Home Blog Page 1215

Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa maanta ka shiray kala hormarinta ajandayaasha kalfadhiga 4-aad.

0

Muqdisho- Soomaaliya, 13-09-2018: Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa maanta kulankooda 41-aad ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Kulanka intiisa badan waxaa loogu hadlay shaqooyinkii horyaalla golaha shacabka iyo sida loo kala hormarin karo.

Xubnaha guddiga ayaa soo bandhigay talooyinkooda ku aadan sida loo wajahi karo howlaha culus ee horyaalla golaha shacabka iyo kala hormarintooda.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa isku raacay in si adag loo shaqeeyo maadaama waqtiga uu yar yahay shaqadana ay badan tahay.

Sidoo kale waxay ka doodeen sida loo kala hormarin karo shuruucda hada hortaalla golaha shacabka kuwaasi oo heerar kala duwan maraya sida hindise sharciyeedayada xukuumada ay soo gudbisay oo aan weli golaha shacabka la horgeyn, hindise sharciyeedyo maray aqrinta koowaad iyo labaad.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in kalfadhigaan shaqooyin badan la doonayo in la qabto.

Xildhibaanada ayuu kula dardaarmay iney usoo diyaar garoobaan gudashada masuuliyada saaran.

“Mudanayaal waad og tihiin howlo badan ayaa na horyaalla kalfadhigaan oo ay ugu horeeyaan miisaaniyadda, anisxinta hindise sharciyedyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista dastuurka.” ayuu yiri guddoomiye muudeey.

Ugu dambeyn kulanka waxa lagu soo bandhigay jadwalka uu golaha shacabka ku shaqeyn doono kalfadhiga 4-aad.

Kusimaha madaxweynaha JFS oo waqtigiisa ku qaadanayo xarunta Jeneraal Kaahiye

0

Muqdisho (SNTV)- Kusimaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa  ku sugan xarunta Jeneraal Kaahiye ( Iskool Buluusiya) si’ uu u dhiira geliyo ciidamo tababar ugu socdo xaruntaasi.

Ciidamada uu kusimaha madaxweynaha dhiira gelinta u sameynayo ee uu la qadeynayo ayaa ka tirsan booliiska Soomaaliya, waxaana u socda tababar.

Guddoomiyaha ayaa la filaya in uu khudbad u jeediyo ciidamada kana xog wareysto xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tababarka u socda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa ku wehlinaya kulanka dhiira gelinta.

Sidoo kale waxaa xarunta Jeneraal Kaahiye ku sugan oo guddoomiye Mursal xarunta ku soo dhaweeyay kusimaha taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ahna taliye kuxigenka ciidanka S/guuto Zakiya Xuseen Axmed iyo saraakiil kale.

Xaflad Dhaarin ah oo Maanta ka dhacday Xaruunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir

0

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Khamiis ah Munaasabad ka dhacday Xarunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir lagu dhaariyay  Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo dhawaan is ku shaandhayn lagu sameeyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Wasiirka Caddaaladda,hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta , ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, kusimaha Xeer- Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir Garyaqaan , Abshir Cumar Cabdullaahi oo dhaariyay xubnihii xilka ku kala wareegayay ayaa kula dardaarmay in ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kale  Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmed  ayaa xarigga ka jaray Xafiisyo cusub oo ay yeelan doonaan waaxaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Gobolka Banaadir iyo Maxakamada Gobolka Banaadir.

Soomaaliya iyo Findland oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga labada dal

0

Helsinki-(SNTV)-Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Finland ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta ee Dalkaas Ms, Anne-Mari Virolainen.

Laba dhinac ayaa waxay isku Af-garteen in la xoojiyo xiriirka ganacsi iyo kan maalgashi ee Soomaaliya iyo Finland, iyo in shirkadaha Labada Waddan ay yeeshaan ganacsi wadaag iyo Isdhaafsi xagga aqoonta iyo Technology-yada ganacsiga, Wershadaha iyo wax soosaarka kheyraadka Soomaaliya.

Wasiirka iyo Waftigiisu waxa kale oo la kulmeen shirkado iyo Maalqabeenno danaynaya in ay maalgashadaan Dalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo hir-gelin lahaa waxyabaha ay ka wada hadleen.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka.

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka.

Shirkan oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa Dadka ay Biyo la’aantu saameysay ee Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Barroow iyo  iyo Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka C/llaahi Xaamud Maxamed.

Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka caawiya Mashaariic badan oo la xiriirta dhinaca Bini’aaddannimada, wuxuuna sidoo kale kaalin mug leh kaga jiraa kabka Miisaaniyadda Soomaaliya.

Soomaaliya oo Ergey cusub loo soo Magacaabay

0

New Nork-(SNTV)-Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa,Antonio Guterres , ayaa Shalay oo Arbaca ahayd si rasmi ah ugu Magacaabay Soomaaliya Ergey cusub.

Mr, Guterres ayaa Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Dalka Koofur Afrika u Magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta ee Dalka.

Danjire, Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska hayay tan iyo 22-kii November, 2015, kaas oo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.

Ergeysan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doona ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka.

Nicholas Haysom, ayaa ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u fadhiya Waddamada Suudaanta Waqooyi iyo tan koofureed wixii ka horreeyay 2016-kii ,wuxuuna sidoo kale kaaliye howl-galka QM ka soo noqday Dalka Afghanistaan.

Nicholas Haysom ayaa ah Qareen ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, isagoo aqoon u leh ka shaqaynta arrimaha doorashooyinka, habaynta Dastuurka iyo maamul wanaagga.

Isha/ Agencies

Dowladda FS oo bogaadisay heshiiska ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed

0

Addis-ababa(SNTV)–Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay  heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed, kaddib shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah uu shir uga socanayay Magaalada Addis ababa, ayaa waxay kaga arrinsanayeen dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in hoggaamiyeyaasha IGAD ay ku guuleysteen arrinta ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona ugu dambeyntiina heshis laga gaaray, waxayna Dowladda Soomaaliyeed bogaadisay heshiiska la dhexdhigay dhinacyadii isku haya Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhiirri geliyey barnaamijka isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV), Sebteembar 12, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in barnaamijka Isxilqaan ee DFS ay ka hirgelinayso dalka uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maamulka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

Kulankan Todobaalha ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiye Kuxigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Gobolka dhiirigelinta iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen qorshaha dib-u-soo celinta goobaha danta guud ee Caasimada, waxaana la isku raacay in la sii wado qorshahan, dibna loo hirgeliyo goobihii ay ku nasan jireen bulshadu.

Sidoo kale, Guddoonka heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si wada jir ah u bogaadiyey habsami u socodka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Garoonka Koonis, iyagoona hambalyo u diray degmooyinka u soo gudbay wareegga labaad.

 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare BFS oo Warmurtiiyeed soo saaray “AKHIRSO”

0

Muqdiso (SNTV), Guddiga Joogatada ah ee Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare ,waxaana shir guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayadoo laga soo saaray War murtiyeed ka kooban Afar qodob.

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu maanta kulankiisa 17aad ee 12 September 2018 ku guddoonsaday qodobada soo socda:

1- Guddigu isaga oo tixraacaya go’aannadii ka soo baxay kulankii 16aad ee September 10, 2018 waxa uu guddoonsaday in uu wufuud u kala diro dhammaan Dowlad Goboleedyada; si ay ugu kuurgalaan, warbixin dhab ahna uga keenaan xaaladda amni, siyaasadeed, nololeed iyo midda federaaleynta Dalka si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka hadda ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2- Si wufuuda Aqalka Sare u dirayo dhammaan Dowlad Goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana miro dhaliyo xal u helida khilaafka iyo ismaandhaafka taagan, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh abaabulka iyo sameynta soojeedinada (Motions) ka dhanka ah Madaxda kala duwan ee Dowlad Goboleedyada in ay si deg deg ah u joojiyaan iyaga oo fursad siinaya dadaalka xaldoon ee Golaha Aqalka Sare uu ku raadinayo xasilooni siyaasadeed iyo is faham guud.

3- Waxa uu Aqalka Sare ku boorinayaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay joojiyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan.

4- Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada dastuuriga ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xal laga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

 

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Jaamacaddaha dalka

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay  hoggaanka Ururada ay ku mideysan yihiin Jaamacadaha dalka.

Kulankan  ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Xassan Maxamed Cali iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay inay wada shaqeyn dhow la yeelato bahda waxbarashada , islamarkaana dhankooda looga baahan yahay  inay la shaqeeyaan wasaaradda si horumar loo gaaro.

Guddoomiyaha Ururada ay ku mideysan yihiin jaamacaddaha dalka Daahir Xassan Carab ayaa sheegay in waxbarashada dalka ay soo martay marxalado kala duwan hadda ay mareyso meel wanaagsan, isagoo wasiirka ka dalbaday inuu ka firsado dhismaha guddiga tacliinta sare islamarkana uu soo xulo dad aqoon u leh waxbarashada.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa kulanka ka sheegay in wasaaradda bishan gudaheeda qorsheyneyso inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo ay kafaalo qaadi doonto wax kasta oo ay u baahan yihiin.

“Wasaaradda waxbarashada waxaa bishan gudaheeda u qorsheysan inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, waxaan bixin doonnaa wax kasta oo ay u baahan yihiin, sannadka soo socda waxan rajeyneynaa anngoo kaashaneyna wasiirada waxbarashada maamulada dalka ka jira oo wada shaqeyn wanaagsan naga dhaxeyso in gobolladana iskuulo ka hirgelino’’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in la dhameystiray islamarkanaa hadda uu socdo qeybinteeda manhajka fasalada afaraad, haddan waxaa socota qorida manhajka fasalada 5-aad iyo 12-aad , sannadka soo socdana la dhameystiri doono isagoo  sheegay in  kaalin ay ka geysteen daalladaha waxbarashada dalka.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe lagu horumarinayo waxbarashada dalka, iyadoo wasaaradda ay gacanta ku heyso iskuullo ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo si lacag la’aan ah wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed.