Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka

Date:

Muuqdisho, Oktoobar 7, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.

Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo.

Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Danjire Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...