Dowladda Soomaaliya oo gudbineysa codsigeeda kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Date:

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo sannad iyo bar ah.

“In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar la’aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan.

Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii 1971-72dii.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...