go’aanka maamulka Trump mid u oggolaan doonaIsrael in ay sii wado siyaasadeeda ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo dhulkooda.

Xoghayaha Guud ee PLO Saeb Erekat ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa Mid kalsooni siinaya Yuhuudda isla amrkaana lagu ciqaabayo dadka reer Falastiin.

Waxa uu sheegay in maamulka Trump uu horrey u joojiyey dhaqaalihii lagu bixinayey adeegyada  bani’aadamnimada oo ay ku jiraan caafimaadka iyo waxbarashada”.

Taliyaha nabad sugidda qaranka Trump, John Bolton, ayaa isniintii ku hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) iyada oo cunaqabteyntu socoto haddii baaritaan lagu sameeyo Maraykanka iyo Israel.

“Maraykanku wuxuu mar walba la jiri doonaa saaxiibkiisa iyo isbahaysigeena, Israel,” ayuu yiri Bolton oo hadal ka jeediyay Fiktooriya, oo ah koox dhexdhexaadin ah, Washington, DC.

Bolton ayaa sheegay in Maraykanku uu beegsan doono ICC-da  haddii baaritaan lagu sameeyo dambiyada dagaal Afgaanistaan.

Dumar xildhibaano ah oo loo diiday inay isqurxiyaan

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa dalka Tanzania, afhayeenka baarlamaanka dalka dalkaas Job Ndugai ayaa ku dhawaaqay in fadhiyada baarlamaanka laga mamnucay in ay dumarka la soo galaan iyagoo xiran ciddiyo been abuur ah iuo iyagoo indhaha ku soo xardhay wax yaabaha lagu qarxiyo.

Mr Nduga ayaa sheegay in arrintan loo sameeyay markii mamnuucay markii Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Faustine Ndugulile uu walaac ka muujiyey khatarta caafimaad ee ay lee yihiin ciddiyaha been abuurka ah iyo wax yaabaha indhaha lagu qurxiyo.

Xayiraaddan ayaa sidoo kale lagu soo dabbaalay martida baarlamaanka immaanaysa sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Tanzania.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu mamnuucay in ay xirtaan dhar gaaban iyo in ay surwaalada Jiinisyada ay baarlamaanka la yimaadaan.

Hadalkan ayuu sheegay Mr. Nduga kaddib wax yer markii wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr Faustine Ndugulile uu sheegay dumarka ku jira xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka in cidiyaha been abuurka iyo wax yaabaha dumarka ay wajiga ku qurxiyaan ay dhibaato caafimaad ay lee yihiin sidoo kale qarash badan lagu iibiyo.

Waxa uu sheegay in sannad kasta isbitaalka MNH ay ee ku yaalla Caruusha uu qaabilo ugu yaraan 700 oo dumar ah kuwaasoo ka cabanaya markii ay xirteen cidiyaha been abuurka ah iyo wajiga oo midabeeyeen.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Tanzania, sheeyadan la mamnuucay ma ahan wax yaabaha la oggolyahay ee dumarka isku qurxiyaan ee dalka ka soo baxa sida cuntooyinka iyo khudaarta laga sameeyo.

Haddaba, mar haddii dumarka baarlamaanka ee Tanzaia laga mamnuucay cidiyaha been abuur ah ee dumarka xirtaan iyo wax yaabaha wajiga lagu qurxiyo waa sidee Soomaaliya oo ka mid ah meelaha laga isticmaalo sheeyadaas, jawaabta Akhristayaasha  ayaan u deyneynaa.

 

 

Muddo 20 sano kadib oo xuduudaah Itoobiya iyo Eritrea dib loo furay

0

 (SNTV)-:Madaxda Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

Talaabadan oo dib loogu fuaray xuduudaha labada dale e dhanka dhulka ah ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Waxaa ay arrintani ka dambeysay Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo in muddo ah qilaaf ka dhextaagnaa ayaa bilaabay in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,wixii ka dambeeyey markii hoggaanka Itoobiya uu qabtay raiiusl wasaare Abiye Axmed,kaasi oo wadamada Geeska Afrika hoggaamiyaashooda la yeeshey shirar kaladuwan oo ku aadan xoojinta iyo iskaashiga ku dhisan waxwada qabsiga