Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay xallinta colaaddii magaalada Marka | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay xallinta colaaddii magaalada Marka

Date:

Marka (SNTV):-Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada.

Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay melayshiyaadkaas, iyagoona ku wacyi geliyey ilaalinta nabadda, qiimaha dowladnimada iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee argagixisada Alshabaab.

Horjoogeyaashii kooxahan dirirtu ku dhex martay magaalada Marka ayaa soo bandhigay dhibaatada iyo nolol xumida ay ka dhaxleen colaadda soo jiitamaysay muddada 6-da sano ah, iyagoona ballan qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta deegaankooda iyo xoojinta isku duubnida bulshada magaalada Marka.

Sidoo kale, waxgaradkii magaalada Marka ee goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in colaaddan ay ahayd mid ay ka shaqeeyeen argagixisada Alshabaab, balse haatan loo midoobay sidii Shabeellaha Hoose oo dhan looga xoreyn lahaa cadwagan caadeystay dhibaateynta dadka deegaanka.

Dhinaca kale, shacabka magaalada Marka ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku aaddan heshiisiinta dadkan walaalaha ah iyo dib u soo celinta isu socodka magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...