Home Blog Page 1200

Magaalada Cadaado oo Maanta uu ka furmay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Cadaado Book fair

0

Magaalada  Cadaado ayaa waxaa maanta ka Furmay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Cadaado Book fair.

Bandhiga Carwada Buugaagta ee cadaado waxaa ku sugan Dadwayne farabadan oo ka kala yimid Gobalada dalka iyaago ka qayb galaya Bandhiga Carweedka lagu qabtay maantay magaalada Cadaado.

Bandhiga ayaa waxaa ka soo qayb galay maryti sharaf kala duwan

kowaso uga kala yimida meelo kala duwan ka qaybgalka Bandhig Carweedka markii ugu horeysay laga furay Cadaado, ka qayb galayasha ayaa waxay isku jiran qorayaal iyo Abwaano Soomaaliyeed, oo  kala yimid gudaha dalka.

Cadaado ayaa markii ugu horeysay marti galinaysa Bandhiga Carwada Buugaagta ee lagu magacaabay Cadaado Book fair.

  

Cabdullaahi Gaafoow oo Ku Guulaystay Kursigii Doorashada ee Golaha shacabka.

0

Cabdullaahi Gaafoow maxamuud ayaa ku guulaystay Doorashadii goor dhaweed lagu soo qaba gabeeyay magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Kurisgaan oo ahaa mid ka banaanaa islamarkaana dhawaan iska casilay  xubinnimada Barlaamaanka C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa maantay waxaa si rasmiyaha ugu guuleystay Cabdullahi gaafoow, kadib markii ay ku tartameyn Xiirey Muxudiin Cumar iyo Cabdulaahi Gaafoow.

Xiirey Muxudiin Cumar ayaa codaadkii la tiriay helay ilaa 7 cod,halka Cabdulaahi Gaafoow  Maxamuud uu helay ku dhawada 43 cod,waxana halaabay 1 cod.

Cabdulaahi gaafoow Maxamuud ayaana ku soo baxay Doorashada Xildhibaanimada Golaha shacabka ee Kursigaan ayaana ah kursi ka banaan golaha shacabka iyo Matalaada Deganaada Galmudug.

Shirka Madaxda Afrika iyo Shiinaha oo Maanta lasoo gaba gabeynayo

0

Waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha shirka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed  ayaa sheegay in goordhow lasoo gaba gabeyn doono shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo haatan ka socda maalinkii labaad Hoolka Weyn ee Ummadda magaalada Bakiin.

Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.

Dowlada Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.

Siihayaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo xilka kula wareegayay

0

Muqdisho (SNTV) Munaasabadan uu xilka Kula Wareegayay Siihayaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Cusman Axmed Maxamed ayaa ka dhacday Gudaha Safaaradda Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Munaasabada Diblumaasiyiinta Safaaradda, Jaaliyadda, Aqoonyahano, Ganacsato iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Suudaan.

Ugu horeyn waxaa sharaxaad kooban ka bixiyay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda Siihayihii hore Axmed Ibraahim (Buurfuule) isagoo sidoo kale ku soo wareejiyay Siihayaha Cusub ee Safaaradda ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda mudane Cusmaan Axmed Maxamed dhamaan Xafiisyada ay ka koobantahay Safaaradda iyo shaqooyinka lagu qabto intaba.

Intaa ka dib labada masuul ayaa kala saxiixday Xilwareejinta iyadoona sido kale Siihaye Cusmaan Axmed Maxamed goobta lagu wareejiyay dhamaan Gawaaridii iyo agabkii ay ku shaqeyneysay Safaaradda.

Sidoo kale Ganacsatadii iyo Madaxdii Jaaliyadda ee ka soo qeyb gashay Munaasabada Xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay Siihayaha cusub, waxeyna ballan qaadeen in si wanaagsan oo qalbi furnaan ah ay ula shaqayn doonaan.

Dhanka kale Axmed Ibraahim (Buurfuule) Siihayahii hore ee Safaaradda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay intii uu xilka hayey ay wax badan u qabsoomeen isagoo Mahadcelin balaaran u jeediyay dhamaan reer Suudaan mudadii koobneed sida quruxda badan ay ula shaqeeyeen.

Kusimaha Safaaradda ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Mudane Cusmaan Axmed Maxamed ayaa insa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilkan loo dhiibey islamarkaana uu ku dadaalayo sidii uu uga soo dhalaali lahaa waxaana uu Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyan si loo sameeyo isbedel wanaagsan.

Doorashada Kursi kabanaan Golaha shacabka oo Hada Ka socota Magaalada Dhuusamareeb

0

 

Waxaa magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Galmudug ka bilaabtay doorashada mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo banaan, kaasi oo musharixiin ay ku tartamayaan.

Kursiga loo tartamayo waxaa 19 bishii Agoosto ee sanadkaan baneeyay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo iska casilay xilka xubinnimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Dhuusomareeb gaaray C/llaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo NISA oo doonaya inuu u tartamo kursiga uu baneeyay walaalkii C/qaadir Gaafow.

Doorashada Kursigan ka banaan Aqalka Hoose waxaa ku tartamaya Genaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad Sugida iyo Xiirey Muxudiin Cumar Gudoomiyihii hore ee Degmada Dayniile.

Doorashada ayaa hada si toos ah uga socota magaalada Dhuuso mareeb , maadaama shalay la dhameeyay diiwaan gelinta ergada doorashada ka qeyb galaysa iyo xubnaha korjoogtada ah.

Doorashadan ayaa Hada waxaa goob joog ka ah Guddiga Doorashooyinka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.

Britain oo dhaqaale ku bixineysa la dagaallanka Al-Shabaab

0

Dowladda Ingiriiska ayaa ballan qaadday inay dhaqaale gaarayo 7 Milyan oo Yuuro ku bixin doonto taakuleynta Ciidamada AMISOM, si ay sare ugu qaadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayay Ra’iisul wasaaraha Dalka Britain Theresa May, sheegtay xilli ay booqasho ku maraysay   Dalal ay ka mid tahay Kenya, iyadoo sheegtay inay xaaladda ka taagan Dalka Soomaaliya saamayn ku yeelan doonto Waddamo kale, haddii aan wax laga qaban.

Mss, May ayaa intaa raacisay in ay lama huraan tahay in xoogga la saaro sidii loo heli lahaa nabad gelyo waarto oo ka hana qaadda Soomaaliya, taasina lagu gaari karo in dedaallo dheeraad ah lagu bixiyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Dowladda Ingiriiska ayaa door weyn ku leh tababarrada iyo taakuleynta Ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dhaqaale fara badan ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warshada kutaala Koonfur Afrik oo dad ay ku geeriyoodeen

0

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacay qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac,kaasi oo sida la sheegay ka dhashey dab ka kacay Warshada kutaala Dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay ilaa 8 qof ayaa ku geeriyootay tiro kale oo aan la shaacina waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi,waxaana uu saameeyey howlihii shaqo ee ka socda Warshadda.

Waxaa jira baadi goob ay Shaqaalaha dabdamiska ugu jiraan dad lagu tuhunsan yahay iney gudaha warashadda gubatay ku jireen xilliga uu qaraxa ka dhacayey, warshadda gubatay oo ku taalla duleedka magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.

Sida uu warbaahint au sheegay Afhayeen u hadlay shaqaalaha dabdamiska ee Warshadaasi gubatay,dabka ayaa kacay gelinkii dambe ee shalay,waxaana qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan aan la shaacin ilaa iyo haatan wax yaabaha sababay.

Waxaa lagu magacaabaa Warshadda gubatay Rheinmetall-Denel,taasi oo ay si wada jir ah u lahaayeen SHirkado laga leeyahay wadamada Koonfur Africa iyo Jarmalka.

Wararka ayaa sheega in Warshadda oo ah mid soo saarto hubka, bambooyinka iyo waxyaaba kale, ay isticmaalijireen ciidamada ammaanka Dalka KOonfur AFrika,halka qaarna loo iib geyn jiray daafaha caalamka.

Weli majiro war ka soo baxay hay’adaha ammaanka Dalka Koonfur AFrika eek u aadan qaraxa warshadaasi ka dhashey,balse waxaa weli soconaya gurmad iyo dabagalo ku saabsan waxa dhaliyay dabkaasi.

Hogaamiye kooxeed hore Congo oo laga mamnuucay murashax madaxweynenimo

0

 

Hogaamiye kooxeedki hore ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Jean-Pierre Bemba ayaa laga mamnuucay inuu ka qayb galo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi dhawaan ka dhici doonta.

Bemba oo ah siyaasi caan ah ayaa waxa horay loo soo taagay maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ee ICC iyada oo lagu soo eedeeyey inuu dambiyo dagaal uu geystay muddadi uu hoggaamiye kooxeedka ahaa.

Bemba wuu ku raja weynaa inuu iisu soo taago musharrax madaxweynanimada dalkaasi uga tartama doorashada bisha December dalkaasi ka dhaceyso.

Hase yeeshee, maxkamadda dastuuriga ee dalka Congo ayaa waxay soo saartay go’aan musharraxnimadiisa ay ku mamnuuceyo iyada oo sheegtay inuu yahay nin maxkamadda dambiyada dagaalka la soo taagay.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa bilooyin ka hor ka noqotay xukunki ay ku qaadday Bemba ee ahaa inuu dambi galay, waxayna maxkamaddu sheegtay ineysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu ninkan dambigaasi uu galay.

Go’aanka ICC kaddib kumannaan taageerayaashiisa ah ayaa waddooyinka Kinshasa isugu soo baxay si ay u muujiyaan farxddooda iyo taageerada ay u hayan Bemba.

Waxayna taageerayashiisu dalbadeen inuu dalkiisa hoyo dib ugu soo laabto siyaasaddana uu ku soo biiro.

Wuxuuna ugu dambeynti uu dib ugu soo laabtay magaalada Kinshasa bishi August si uu u billaabo abaabulka musharraxnimda madaxweynaha doorashada soo socotana uu uga qaybgalo.

Kumannaan qof oo safaf dhaadheer ku jirta ayaa sugeysay si ay u salaamaan balse hadda maxkamadda ayaa go’amisay inuu sharcigu uu u oggolaaneyn inuu musharraxnimo iisu soo taago.

Wakhti xaadirkanna Bemba tallaabbada uu ka qaadanayo go’aanka maxkamadda dastuurka Congo ay soo saartay weli lama garan.

Iyada oo doorashada Jamhuriyadda Dimuqradiga Congo (DRC) ka dhici lahayd muddo 2 sana ah hadba dib loo sii dhigayey ugu dambeyntina la go’aamiyey iney dhacdo bisha December ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

0

Beijing, Sebteembar 03, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoona lagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.”

Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah.

Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka shiray qorshaha horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shir guddoominayay Kulan u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo looga hadlayay qorshaha horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kaasi oo dhawaan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ku kala saxiixdeen 42 Milyan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay shirka ku soo bandhigtay baahiyaha gaarka ah ee la xirira horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo ay ka mid ahayd qorshaha sugidda Amniga garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo dhawaan amnigiisa lagu wareejiyay ciidanka booliska.

Dood dheer kaddib ayaa waxaa lagu ansixiyay qorshahaas ku aadan horumarinta booliska Soomaaliyeed oo ay taageereyso Midowga Yurub, waxana ka mid ahayd taageerada dhaqaale ee qorshaha sugidda amniga Stadium Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid Midowga Yurub ay kal hore kala saxiixdeen dowladda, isla markaana 80% uu ku so dhamaaday guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan ay markale yeelan doonaan shir arrimahan la xiriirta.

“Shirkan waxa uu daba socdaa shirkii hore aan ku kala saxiixanay 42 Milay oo lagu kobcinayo booliska Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed,  marka sida aan horey u sheegnay baahida heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaan soo gudbisanay, marka maanta waxaa la ansixiyay 80%, wixii aan soo gudbisanay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, tusaale ahaan baahida stadium Muqdisho oo aan dhawaan la wareegnay, dhawaana wey heli doonaan qalab iyo wixii ay u baahan yihiin, waana guul u soo hooyatay Soomaali oo dhan, lacagtaasna waa lacag loogu talaglay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamineysa waxkasta oo ay u baahanyihiin dowlad Goboleedyada , iyadoo loo soo marayo Wasaaradda Amniga sida uu sheegay Wasiirka.