Home Blog Page 1214

Ciidanka Xoogga Dalka oo Al shabaab kala wareegay  magaaladda Marka

0

Ciidanka Xoogga  dalka ayaa la wareegay magaalo madaxda Gobolka Shabeellaha hoose ee Marka.

Ciidanka ammaanka ayaa hawlgal qorshaysan kula wareegay magaalada Marka oo dhacda goob Istiraatiiji ah, waxaana haatan ciidamadan oo uu hogaaminayey ammaanduulihii hore ee xoogga dalka Jeneraal Cabdulaahi Cali Canood  ay wadaan baaritaan amniga lagu xoojinayo

Xarunta maamulka gobolka, Saldhigga Booliska iyo laantii Bankiga dhexe ee magaalada Marka ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamadu haatan joogaan, waxaana meelaha qaar ay ka saareen miinooyin ay maleeshiyada Al-shabaab ku aasen.

Magaalada Marka waxaa dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ku sugnaa maleeshiyada Al-shabaab iyo dabley qabaa’ilada deegaanka ah, balse hadda ayaa la doonayaa in nidaamka dawladnimada la xoojiyo marka la nabadeeyo.

Raiisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xarunta CID oo dib u dayactir lagu sameeyey

0

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarigga ka jaray xaruunta dembi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID,oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Xarunta hoggaanka Baarista dembiyada  ee CID ayaa lagu dayac diray barnaamijka isxilqaan oo ah mid lagu dhisayo xaruumaha Dowladda iskaa wax u qabso.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeer ku sameeyey guud ahaan qeybaha ay ka koobantahay xarunta sida qaybaha ay yalaan qalabka lagu  baaro Fal dembiyeedyada, kuwa lagu ogaado nuucyada qaraxyada oo casri ah iyo 6 Gaadiid ah oo cusub waa oo uu leeyahay hoggaanka CID.

Wasiirka Amniga Qaranka  ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar islow (Ducaale)ayaa tilmaamay in wasaaradda amniga ay wax lagu faano u tahay in  ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay noqdaan  hormuudka barnamijka isxilqaan.

munaasabada kooban oo loogu mahadceliyey taliska Booliska Soomaaliyeed oo xarunta CID ku dayac tiray barnaamijka isxilqaan waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare  ee dalka , wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Amniga , xildhibaano,guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sarakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida,Taliyaasha Ciidanka Boliska iyo Asluubta,waxaana dhamana mas’uuliyiintii ka qeybgashey ay ku ammaaneen hoggaanka CID sida uu isugu xilqaamay dhismaha xaruntaasi.

Baashi Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Dalka ayaa dhankiisa booliska Soomaaliyed ugu hambalyeeyey dowrkooda dhismaha dalka,gaar ahaan  dayactirka xaruuntan,wuxuuna xusay in dhismaha xaruntani ay ka qayb qaadanayso tayada hoggaanka CID oo tiir muhiim u ah garsoorka iyo Cadaaladda.

Hoggaanka baarista dembiyada oo ka mid ah hoggaanada ugu muhiimsan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isku xirta hay’addaha garsooorka , cadaadlladda iyo Nabad galyada,waana halka ay ka soo bilaabato barista dacwad ciqabeed kasta.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo saartay Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka.

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda  iyo manhajka qaranka  ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka  qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada  hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka  ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee  fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.

T,Imtixaanka  fasaladka afraad  waxaa qaadaya  wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J,shahaadda dugsiyada sare  waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka  iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad  wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha  December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan  Sabtiga ugu horeeya  ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

  • Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.
  • Afka carabiga waxaa maado ahaan  laga bilaabayaa  fasalka koowaad dugsiga hoose.
  • Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.
  • Dugsiga sare waxaa wax lagu  baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.

5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

  • Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.
  • Dugsiga dhexe wuxuu qaadan  8 maado.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.
  • Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood
  • Dugsiga dhexe  wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa  10 bilood.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Billaabay la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasiirrada

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta bilaabay la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada Waxbarashada, Gargaarka, Biyaha iyo korontada, Haweenka iyo Xuquul Insaanka, Caafimaadka, Batroolka iyo Macdanta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma. La xisaabtanka wasiirrada ee maanta bilaawday waxa uu socnayaa inta dhammaan wasiirrada xukuummadda uu Ra’iisul wasaaruhu ka hubinayo uuna ka qiimaynayo sida mas’uuliyaddii la saaray ay u guteen iyo in la ogaado caqabadaha jira si loo xalliyo.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay isla xisaabtanka Ra’iisul Wasaaraha ee wasiirrada ayaa yiri, “Waxaa maanta dib noogu billaawday isla xisaabtankii sannadlaha ahaaa, waxa aan dib u eegnay wixii u qabsoomay iyo dadaalkii ay sameeyeen wasiirrada, waxaa kale oo maanta joogay wasiirra cusub oo loogu tala galay in la qabsadaan sifada uu Ra’iisul wasaaruhu ula fal galo si ay u samaystaan qorsha hawleedkooda ku salaysan argatida fog oo ku qotonta wasaaradaha loo dhiibay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lataliye sare u magacabay C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac”

0

Muqdisho Sabti August 18 (SNTV);-Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta Mudane C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” u magacaabay lataliye sare oo katirsan Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Hadaba Hoos ka Akhriso Warqadda kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Agaasimaha Arrimaha Haweenka Ee Qaramada Midoobay

0

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile Mlambo-Ngcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Phumzile Mlambo-Ngcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku ammaantay garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dar-dar geliyo horumarinta arrimaha haweenka.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.

Machadkii Arrimaha Diplomaasiyadda Soomaaliya oo maanta la dhagax dhigay

0

Muqdisho(SNTV):–Mudane Axmed Ciise Cawada wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo machadkii arrimaha diblomaasiyadda Wasaaradda ay lahaan jirtay, kaasi oo kamid hay hay’adihii dowliga oo in kabadan 25 sano burbursanaa, iyadoo ay hareer taagnaayeen diblomaasiyiin kale iyo wakiilka hay’adda Qadar ee Soomaaliya Cabdi Nuur Xaaji Cali iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda Qadar sida ay uga gacansiisay mashruucan dib u dhiska machadka.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qadar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan,sifiirka Qadar ee Soomaaliya  wakaalken safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu dowr ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qadar,waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wada jir ah u  dhagax dhigno”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa isna kahadlay dhagax dhigaasi,wuxuu muujiyay safiirka sida ay uga go’antahay dowladad Qatar in ay ka taageerto mahsariicda horumarineed ,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarineed iyo mida gar gaarka bani’aadanimo oo ay ka wadaan Soomaaliya.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa dhaariyay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka ee uu 5-ta bishaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,  iyadoo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Cadaaaladda ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka.

Salaax  Sheekh Ibraahin oo ka mid ahaa Garsoorayaashi maanta la dhaariyay ayaa ka codsaday in bahda garsoorka  si dhaw ula shaqeeyaan,  islamarkaana uu balan qaaday in ay si cadaalad ah Ummada ugu shaqeynayaan.

Dr Jamaal Maxamed Axmed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku simaha xeer ilaaliyaha ayaa ku booriyay Garsoorayaasha in looga baahanyahay in ay dhowraan nimaadka iyagoo cadaaladda garab taagan.

Wasiirka Cadaalada Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka Dalka.

“Waa Muhiim in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo qeyb weyn ka ah Hay”adaha Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka”ayuu yiri Wasiirka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed  ayaa ku dar daarmay in s bulshadu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka dalka loo baahanyahay in la muujiyo fur furnaan iyo Daacadnimo.

“Si Bulshadeenu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka waxaa loo baahnyahay in lala yimaado daacadnimo iyo Fur furnaan” ayuu yiri guddoomiyaha

Dhinaca kale Si loola socdo shaqada hay,adaha Dowladda ayuu ku saabsanaa kormeerka kediska ah ee uu ku tagay Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar Wasaaaradda  Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya, waxaanaa uu qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradda ku xog wareystay shaqaalaha iyo wasriirka sida ay shaqada u socoto, islamarkaan waxa  uu sheegay in xukumadda ay diyar u tahay sida ay ula xisaabtami laheyd dhamaan hay,adaha Dowladda.

Duqa Muqdisho oo dib ugu soo celiyey Gurigooda qoys dan-yar ah

0

Muqdisho, August  18, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah damcay in looga saaro.

Qoyskan ayaa ka cabanayey takrifal ay u gaysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan guriga qoyskan.

Guddoomiyaha Gobolka oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aan cidna xoog uga saari karin una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda oo uu maamulka Gobolka Banaadir amnigooda sugayo.

Duqa Muqdisho ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbiyey shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay jir-dil u geysteen qoyska iyo hanjabaad, si loo hor geeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, sharcigana lala tiigsado shaqsiyaadkan la soo eedeeyey.

Guddoomiye Yarisow waxaa uu Laanta Danbi Baarista Booliska Soomaaliyeed (C.I.D) ku wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan waxyeellada nafeed iyo hantiyeed ee loo goystay qoyskan, sharcigana la hor keeno dhammaan ciddii ku lug yeelata tabashooyinka ay sheeganayaan.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu faray Maamulka Degmada Xamar Weyne in ay sugaan amniga qoyskan, muddada uu baaritaanku socdo, maadama ay soo gudbiyeen jirdil iyo handadaad horey loogu geystay.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta.

DHAMMAAD

Duqa Muqdisho iyo Ilwad Elman oo isla gartay awood siinta Dhallinyarada

0

Muqdisho (SNTV)- ‪Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ah Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng, (Yariisow) ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ilwad Elman Waxayna kawada hadleen shaqo abuurka, dhiirigelinta iyo awoodsiinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ilwad Elman ayaa ah Soomaali heysta dhalashada Kanada “Canada”, waxa ay ka shaqeysaa  Elman Peace and Human Rights Center  oo ah Hey’ad ka shaqeysa nabad-gelyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha oo xarunteedu ku taal Muqdisho.

Waxa ay ku guuleysatay abaal marinta dhallinyarada Afrika sanadii 2016.