Home Blog Page 1199

Dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan Dib-u-Eegista Dastuurka oo ka dhacday London.

0

Muqdisho(SNTV):-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa dood Aqoon-Isweydaarsi ah oo ku saabsan sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay la yeelatay qaar kamid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga London ee dalka Ingiriiska.

Doodda oo ay ka soo qaybgaleen waxgarad, culumaa’udiin, haweenka, dhallinyarada iyo oday dhaqameedyo ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK uga qaybqaadan lahaayeen dib-u-eegista Dastuurka.

Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa Jaaliyadda warbixin ka siisay horumarka ilaa iyo hada laga gaaray arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Ka qaybgalayaashii doodda oo ay kamid ahaayeen Consullar Harbi Farah iyo Siyaasi Cabdi Cumar oo mar soo qabtay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda UK ayaa soo jeediyeen in waqtiga dhow ay Wasaaradda iyo labada Guddi ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka ay wada qabtaan shir shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigayaan dib-u-eegista la sameeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa waxay tallaabo horumar leh ku tilmaameen Shir-weynihii Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, iyagoo bogaadiyay wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo labada Guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka

Dhanka kale, Jaaliyadda waxay tilmaameen in ay yihiin wakiillo u taagan in Wasaaradda iyo labada Guddi ay ku garab siiyaan howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, doodda ayaa ku soo dhamaatay in wafdi ka kooban Wasaaradda iyo Guddiyada Qaran ee ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ay yimaadaan UK si kulan ballaaran oo wadatashi ah loo la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool UK.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo la Kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika

0

Nouakchott, July 03, 2018—-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo Caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-gudoomiyay Kulanka Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay

0

Muqdisho, July 02, 2018—-.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Doorashada Mexico: Lopez Obrador oo ballan qaaday isbedel qotodheer kadib guushiisa ‘Sawirro’

Muqdisho (SNTV) Musharaxa xisbiga garabka bidix Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay inuu la imaan doono isbedel inta badan ku wajahnaan doono dhinaca masuq maasuqa.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mexico ayaa la sheegay in la sugayo sida uu u wajihi doono cilqaaqaadka dalkiisa kala dhaxeeya xukuumadda Washinton, inkastoo fariin xagga Twitter-ka uu madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ugu hambalyeyay hogaamiyaha cusub ee dalka Mexico, balse waxaa weli taagan caradii ka dhalatay cambaareeynta Donald Trump ee xagga ganacsiga iyo Socdaalka uu usoo jeediyay Mexico.

Hogaamiyaha cusub ee dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo ay da’diisu tahay 64-sano jir ayaa ballan qaaday inuu xushmeeyn doono xorriyadda rayidka waxaana uu sheegay in uusan doonayn inuu noqdo keli talis muuqata ama mid dahsoon intaba.

Qaar kamid ah mucaaradka ayaa cabsi ka muujinaya in ninkan kasoo jeeda garabka bidix iyo siyaasadiisa baabulaaristaha ay dhaawici karayso dhaqaalaha horey uliitay islamarkaana ay Mexico ka dhigi karto mid lamid ah sida Venezuela oo kale taasi oo wajahaysa dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah iyo sicir barar faraha kasii baxay.

Tariikh nololeedka Hogaamiyaha cusub ee Mexico

– a brief biography

  • Andrés Manuel López Obrador, waxa uu kasoo jeeda qoys dukaan leey ah waxaa uu dhashay 13 bishii Nofeember ee sanadkii 1953 tuulo kutaala miyiga Tepetitán, oo katirsan gobolka dhinaca koonfurta ee Tabasco state
  • Waxa uu caan ku ahaa magaca Amlo, oo ahaa mid uu isticmaali jiray bilowga magaciisa.
  • Waxaa loo doortay duqa mgaalada ee Mexico sanadkii 2000
  • Kadib markii uu ku guuldareystay doorashooyinkii madaxweynenimo sanadihii u dhaxeeyay 2006-2012, waxa uu hogaaminayay qatigan isbahaysi uu horkacayay Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Dhalinta Qaranka ee Garabka Bidix ee loo soo gaabiyo (Morena) kaasi oo uu aas aasay sanadkii 2014-kii.

Wejiga labaad ee dib u eegista Dastuurka oo la daah-furay

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelintiisa ayaa kullan ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho waxay ku daahfureen Wajiga labaad ee dib-u-eegista Dastuurka KMG-ah.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in guddigoodu u taagan yahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa in Soomaaliya hesho Dastuur aan KMG aheyn.

“Waxaan u taaganahay in aan dib-u-eegis rasmi ah ku sameyno Dastuurka KMG ah, waxaana maanta Daahfurnay Wajigii labaad waxaa noo yaala shaqo badan taasi oo waliba aan rabno in aan ku dhameystirno waqti yar”  Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa sidaasi sheegay”.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddigan ayaa tilmaamay in Dastuurku yahay Heshiis Bulsho uuna ku socon karo wadatashi iyo in Bulshada loo soo bandhigo arrimaha jira.

“Dastuurka waa heshiis Bulsho kaasi oo leysku raacayo waxaana muhiim ah in markasta laga wadatashado sidii wax loo sameyn lahaa iyada oo Bulshada Soomaaliyeed loo soo bandhigayo arriamaha muhiimka ah”.

Cutubyada Dastuurka ayaa loo kala qaaday Seddex qeybood waxaana Gudiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka hadda ka shaqeynayaan qeybtii ugu horeysay taasi oo rajeynayaan in sidda ugu dhaqsiyaha badan ku soo gabagabeeyaan.

Khilaaf Xooggan oo ka dhex-taagan  R/wasaaraha Jarmalka & W/A/gudaha dalkaasi oo kudhow inuu xilka iska casilo. ‘Sawirro’

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa qorshaynaya in kulankii ugu dambeeyay uu la qaato R/wasaaraha Jarmalka Angela Merkel kadib markii uu ku hanjabay in uu ka degayo xilka markii ay soo if baxeen dibadbaxyo looga soo horjeedo siyaasadda Merkel ee kuwajahan xagga Socdaalka .

Horst Seehofer oo ah wasiir Arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wajahan yahay xarunta xisbiga CSU oo ah xisbiga ugu muhiimsan oo katirsan isbahaysiga Merkel.

Wasiir Horst Seehofer ayaa qaba in booliiska ay ka qaadaan muhaajiriinta ku sugan xadka Bavaria islamarkaana ay kuwa magangelyo doonka ahi ay la aadaan meelo kale, halka ay Merkal oo ah R/wasaaraha jarmalka ay ku adkeysanayso in heshiis ballaaran oo kuwajahan muhaajriinta lala galo midowga reer Yurub.

Warka ayaa intaasi ku daraya in waqtigan ay si weyn cirka isku sii shareertay mashkiladda muhaajiriinta ee ka dhex-taagan wasiirka Arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer iyo Ra’iisul wasaare Angela Merkal, mana jiraan wax waan-waan ah oo suurtagal ah in laga dhex sameeyo si ay laysagu soo dhoweeyo aragtida kala gedisan ee labada mas’uul ee kusaabsan maareeynta muhaajiriinta.

Khatarta Mrs Merkel ayaa ah in Mr Seehofer uu xisbiga CSU ka saaro Isbahaysiga, halkaasi oo ay Angela ku lumin doonto aqlabiyadda ay ku lahayd gudaha baarlamaanka dalka Jarmalka.

 

 

 

 

0

 

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada caasimadda kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018; Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo la kulmay guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa uga mahad celiyey shacabka gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyadii lagu xusayey sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobollada koonfureed iyo midowga labada qeybood ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jireen maalmahaan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa bogaadiyey sida shacabka Gobolka Banaadir ay ula shaqeeyeen hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo xaqiijiyey in si nabad ah ay ku qabsoomaan dhammaan munaasabadihii ku aaddanaa todobaadka xurriyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka.

“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo Ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir, waana la qeybsanaynaa murugada ehellada dadkii dhibaatadu soo gaartay maamulkuna gurmadka qeybtiisa ayuu ka qaadanayaa.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kulankan waxaa ka qeeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Agaasimeyaal iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddiga qaban-qaabada ee heer gobol.

Jubba Hoose oo Al-shabaab looga dilay malleeshiyo badan

0

Ciimmada Malateriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa dilay koox malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab kaddib markii ay qaadeen weerar qorsheysnaa.

Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Qaranka in ay duleedka Baar-sanguuni ka fuliyeen howlgal lagu bartimaameedsanayey malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku joogtey goobtaas, isla markaana weerarka ay ku dileen in ka badan 15 Al-shabaab ah.

Ciidanka Malateriga Soomaaliya ayaa qabsadey Hubkii ay siteen kooxda lagu khaarajiyey howlgalka, kaas oo isugu jira Qoryaha fudud, Rasaas iyo walxaha Qaraxyada laga sameeyo.

Dhinaca kale Horjooge Cali Cabdullaahi Sadiiq oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaan lagu magacaabo Muuse Xaaji oo ka tirsan Jubbada Hoose ayaa isu dhiibay ciidanka Xoogga dalka, horjoogahaas ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Baar San-guurni, waxa uu shegay in uu muddo ku fakarsanaa sidii uu uga baxsan lahaa kooxda hororka ah ee Al-shabaab, fursad weynna uu u arko in uu gacanta dowladda soo galay.

Ciidammada  ayaa laba-laaban howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka, toddobaadkii hore degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa dhaawac culus loogu geystay Dhagar-qabe horjooge Bashiir Qoor-gaab kaddib howlgalkii ay ciidanka amniga Soomaaliya ugu magac dareen haddiyadda xorriyadda.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdiga Jabuuti ee Kasoo Qeyb Galay Xuska1-da Luuliyo

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo.

Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

DHAMMAAD

Madaxweynaha JFS oo kormeeray goob adeeg caafimaad si bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah

Muqdisho(SNTV);- Adeegaan Caafimaad ee sida bilaashka ah loogu sameynayo qaar ka mid ah dadka danyarta ah oo qayb ka ah weyneynta koowda luulyo ayaa maanta waxaa laga sameeyay dhowr goobood oo magaalada Muqdisho ah, waxaana booqday oo dhiiri galiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobaha adeegga loogu sameynayay dadkaan waxaa ka mid ah Taalada dajirka dahsoon Isbitaalka Martiini oo hooy u ah naafada xoogga dalka isgooska KM4 iyo goobo kale kuwaasi oo dhammaan baaritaano loogu sameynayo dadka ka dibna daawooyin lagu siinayo .

Adeegaan caafimaad waxaa ugu deeqday dadkaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo u wakiishay fulintiisa qaar ka mid ah dhaqaatiirta da’yarta ee jaamacadaha dalka.

Qaar ka mid ah dadka ka faa,iideystay adeegaan caafimaad ee bilaashka ah ayaa ka mahad celiyay.

C/fitaax faysal oo wakiil uga ahaa madaxweynaha gaarsiinta adeegaan bulshada danyarta ayaa faah faahiyay qaabka ay u fuliyeen.

Horay ayaa adeeg kan la mid ah waxaa looga fuliyay Gobolka Banaadir, kaasi oo sidoo kale madaxweynaha dalku ugu deeqday danyarta.