Xaflad Dhaarin ah oo Maanta ka dhacday Xaruunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Khamiis ah Munaasabad ka dhacday Xarunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir lagu dhaariyay  Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo dhawaan is ku shaandhayn lagu sameeyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Wasiirka Caddaaladda,hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta , ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, kusimaha Xeer- Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir Garyaqaan , Abshir Cumar Cabdullaahi oo dhaariyay xubnihii xilka ku kala wareegayay ayaa kula dardaarmay in ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kale  Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmed  ayaa xarigga ka jaray Xafiisyo cusub oo ay yeelan doonaan waaxaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Gobolka Banaadir iyo Maxakamada Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo Qaabbilay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta

Muqdisho-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed...

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Muqdisho-Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha...

Wasiirka Qorsheynta oo furay shirka Wadatashiga Qorshaha ee Isbeddelka Qaran 2025-2029

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo furay Madasha la tashiga Bulshada ee Maqaamka Caasimadda  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf...