Home Blog Page 1201

Cabdiraxmaan Baadiyoow oo loo Magacaabay La-Taliyaha sare ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta

0
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow loogu Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre markuu tixgaliyay Baahida loo qabo in la magacaabo La-taliye sare oo Khibrad u leh Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta, markuu arkay Qodobada Dastuurka ee kala ah Qodobka 99-aad (A) (D) iyo Qodobka 100-aad (A) (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marku arkay Taariikh Nololeedka (CV), Kartida, Aqoonta iyo Waaya arragnimada Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow wuxuu u magacaabay Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow ayaa ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee doorka weyn kasoo qaatay Dib u heshiisiinta, Horumarinta Waxbarashada iyo Bulshada intii dalka uu ku jiray Burburka.

Nusoj oo qabatay Dood ku saabsan badqabka gabdhaha wariyayaasha ah.

0

Muqdisho August 3 (SNTV):- Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyed ee Nusoj ayaa qabta Dood ku saabsan badqabka gabdhaha wariyayaasha ee soomaaliyed iyo sidii loo ilaalin lahaa.

Dooddan ayey Ururka ku casumeen Madax ka socotay Dowlada Federaalka ah ee Soomaalia, Qaar kamid ah Agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho, Aqoonyahano iyo Qaar kamid ah wariyayaasha magaalada Muqdisho.

Doodda ayaa inteeda badan lagu falanqeeyey dhibaatooyinka iyo caqabadaha heysta gabdhaha wariyayaasha, xaaladaha ay kushaqeeyaan iyo sidii loo horumarin lahaa xirfadooda.

Maahir Jaamac Aadam oo ah gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta Somaliyed ee Nusoj oo hadal kajeediyey Doodda ayaa sheegay in masuuliyadoodu ay tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen Xuquuqda wariyayaasha soomaaliyeed meelkasto ay joogaan, Ujeedada ay u qabteen Doodanna ay tahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada heystada gabdhaha wariyayaasha ah.

Amina ladan Axmed Cali oo ah gabar suxufiyad ah oo mudda kasoo shaqeysay howlaha saxaafada oo iyadna ka hadashay dooda waxay sheegtay in caqabado badan ay heystaan gabdhaha wariyayaasha ah, duruufana ay ku shaqeyan ay kamidyihiin mushaarka ay qaataan oo kuyar, iyo maamulayaasha warbaahinada qaarkood oo aan wax tixgalin ah siin gabdhaha, iyadoo ugu baaqday Ururka saxafiyiinta qaranka iyo Dowlada federaalka ah ee soomaaliya inay soo saaraan sharci ilaalinaya xuquuqda gabdhaha wariyayaasha ah.

MAryan AMiin oo ah Agaasimaha waaxda Arimaha bulshada ee xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo gabagabadii Dooda ka hadashay goobta waxay sheegtay in Wariyayaasha ay kaalin wayn ka qaataan dib udhiska dalka gaar ahaan kuwa dumarka  sidaas darteed loo baahanyahay in la tixgaliyo oo aan lagu xadgudbin, iyadoo intaas kudartay inuu jira guddi madax bannaan oo ka shaqeeya xuquuqul insaanka Soomaaliya, kaasoo dabagalka kusameyn doona dhibaatooyinka loo geysto Gabdhaha wariyayaasha ah,

Ma ahan Dooddii ugu horeysay ee ay qabtaan Ururka saxafiyiinta qaranka ee Nusoj kaasoo ay uga hadlayaan xaaladaha ay kushaqeeyaan wariyayaasha Soomaaliyeed, waxaana haddii la joogteeyo Doodaha looga hadlayo dhibaatooyinka heysta wariyayaasha Soomaaliyeed meesha ka baxa caqabadaha ka heysta shaqadooda.

 

 

Madxaf labo qarni jiray oo gubtay

0

Isniin, Sept 23, 2018 Muqdisho (SNTV) Dab wayn ayaa ka kacay madxafka qaranka ee dalka Brazil ee ku yaalla Rio de Janeiro, wuxuuna ahaa mid ka mid ah kuwa ugu qaddiimsan dalkaas.

Dabdamiska ayaa daminaya dabka ka huraya dhismaha oo ay yaaleen in kabadan 20 milyan oo shay.

Ma cadda in dad ay ku dhaawacmeen dabka Axaddii kacay.

Madxafkan oo mar hoy u ahaa qoyskii boqortooyada Boortaqiiska ayaa sannadkan horraantiisa u dabaal dagay 200 oo sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaaay.

Sawirro laga baahiyay telefeshinka Brazil ayaa muujiyay dabka oo ka caya, waxaana la rumaysan yahay in uu billawday marii albaabada la isugu laabay ee ay dhammaatay wakhtigii ay dadku u daawasho tagi jireen, Dabka ayaa ku baahay dhismaha oo dhan.

Lamana oga waxa dhaliyay dabka.

Madaxweynaha Brazil Michel Temer ayaa Twitter uu soo qoray ku sheegay “in ay tahay maalin murugo aleh”, wuxuuna intaas ku daray in qiimaha taariikhdooda aan lagu cabbiri karin waxyeellada dhismahaas soo gaartay.

Madaxa madxafka oo waraysi siiyay telefeshinka TV Globo ee dalka Brazil ayaa sheegay in ay dhacday masiibo dhaqan”

Madxafka waxaa yaalay kumannaan shay oo la xidhiidha dhaqanka Brazil iyo dalal kale oo ay Masar ka mid tahay, sida ku qornayd barta uu ku leeyahay Internetka.

Waxyaabaha dabiiciga ah ee yaalay waxaa ka mid ah lafaha xayawaanka dinosaur iyo qalfoof haween oo 12,000 oo sano jira, kaas oo ahaa midkii ugu da’waynaa ee abid laga helo Laatiin Ameerica.

Shaqaalaha dhismaha ayaa la sheegay in horay u soo gudbiyeen walaaca ay ka qabaan dhaqaale la siin jiray oo laga jaray madxafka iyo xaaladda uu dhismuhu ku sugnaa.

 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo xalay booqday Bukaanadi ku waxyeeloobay weerarki Howlwadaag

0

Isniin, Sept 3, 2018Muqdisho (SNTV) Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay booqday Cisbitaalada Digfeer iyo Madiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Wuxuushnimada ahaa ee Argagixisada Al-Shabaab shalay ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kormeerka dhaawacyada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii dhacday,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa waxaan caawa aragnay,dadka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyadeyneynaa dadkii masaakiinta ahaa ee Masaajidka ku jiray iyo Gabadha yarta ah ICU-da ku jirta ee 9-jirta ah Dugsiga joogtay oo madaxa jugta ka soo gaartay,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa sida xanaanada macnada leh ee aan soo aragnay kuwa madaxa laga qalay kuwa caloosha laga qalay,kuwa dhiiga lagu shubay iyo kuwa aan ogaalka lahayn ee ICU-da ku jira dadaalka ay ku bixinayaan,”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirada Xukuumadda Federaalka ka tirsan ee xalay booqday dadkii shalay ku dhaawacmay Weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab geysteen waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, kuwaasi oo u kuur galayay xaaladda dadka dhaawacyada ah iyo sidii xanuunka loola qeybsan lahaa dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee Cadowga Al-Shabaab dhibaateeyeen.

Kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

 

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan argagixisada Shabaab

0

Muqdisho(SNTV);- Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay 2dii September ee Maantii shalay oo ku beegneyd Qaraxii argagixisada Al-Sabaab ku gumaadeen dad shacab ah.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab si dadkeenu u gaaro nabad”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Hay’adda NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed

Baarlamaaka midawga afrika oo cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay muqdisho

0

 

Shir ay ku yeesheen midawga Baarlamaanka Afrika magaalada Qaahir  ayaa looga hadlay arinta soomaaliya.

Mustafe Aljundi oo ah guddoomiyaha golaha Baarlamaaka woqooyiga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika iyo kuwa Carabta  in wax laga qabto xaalada soomaaliya,Isla markaana laga caawiyo soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa ladagaalanka Ururada Argagixisada Ee ka dagaalama gudaha soomaaliya.

Arintan waxay timi  kadib markii gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsadey xarunta degmada Hawlwadaag ee caasimada muqdisho.

Qaraxaasoo oo ay ku dhinteen dad ka badan Sadex qof tiro kalana ay ku dhaawacantey

Mustafa Al jundi intas  wuxu ku daray in dalka soomaaliya u la dhibtaysan yahay ilaa 91kii dhibaatada dowlad la,aanta kuna jirtey mudada intaa leeg  fawdo iyo qalalaase sidoo kalana ay weheliyeen weeraro argagixiso inta badan ay ku qadan dadka shacabka ee an waxaba galabsan.

Aljundi ayaa uga tacsiyeeyey dhibaatadii ka dhacdey muqdisho xukuumada  soomaaliya shacabkii ayaa dhibtadu soo gartay  iyo eheladii ay ka bexeen dadkii  ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay caasimada illaaheyna uga baryay inuu u naxariisto intii dhimatey intii dhaawacanteyna caafmaad dagdaga siiyo.

Shirka Afrika iyo Shiinaha oo maanta ka furmaya Beijing

Beijing-(SNTV)- Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha maanta waxaa ka furmaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano.

Shirkan ayaa wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Dowladda Federalka Soomaaliya, marka laga eego dhanka fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

Madaxweyne Farmaajo oo maalmo kahor gaaray Beijing ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Shiinaha, waxayna ka wada hadleen dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wada hadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Midowga Yurub oo ka hor yimid qorshaha Britain ee ka bixitaanka Midowga Yrub

0

EU(SNTV) 3, 2018 -:War ka soo yeeray Midowga Yurub ayaa lagu cadeeyey mowqifka ay ka qabaan qorshaha cusub ee Thresey May ee ka bixitaanka Midowga Yurub,iyadoo Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier uu si weyn uga soo horjeestay mowqifka Ra’isal wasaare Theresa May ay iska taagtay arrintan,taasi oo dhalisay muran xoogan.

Rai’isul wasaaraha Dalka Ingiriisa Theresa ayaa waxay sheegtay iney waxba iska beddeleyn mowqifkeeda ku aaddan ka bixitaanka Britain ee Europe,iyadoo haatan wada qorshe ay ku xoojinayso dhaqaalaha dalkeeda,waxayna xoojinaysa xiriirka Britain iyo Qaaradda AFrika iyo wadamo kale oo caalamka kamid ah.

Isagoo si weyn uga hadlayay qorshahaasi siyaasadeed ee fog ayuu Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier Barnier sheegay iney lagama maarmaan tahay iney dib ugu laabato qorshaheeda iyada oo aan eegeyn rabitaanka Yurub,isagoo intaasi ku daray in ilaa bisha Novermber ay socondoonaan wada hadaladaasi.

Miss Theresa May ayaa xusatsy in Britain iyo Midowga Yurub ay iisu diyaariyaan wadahadallada xiga ee ay yeelanayaan iney muujiyaan isku soo dhawaasho,inkastoo weli ay jiraan aragtiyo kala duwan oo dhanka siyaasadda ka bixitaankaasi iyo hanaanka loo marayo.

Jeremy Hunt oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Britain waxuu ka digay heshiis la’aanta ka bixitaanka midowga Yurub ee Britain ay yurub ku tahay khalad aad u weyn,iyadoo ay Hay’adda ganacsiga Adduunka (WTO) ay ku baaqday iney soo afjaraan heshiiskooda si ganacsiga labada dhinac uu u sii socda.

Tan iyo markii ay xilkaasi qabatay Miss May waxaa ay waday qorshayaal cusub oo ay ku hourmarinayso dhaqaalaha Britain si dalkeeda uu isugu filnaado,hadii uu si toos ah uga boxo Midowga Yrub,dad aad u badan ayaa walaac ka qaba saameynta ka dhalankarta arrintani.

Safaaradda Kuwait oo dhiiri gelin u sameysay arday qalin bedelatay

0

Kuwait(SNTV) Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa Xaflad ballaaran oo dhirogelin ah  u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabisay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee Dalka Kuwait.

Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muse Faarax oo ay wehliyan Diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ayaa door libaax ka qaatay qabsoomida Xafladan, iyadoo Siihayahu uu khudbad u jeediyay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay waaladiinta in ay xooga saaran tacliinta caruurta taas oo ballan qaaday in ay Safaaraddu gacan weyn ku siin doonto diiwaangelinta iyo deeqaha Waxbarashada Sare.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait Mudane Maxamud Haji Ahmed Qumeyni oo isna Munaasabadda ka hadlay ayaa Safaaradda uga mahadceliyay sida qiimaha leh ee ay u soo agaasintay Xafladda iyo  adeegyada ballaaran ee ay u heyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kuwait.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ku Amray Wasaarada Amniga in ay dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga soo gelaya Dalka

0

Muqdisho(SNTV): –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka war-bixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.

Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa ra’iisul wasaare Khayre waxa uu faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixin ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.