Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika

Date:

Muqdisho (SNTV);- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay, waxa uuna dawladda Ingriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Harriett Baldwin ayaa ku ammaantay dawladda guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa ayna ku celisay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga, doorashooyinka, iyo horumarka dhaqaalaha si loogu gogol xaaro hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaala dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...