Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka

Date:

Muqdisho, October 06, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir waliba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo wixii ka hir-galay.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

–DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...