Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiisyo Horumarineed

Date:

Muqdisho (SNTV): – Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday labo heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si hore loogu sii qaado barnaamijyada waxtarka leh ee horumarinta qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixday labo heshiis Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay maanta Muqdisho, ayna goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin la yaqaan oo labada dal ka kala tirsan.

Heshiisyada la saxiixay ayaa kala ah Iskaashiga Maaliyadda  oo ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya  € 9.7  milyan.

Jarmalka ayaa ah isbahaysi istiraatiijiyadeed oo Soomaali ay leedahay, waxa kale oo uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....