kulan looga hadlaayey barashada Farsamooyinka gacanta oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulan looga hadlaayey dardargelinta barashada farsamooyinka gacanta, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuurida dhalinyarada soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada , hidaha iyo tacliinta sare iyo Hey’adda Niis waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowlada Soomaaliya, ganacsato, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

kulanka ayaa la isku weedaarsaday fikrado kala duwan iyadoo si weyn diiradda loo saaray sida ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo barashada farsamooyinka gacanta.

Wakiilka Hey’adda Niis ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Du’ale oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kulankooda diirada ku saarayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamed Cadde Muqtaar ayaa sheegay iney ka shaqeyn doonaan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax baratay.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo shirka soo xiray ayaa sheegay ineey wasaaradda ka go,antahay horumarinta farsamada gacanta oo ay dadkeenu caan ku yihiin.

kulankan oo ay kasoo baxeen qodobo muhiima ayaa hordhac u ah shirweyne weyn oo looga hadli doono siyaasadda guud ee barnaamijka barashada farsamada gacanta oo la qaban doono dhamaadka sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...