Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Guddiga dhaqaalaha ee aqalka sare

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ku aadan horumarka ganacsiga dalka siiyey Guddiga dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha aqalka sare BFS.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddiga dhaqaalaha maaliyada ganacsiga ee golaha aqalka sare ayaa muddo saacado ah warbixin iyo su’aalo ku aadan howlaha wasaaradda ganacsiga is dhaafsanayay.

Markii uu soo gabogaboobay kulankooda ayaa warbaahinta Qaranka ugu horayn waxaa la hadlay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Guddiga dhaqaalaha, maaliyada iyo ganacsiga ee Golaga Aqalka sare ay warbixin ka siiyeen horumarka ay wasaarada ku tilaabsatay iyo is dhaafsiga ganacsiga qaar ka mid ah dowladaha dariska iyo kuwo kale.

“Horumar ballaaran oo dhinaca ganacsiga Soomaaliya ayaa jira iyo qorshooyin ay haatan wado Wasaaradda Ganacsiga oo lagu doonayo in dowladaha deriska iyo kuwa kalaba la is dhaafsado ganacsiga, maadaama dhulkeenu hodan yahay” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha, maaliyada iyo ganacsiga Golaha Aqalka sare BFS Senatar Mudane Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa dhankiisa sheegay in wasaaradda ay yeeshaan kulan bila ah oo looga hadlayo howlaha
wasaarada iyo tayada ganacsiga yimaada dalka.

“Waa kulan bila ah oo wasaaradda warbxin iyo su’aalo isku dhaafsano, waxa soo kordhay iyaddoo wasaaradda samaysay hay’ad kormeerta lana socota tayada badeecadaha dalka yimaada oo aan horay ugu balamay wasaarada ganacsiga” ayuu yiri Senatar Dhuxuloow.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...