Home Blog Page 1200

Madaxweyne Trump oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey 1-da Luulyo

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka  waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay  jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Ku Aaddan 1-da Luuliyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho, 1-da Luulyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas”Waxaan u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed horumar iyo midnimo waarta”

0

Puntland(SNTV) Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1- Luulyo,  maalintaas oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna midoobeen Gobolada Koonfur iyo Waqooyi  ee Soomaaliya.

Madaxweye ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed,ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

Madaxweynaha oo ka hadlya qiimaha ay leedahay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri.

“Waxaan rabaa inaan halkaan tahniyad uga diro Shacabweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, maalinta 1- Luulyo ay kasoo wareegtay 58 sano curashadii Dowlad Soomaaliyeed, maalintii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo ayadoo ku astaysan maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, waxaana hambalyadaa u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan leeyahay meelkasta aad joogtaan ku ciida nabad galyo, midnimo, wadajir iyo Soomaalinimo, waxaan Alle ka rajeeynayaa in sanadkan sandkiisa kale aan ku gaarno Dowladdnimodeenii oo gaamurta, horumar Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed, wadajir Soomaaliyeed, Soomaaliya oo is cafida, Soomaaliya oo mid noqota, Soomaaliya oo sharafteedii iyo karaamadeedii dib ulasoo laabata, maalintaas waa maalin xusuus wayn ku leh qalbiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay inuu rajeenayo in marxalada ay ku sugantahay Soomaaliya mid ka duwan sandaha soo socda ay isku wareysan doonaan Insha Allaah..

Madaxweyne Farmaajo “Xuska maalmaha gobonimada waxa uu na barayaa in aan dhisan karno mustaqbal qurux badan”

Muqdisho, 1-da Luulyo, 2018:Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania.

0

Nouakchott(SNTV):- –Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Yahya Ould Hademine, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaas kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Ra’iisul Wasaare Yahya Ould Hademine uga mahad celiyay soo dhaweynta Balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa July 1-2, 2018 magaalada Nouakchott uga qeyb gelaya shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlayo sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-luulyo

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta Xorriyadda Gobalada Koofureed ee dalka iyo Midowgii Gobalada Waqooyi iyo Koofur Soomaaliya.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho Gobalada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacaya Munaasabado waawayn oo loogu dabaal gadayo maalinta xorrnimada Golada Koofureed ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo faray Barlamaanka Soomaaliya in ay kaalintooda sharci ka qaataan hirgelinta Hay’adda Qaran ee Naafada

0
Muqdisho, 30ka Juunyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xaqiijinayo qorsheyaasha lagu horumarinayo naafada Soomaaliyeed iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa faray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kaalintooda sharci ka qaataan hawshan, isagoona ku adkeeyey in ay dadaal badan geliyaan meel marintiisa.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay. Waxaan ka shaqeynaynaa inaan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen argagixisada Al Shabaab.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, dalladaha ay ku midaysanyihiin naafada iyo khubarada Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyey diyaarinta hindise sharciyeedkan, dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo aasaasi lahaa hay’ad qaran oo ka shaqeysa horumarinta dadka naafada ah.

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan Faarax Luunge iyo xubno ka tirsan dalladaha naafada.

 

Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo faah faahiyay heshiisyo ay la soo saxiixdeen madaxda dalka Maroco

0

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir uu uga qeybgalay dalka Maroco isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi oo ahaa mid looga hadlayay horumarinta maamulka iyo dib u dhiska,tayaynta shaqalaaha iyo qodobo kale uu guul ku soo dhamaaday,isagoo xusay in shirkan sanad leh ah oo kiisi 54-aad oo ah madal ay ku midaysan yihiin wadamada Afrika,ay ku soo balanqaadeen in Soomaaliya ay bixindoonto qaaraan sanadeedka dalkasta oo xubin ka ah laga rabo,maadaama Soomaaliya muddadii uu dalka burbursanaa aanay qeyb ka ahayn.

“waxaan rabaa in aan faah faahiyo safar muhiim ah oo aan ku tagnay dalka Maroco,halkasi oo aan uga qeybgalnay shir looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin maamulka howlaha guud,tayaynta shaqaalah,shirkaasi waxaan ku soo bandhignay halka ay Soomaaliya mareyso,runtii waa nalaku ammaanay dal ahaan iyo wasaarad ahaanba,waxaan la kulanay madaxda wasaaradaha aan wadashaqeynta naga dhexeysa,waxaan soo kala saxiixanay heshiis wada shaqeyn oo ah in aan iska kaashano dhinacyo badan sida dib u dhiska”. Ayuu yiri Wasiir Geesey.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay waxbadan ka faaidi doonto heshiisyada ay la soo saxiixdeen madaxda dalkaasi iyo kuwo kale caalami ah,iyo sidoo kale ka qeybgalka shirkaasi.

War-murtiyeed: Shirka shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo soo xirmay

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay martigelisay kulankii Shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirada Darstuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalkaiyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoolagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 29-30 Juun 2018.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Xuseen Cabdi Cilmi waxaana soo xiray Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil

UJEEDOOYINKA KULANKA SHANAAD EE MADASHA:

  1. Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir saddexdii bilood ee lasoo dhaafay (Abriil – Juun 2018) iyo Saddexda bilood ee soo socota (Luulyo – Sibteembar 2018).
  2. Warbixin heerka uu marayo qorshaha tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyi-gelinta Dadweynaha iyo qorshooyinka xiga.
  3. Waxyaabaha hortabinta leh kadib qabsoomidii Shirweynaha Qaran ee Dib-u-Eegista Dastuurka.
  4. Xal u helida caqabadaha ku hareereysan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

QODOBADA KA SOO BAXAY MADASHA

Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib, madashu waxay isku raacday qodobadan soo socda:-

1) Madashu waxay uga mahadcelineysaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo martigelisay shirka shanaadee madasha.

2) Madashu waxa ay soo dhaweeysay horumaradii laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee seddexdii bilood ee la soo dhaafay sida qabsoomidii Shirweynihii Qaran ee Dastuurka, tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha, iyo heshiisyadii Golaha Amniga Qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo 5tii Juun 2018ka.

3) Madashu waxa ay garwaaqsatay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee 13-16 Maajo 2018 ee ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaasoo ku aadanaa hawlgelinta xubnaha Dowlad Goboleedyada u soo magacaabeen Gudigga La-Socodka Dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dasturka.

4) Madashu waxaay tallaabo horumar leh ku tilmaamtay hirgelinta Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka ee ka dhacaya caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

5) Madashu waxay isku raacday daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo ay hogaaminayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

6) Madashu waxay ku heshiisay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo ololaha daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah (heer gobol, degmo iyo tuulo)fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

7) Madashu waxey isla garatay in Hay’adaha Federaalka ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay xaliyaan tabashada Jubbaland.

8) Madashu waxay isla garatay in kulanka lixaad ee madasha la qabto Sibteembar 2018ka.

9) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo Hay’adaha Soomaaliyeed ee Maxaliga ah taageeradoodaku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Danjire Jamaaludiin “sii deynta Qalbi-dhax waa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya”

0

Dowladda Ethiopia ayaa faah-faahin ka bixisay sii deyntii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax)  in ay ku timid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, dhinaca kalena fasiraad ka bixisay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya war uu  siiyey ku sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax,  dowladda Federaalka Itoobiyana ay tixgelisay codsigaas lana sii daayey.

Dhinaca Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa fasiraad ka bixiyey hadal uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dalkiisa, kaas oo warbaahinta ay si khaldan u turjumeen, waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin laba dal oo la mideynaya, hasa yeeshee u jeedadu ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa mideynta Dhaqaalaha  geeska Africa si Soomaaliya iyo Itoobiya ay hormuud ugu noqdaan arrintaas.

“waxba kama jiraan hadallada  been abuurka ah ee sheegaya  in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu  yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa Dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa Faqriga iyo Gaajada waana in aan  si wadajir ah ula dagaallamaan labada dal”.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Jamaaludiin ayaa sheegay in Jiilashada hadda ee labada waddan in aysan u baahneyn colaadihii la soo maray oo ilbaxnimadu ay tahay in la isdhaxgalo.

Dalka Itooobiya waxaa ka jira isbaddello siyaasaddeed, taas oo keentay in maxaabiista qolyaha mucaawadka laga sii daayo Xabsiyada dalka Itoobiya, sii deynta Qalbi-dhagaxna ay qeyb ka tahay isbaddelladaas Itoobiya ka socda.