Taallo lagu xasuusanayo xasuuqii 14-kii October oo laga dhisay Isgooska Soobe

Date:

Muqdisho (SNTV):-Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa taallo xasuus ah ka taagtay Isgoyska KM 5 oo ah goobtii uu ka dhacay weerarkii argagaxiso ee xasuuq shacab geystay.

Taalladan laga dhisay Isgooska Soobe ayaa ah mid lagu xasuusanayo Dadkii Soomaaliyeed ay argagixisada Al-shabaab ku xasuuqeen halkaasi 14-kii Octoober 2017.

Kulan dhawaan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada XFS oo looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii argagaxiso ee 14 October 2017 ayaa lagu go’aamiyay in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada xuska sanad-guurada koowaad dadkii ku geeriyooday weerarkii argagaxiso ee dhacay 14 Oktober sanadkii hore, Waxaa ka qeybgali doona xuskaasi mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah qoysaska dhibanayaasha iyo dadka Caasimadda.

14 Oktober, 2017, gaari weyn oo xamuul ah oo lagu soo raray walxo qarxa oo tankoodu cuslaa oo uu kaxeynayay naftii halige ayaa lagu beegsaday Isgoyska Zope ee KM 5 ee Muqdisho, oo ah waddo ganacsi oo ciriiri badan, waxa ayna taasi sababtay geerida Shacab badan oo aan waxba galabsan, oo ay ku jireen dad wadada goynayay, dad ka xoogsanayay ganacsiga waratada, looska iyo cadayga ku iibinayay hab socod wareeg ah, dad suuq-tag iyo wax iibsi ku jiray, arday da’ yar, arday jaamacadeed, dad ka cuntaynayay maqaayado, marti deganayd hoteello iyo dad ku tukanayay seddex masjid.

Xasuuqii Soobe wa ficil aan la fileyn oo reebay  naxdin iyo amakaag,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanti ay soo gaartay dad ka badan 1890-ruux waana mid xasuus gaar ah ku leh qalbiyada dadka,isla markaana dhaxalsiisay dhibaatooyin xoog leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...