Dowladda Jabaan iyo AMISOM oo dib u dhis ku sameeyay Saldhigga Boliiska Dayniile

Date:

AMISOM ayaa Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ku wareejisay Saldhigga Boliiska Deyniile oo dib dayactir ballaaran ay ku samaysay Dowladda Jaban oo kaashanaysa waaxda arrimaha Bulshada ee Ciidanka Midowga Afrika.

Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM,Mss, Christine Alalo oo munaasabaddii lagu wareejinayay Saldhiggan ka hadashay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda Ciidanka.

Christine Alalo , ayaa sidoo kale sheegtay inay AMISOM ka go’an tahay inay tababarto oo ay qalabeyso Cidamada Boliiska, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah,in ay daboolaan baahiyaha ka jira Dalka oo dhan.

Saldhiggan dib u dayactirka lagu sameeyay, ayaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qaybo cusub, waxaana lagu xiray Nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda, iyadoo Ciidankana  loo qaybiyay 3,000 oo Buug Gacmeed ah, si ay ugu adeegsadaan diiwaan gelinta dhacdooyinka, sida ay sheegtay Mss, Alalo.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ms, Zakiya Hussein, ayaa ugu mahad celisay AMISOM dedaalkii udub dhexaad u ahaa howshan ee ay ku bixisay dib u dayactirka Saldhiggan, iyo caawinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dadka ku dhaqan Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad u soo dhoweeyay Saldhiggan dib loogu hir-geliayay degaankooda, kaas oo ay ka heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...