Home Blog Page 1201

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiiru dowlah Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi, waxa uu ka qeybgalay kulanka caadiga ah ee 33,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, iyadoo loo gogol xaarayo shirka 31,aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo socon doona Maalmaha 1-2 July.

Ka qayb qaadashada Soomaaliya ee shir madaxeedka Afrika iyo kulamada gogol xaarka ah waxay ka qayb tahay ahmiyadda joogtada ah ee Soomaaliya ay kula falgasho arrimaha Qaaradda Afrika, iyadoo ah xubin wax ka aas’aastay Midowga Afrika oo hore loo yiqiinnay Ururka Midnimada Afrika.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika oo ku qabsoomay 28-29 June Magaalada Nouakchott ayaa diirrada lagu saarray geedi socodka dib u habeynta Ururka, mashruuca miisaaniyadda Midowga Afrika ee sanadka 2019, mgacaabidda Golaha Hantidhowrka Dibadda iyo horumarrada laga gaarray Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika, Aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka iyo mustaqbalka heshiiska wadagga ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee loo yaqaan “Cotonou Partnership Agreement”, diyaarinta ajandayaasha shir madaxeedka iyo qodobo kale.

Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle, ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda dalka oo uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirada iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)  isla markaana xubin ka ah guddiga.

U jeedada kormeerka wasiiradan ayaa aheyd u kuur gelida hanaanka loo carbiyay ciidanka xoogga dalka ee ka qeyb qaadan doono dabaaldega maalinta xorriyadda oo wasiirka Gaashaandhigga, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) uu halkaas ku diyaariyay.

Cutubyada ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan fantasiyaha iyo damaashaadka 1-da Luulyo ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku soo bandhigay gaarti ka cayaar iyadoo mas’uuliyiinta ay sheeda ka daawanayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xubnaha kale ugu warbixiyay sida loo diyaariyay ciidankan, isagoo u mahadceliyay wasiiradda kormeerka ku yimid xarunta wasaarada.

U diyaar garowga, maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliya ee Koofur iyo Waqooyi ayaa si dardar leh ku socota, iyadoo dowladda Soomaaliya u xil saartay guddiga wasiiro ah oo uu guddoomiye ka yahay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay

Muqdisho(SNTV)-Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka, isagoo yiri: “Waxaan marka hore Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka”

Ugu dambayntiina, shirkan ayaa la soo xiri doonaa berri, waxaana Madasha ka soo bixi doona War-murtiyeed.

Guddoomiye Eng. Yarisow “Isboortigu wuxuu kaalin fiican ka qaataa Naabdda iyo isdhexgalka Bulshada”

Muqdisho(SNTV)–  Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb kulan ciyaareed qeyb ka ah barnaamijka isdhexgalka bulshada oo ay ku tartamayeen labo kooxood oo ka dhisan degmada Waaberi ayaa sheegay in Isboortigu uu kaalin wanaagsan ka qaato isdhexgalka iyo Nabadda bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saarayo hagaajinta nolasha dhalinyarada iyadoo loo marayo ciyaaraha, waxuna xusay in degmooyinka laga sameeyey barnaamijyo isdhexgal bulsho, si loo muujiyo awoodda mideysan iyo hormarka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka sameeyaan ciyaaraha.

“Isboortigu wuxuu kaalin wanaagsan ka qaataa nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ka maamul ahaanna waxaan aamin sannahay in ciyaaruhu naga caawin karaan in Muqdisho ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay barisamaadkii, tanoo ah fursaddii ay dhalinyaradeenu uga qeyb qaadan lahayeen xasilloonida iyo amaanka dalka, khaasatan amaanka magaalada oo muhiim u ah daganaanshaha guud ee dalkeenna.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo la hadlayay dhalinyaro tiro badan oo isugu soo baxay daawashada ciyaarta.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhammaadka ciyaarta labada kooxood ee ku kala ciyaarayay magac xaafadeedyada Sargaduud iyo Baar-ha-idhaafin guddoon siiyey koob kooxdii guushu raacday ee Sargaduud, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka degmada Waaberi muhiimadda ay siinayaan Isboortiga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Caasimadda ka wada barnaamijyo bulshada la isagu soo dhaweynayo si ay iskaga kaashadaan hourmarinta nabada amniga iyo dhexgalka bulshada, iyadoo ujeedku yahay in la helo bulsho isku xiran oo ka shaqaynaya horumarinta dalkooda.

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah

Muqdisho (SONNA), Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Ugu Horeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa golaha uga war bixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Aadan Isxaaq, oo ka warbixiyay qodobadii looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay in sharciga hey’adaha dadka naafada ah ee golahu ansixiyay uu caddeynnayo xuquuqda ay leeyihiin iyo daryeelka ay u baahanyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Gololaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Wasiiru Dawlaha amniga gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga dalka oo ka hadlay amniga guud ee dalka, horumarrada la gaaray iyo qorshayaasha cusub ee hanashada amaanka dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay sida howsha u wadaan guddiga uu madaxda uu u yahay ee loo xil saaray Xuska sanad-guurada 58-aad ee Todobaadka Xorriyadda.

Ugu danbeyn golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadeed ee sanadka 2017 oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kormeeray Maxkamadda degmadda Warta Nabadda

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Cadaalada  Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Booliska, Xarunta degmadda Warta Nabadda iyo Xarunta Maxkamadda Degmadaasi, waxaana warbixin uu ka dhageystay Guddoomiyaha degmadda Warta nabadda Zeynab Maxamed Warsame.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo warbaahinta Qaranka la hadlay, ayaa sheegay in uu ku dadaalayo siddii nidaamka cadaaladda loo gaarsiin lahaa dhammaan degmooyinka gobolada dalka, isaggoo xusay in la haggaajinayo garsoorka.

Wasaaradda cadaaladda xukuumada  fedraalka ah ee Soomaaliya,  ayaa  wada dadaalo ku aadan siddii loo dhisi  lahaa  Golaha  Adeegga garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo safar shaqo ugu maqnaa Jabuuti oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho(SNTV);- Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saddaxdii maalin ee lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,waxaana garoonka diyaaradaha ee dalka magaaladda muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghhayaha Guud ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mudada uu ku sugnaa Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Jabuuti uu kullamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo u hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka jamhuuriyada jabuuti waxa ay kulamo halkaasi kula soo qaateen madaxda wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeele iyagoo sidoo kale ka qeyb galay 27-ka june oo ah sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay jabuuti xornimada qaadatay.

Fanaan Axmed Naaji Sacad oo lagu soo dhaweeyay Kanada

0

Ontario(SNTV)–Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Ustaad Al-Fanaan Axmed Naaji Sacad ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Fanaanka waxaa lagu martiqaatay munaasabada Calanka saarka Soomaaliya, kaasi oo lagu wado inuu saaro baarlamaanka gobolka Ontario,waxaa hore calanka u saari jirtay allaha u naxariistee Khadiijo Cabdulahi Dalays.

Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa mar walba waxay u taagan yihiin inay Dalkooda u adeegaan, iyadoo lawada ogsoon yahay inay ka qeybqaateen xilliyadii Gobonimo doonka, oo uu ka mid yahay Al-Fanaan Axmed Naaji Sacad.

Al-Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa waxaa Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Ontario ee Cariga Canada ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Canada.

Tartanka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo si xiise leh u socda.

Muqdisho(SNTV)—Tartankii Kubadda Koleyga ee Wiilasha iyo Gabdhaha ee Degmooyinak Gobolka Banaadir ayaa wali si habsami leh uga soconaya Garoonka Wiish ee Magaalada Muqdisho.

Shaley oo ay taariiikhdu aheyd 27.6.2018 ayaa waxaa Garoonkaasi isaga horyimid Wiilasha Kubadda Koleyga ee Degmada Heliwaa 37 iyo 26 uga Adkaday Degmada Xamar jajab oo ka wada tirsan wareega Group-yada.

cayaartii 2aad ayaa iyadana waxaa isaga horyimid Wiilasha Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis oo 34 dhibcood iyo 31 dhibcood uga Adkaatay Degmada Howl Wadaag oo ay ku kulmeen garoonka Wiish ku katirsan wareega Group-yada.

tartamadaani ayaa ah kuwa lagu xoojinayo horumrinta Ispoortiga Dalka, gaar ahaan Gobolka Banaadir, islmarkaana lagu abuurayo jawi nabadeed oo ku saleysan is-dhexgal bulsho.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Kenya

Nairobi (SNTV), Kulan gaar ah ayaa wuxuu maanta magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ku dhexmaray  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Aqalka senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senateka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa ku guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????