Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Guddiga dhaqaalaha ee aqalka sare

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ku aadan horumarka ganacsiga dalka siiyey Guddiga dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha aqalka sare BFS.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddiga dhaqaalaha maaliyada ganacsiga ee golaha aqalka sare ayaa muddo saacado ah warbixin iyo su’aalo ku aadan howlaha wasaaradda ganacsiga is dhaafsanayay.

Markii uu soo gabogaboobay kulankooda ayaa warbaahinta Qaranka ugu horayn waxaa la hadlay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Guddiga dhaqaalaha, maaliyada iyo ganacsiga ee Golaga Aqalka sare ay warbixin ka siiyeen horumarka ay wasaarada ku tilaabsatay iyo is dhaafsiga ganacsiga qaar ka mid ah dowladaha dariska iyo kuwo kale.

“Horumar ballaaran oo dhinaca ganacsiga Soomaaliya ayaa jira iyo qorshooyin ay haatan wado Wasaaradda Ganacsiga oo lagu doonayo in dowladaha deriska iyo kuwa kalaba la is dhaafsado ganacsiga, maadaama dhulkeenu hodan yahay” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha, maaliyada iyo ganacsiga Golaha Aqalka sare BFS Senatar Mudane Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa dhankiisa sheegay in wasaaradda ay yeeshaan kulan bila ah oo looga hadlayo howlaha
wasaarada iyo tayada ganacsiga yimaada dalka.

“Waa kulan bila ah oo wasaaradda warbxin iyo su’aalo isku dhaafsano, waxa soo kordhay iyaddoo wasaaradda samaysay hay’ad kormeerta lana socota tayada badeecadaha dalka yimaada oo aan horay ugu balamay wasaarada ganacsiga” ayuu yiri Senatar Dhuxuloow.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...