Bahda Waxbarashada oo soo Dhaweysay Barnaamijka Dowlada kula wareegeyso Iskuulada waaweyn

Date:

Muqdisho (SNTV) Aqoonyahanada iyo Ardayda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay Talaabada ay Dowlada Soomaaliya kula wareegeyso Qaar ka mid ah Iskuulada waa weyn Dalka.

Mid ka mida Macalimiinta Wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Faa’iidooyinka ku jira in Dowlada ay la wareegto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

“Anigoo ka mid ah Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa in Dowlada ay la wareegtay ilaa iyo hada Toban Iskuul, inay Dowlada la wareegto ama la Midowdo Iskuuladaasi waxaa ku jira faa’iidooyin waa weyn waxaa ka mid ah in lasoo saaro Arday Tayo leh oo Dowladana ay ka warheyso Tayadooda”.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay Talaabooyinka Hormarka u ah Waxbarashada oo Dowlada Federaalka ay wado, iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in Dowlada ay gacanta ku dhigto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Maamulka Iskuulka Raage Ugaas oo sidoo kale nala hadlay ayaa Talaabadan Dowlada qaaday ku tilmaamay mid wanaagsan, iyagoona sheegay inay raali ka yihiin in Dowlada ay la wareegto.

“Arintaas way wanagsan tahay aniga waxaan wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowlada ka dibna jaamacadii Umadda oo Lacag la’aan aheyd, waxaan ka mid ahay dadka wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowliga diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno Dowladeena”.sidaas waxaa yiri Maamulaha Iskuulka Raage Ugaas Cabdi raxmaan Maxamuud Cali

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan iskuullada Dowladda u qeybisay Buugaagta Manhajka  ee dhawaan ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...