Saraakiil Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay waxa ay ka dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, sida ay  sheegeen masuuliyiin ka tirsan gobolkaasi.

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday ayaa gantaallo culus la beegsaday fariisimo Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin tuulooyinka ku dhaw degaanka Ceel-cadde.

Korneel Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegay goobta la bartilmaameedsaday inay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid yahay taliyaha amniyaadka Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay Korneel Cabaas duqeyntan inaanay jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay inay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

“Duqeyntu waxay aheyd mid lala eegtay kooxaha nabad-diidka Al Shabaab, waxaan ognahay inaanay dhib gaarin shacabka, balse waxaa lala beegsaday nimanka cadowga ah, dhimasho iyo dhaawac aya ku gaaray, goobta la bartilmaameedsaday waxaa ku sugnaa taliyaha amniga gobolka Gedo ee Shabaab”. Ayuu yiri Korneel Cabaas Gurey.

 

 

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...