Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare BFS oo Warmurtiiyeed soo saaray “AKHIRSO”

Date:

Muqdiso (SNTV), Guddiga Joogatada ah ee Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare ,waxaana shir guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayadoo laga soo saaray War murtiyeed ka kooban Afar qodob.

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu maanta kulankiisa 17aad ee 12 September 2018 ku guddoonsaday qodobada soo socda:

1- Guddigu isaga oo tixraacaya go’aannadii ka soo baxay kulankii 16aad ee September 10, 2018 waxa uu guddoonsaday in uu wufuud u kala diro dhammaan Dowlad Goboleedyada; si ay ugu kuurgalaan, warbixin dhab ahna uga keenaan xaaladda amni, siyaasadeed, nololeed iyo midda federaaleynta Dalka si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka hadda ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2- Si wufuuda Aqalka Sare u dirayo dhammaan Dowlad Goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana miro dhaliyo xal u helida khilaafka iyo ismaandhaafka taagan, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh abaabulka iyo sameynta soojeedinada (Motions) ka dhanka ah Madaxda kala duwan ee Dowlad Goboleedyada in ay si deg deg ah u joojiyaan iyaga oo fursad siinaya dadaalka xaldoon ee Golaha Aqalka Sare uu ku raadinayo xasilooni siyaasadeed iyo is faham guud.

3- Waxa uu Aqalka Sare ku boorinayaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay joojiyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan.

4- Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada dastuuriga ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xal laga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...