Home Blog Page 1199

Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulanka waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

“Wasaaradda waxay aas-aastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. Maanta waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka.

Ka qeybgalayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, La-taliyaha Madaxaweynaha Maxamed Cabdirisaaq iyo La-taliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sii wadi doonta qabashada kulamada noocan oo kale ah ee dadweynaha ay fikradooda uga dhiibanayaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Amb,Nicholas Haysom

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Cusub ee Xoghayaha Qaramada-midoobay Somaaliya, Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay u wada shaqayn lahayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha alAqalka sare ee Baarlamaanka federaalka soomaaliya mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa kulanka markuu soo gaba gaboobay Warbaahinta qaranka u sheegay in kulan uu ahaa isbarasho iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya,isagoo intaa ku daray inay jiri doonaan kulamo kale oo golaha aqalka sare iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay yeelan doonaan.

Waxaa sidoo kale ka qaybgalay kulanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare , Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo hab-dhowraha guud ee Golaha, C/kaafi Macallin Xasan.

Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Qaramada-midoobay u qaabbilsan Somaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisha, isagoo sidoo kale kulamo la qaatay Madaxda ugu sarreeysa Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u Ambabaxay Dalka Sucuudiga

0

Muqdisho (SNTV):—Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Jubbaland oo Tababar usoo xirtay Ciidamo si gaara loo Tababaray

0

Muqdisho  (SNTV) Taliska Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Dufcadii Afaraad oo si gaara loogu tababaray ilaalinta Madaxtooyada iyo ka Hortaga Cadowga.

Cutubkan ayaa loo tababaray hubka culus, ka hortaga cadowga, ilaalinta Madaxda iyo Xaaladaha deg dega, waxaana Maamulka Jubbaland uu dadaal ugu jiraa sare u qaadida Tayadda iyo Aqoonta ciidammada kala duwan.

Dhamme Axmed Bashiir Dhaga cade oo kamid ah Tababarayaasha soo saaray ciidankan gaarka ah ayaa sheegay ay wax badan kusoo kordhin doonaan Amniga, lana sii wadi doono Tababarada la siiyo Ciidammada Qalabka sida ee Jubbaland si guul looga gaaro Dagaalka Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga ay kula jiraan Argagaxisada Al shabaab.

Ciidammada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa Howlgalo deegaano dhowr ah looga sifeeyay Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab waxay ka wadaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

0

Muqdisho (SNTV): – Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday labo heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay maanta Muqdisho, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin la yaqaan oo labada dal ka kala tirsan.

Heshiisyada la saxiixay ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda  oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya  € 9.7  milyan.

Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay xallinta colaaddii magaalada Marka

Marka (SNTV):-Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada.

Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay melayshiyaadkaas, iyagoona ku wacyi geliyey ilaalinta nabadda, qiimaha dowladnimada iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee argagixisada Alshabaab.

Horjoogeyaashii kooxahan dirirtu ku dhex martay magaalada Marka ayaa soo bandhigay dhibaatada iyo nolol xumida ay ka dhaxleen colaadda soo jiitamaysay muddada 6-da sano ah, iyagoona ballan qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta deegaankooda iyo xoojinta isku duubnida bulshada magaalada Marka.

Sidoo kale, waxgaradkii magaalada Marka ee goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in colaaddan ay ahayd mid ay ka shaqeeyeen argagixisada Alshabaab, balse haatan loo midoobay sidii Shabeellaha Hoose oo dhan looga xoreyn lahaa cadwagan caadeystay dhibaateynta dadka deegaanka.

Dhinaca kale, shacabka magaalada Marka ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku aaddan heshiisiinta dadkan walaalaha ah iyo dib u soo celinta isu socodka magaalada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska

0

Muqdisho, October 08, 2018 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska si uu ugu kuur galo habsami u socodka qorshayaasha hor-tebinta leh ee horay wasiirku u ballan qaaday in loo fulin doono hannaanka ugu habboon iyo waqtiga ugu dhaqsaha badan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagula dagaalayo fikirka xagjirnimada ku salaysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo dhammaystirka qorshayaasha qabyada u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa uu sidaan oo kale kormeer ugu tegay wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha, ganacsiga, dekadaha iyo gaadiidka hawada.

Kormeerrada joogtada ah ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka dhabta ah iyo daah-furnaanta.

–DHAMMAAD—-

  

Kullan lagu taageerayay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho October 8 (SNTV):- Kullan lagu taageerayay ololaha Shacabka Hirshabeelle kaga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay,Haween,Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale,Kullanka waxaa loogu duceynayay dadkii ku dhintay dagaalka maleeshiyada Al-Shabaab ay kula galeen deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Intii uu kullanka socday waxaana madasha laga akhriyay baaq laga soo saaray sidii loo taageeri lahaa gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab loona dhiira geliyo shacabka iskood isku abaabulay si ay isaga dul qaadaan culeyska Nabad diidka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Caasho Cumar Gees-diir oo kullanka ka hadlay ayaa si wadajir ah u taageeray shacabka is abaabulay islamarkaana dagaal adag kala hortagay argagixisada Al-Shabaab,waxayna shacabka iyo Dowladda Federaalka ka dalbadeen in la garab istaago shacabka Hirshabeelle ee diiday iney ku hoos noolaadaan gumeysiga Al-Shabaab.

Shacabka is abaabulay ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kula dagaalamaya deegaano ka tirsan Hirshabeelle,kuwaasi oo u dulqaadan waayay amarada naxariis darada ee Nabad diidka ka soo baxayo.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalafadhiga 4-aad ee Golaha

0

Muqdisho October 8 (SNTV):-Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka  ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen ka tashiga furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare iyo waliba xogwareysi halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Aqalka sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxayna inta badan Senatarada aragtiyo ka dhiibteen furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqala sare.

Senator C/kaafi Macallim Xasan oo ah Habdhowraha Golaha Aqala sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku afgartay in ugu danbeyn la furo kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare 15-ka bishan Octoober.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa dhammeynta is-afgaran waagii ka dhex jiray Dowladda Federaalka iyo Maamulk Gobolleredyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Dowladda Jabaan iyo AMISOM oo dib u dhis ku sameeyay Saldhigga Boliiska Dayniile

0

AMISOM ayaa Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ku wareejisay Saldhigga Boliiska Deyniile oo dib dayactir ballaaran ay ku samaysay Dowladda Jaban oo kaashanaysa waaxda arrimaha Bulshada ee Ciidanka Midowga Afrika.

Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM,Mss, Christine Alalo oo munaasabaddii lagu wareejinayay Saldhiggan ka hadashay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda Ciidanka.

Christine Alalo , ayaa sidoo kale sheegtay inay AMISOM ka go’an tahay inay tababarto oo ay qalabeyso Cidamada Boliiska, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah,in ay daboolaan baahiyaha ka jira Dalka oo dhan.

Saldhiggan dib u dayactirka lagu sameeyay, ayaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qaybo cusub, waxaana lagu xiray Nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda, iyadoo Ciidankana  loo qaybiyay 3,000 oo Buug Gacmeed ah, si ay ugu adeegsadaan diiwaan gelinta dhacdooyinka, sida ay sheegtay Mss, Alalo.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ms, Zakiya Hussein, ayaa ugu mahad celisay AMISOM dedaalkii udub dhexaad u ahaa howshan ee ay ku bixisay dib u dayactirka Saldhiggan, iyo caawinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dadka ku dhaqan Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad u soo dhoweeyay Saldhiggan dib loogu hir-geliayay degaankooda, kaas oo ay ka heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin.