Home Blog Page 1195

Wafdi uu hogaaminaayo raa’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turki oo soo gaarey Muqdisho

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu horkacayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Garoonka diyaaradaha Adan cade ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Hakan Jaush Ogolo raiisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo uu wehliyo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay, iyagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalkaoo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay R/wasaare kuxigeenada Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si weyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Dowladda Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Boggaadiyay Xuska Sannad guuradii 48-aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay xuska sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kayre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya, salaan sharafeed ka dibna waxaa Ra’iisul Wasaaraha la soo tusay dhismaha cusub ee taliska guud Ciidanka Asluubta ee KM7, iyadoo uu halkaa kaga dhagaystay warbixin taliyihii hore iyo taliyaha cusub, waxayna sheegayn in dib u dhiska xaruntan ay gacan wayn ka gaysteen ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo uu dhismaha ka kooban yahay 93 xafiis iyo 3 hool oo loogu tala galay in lagu qabto shirarka caadiga ah iyo xafladaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horayntii tahniyad u diray dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka mid yihiin tiirarka uu ku taagan yahay qaranku, ayna ka qayb qaataan difaaca dalka iyo xaaladaha deg deg ah. Sidoo kale waxuu timaamay in ciidanka Asluubta waajibaadkiisa uusan ahayn oo kaliya ilaalinta iyo daryeelka maxaabiista, balse ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhaqan celinta bulshadda.

“Waxaa muuqda horumar iyo yididiilo, lix bilood ka hor halkan waxay ahayd meel cidlo ah, maantana waxaan Indhaheena ku aragnaa billicda ka muuqata xaruntan, taasna waxaa sabab u ah isku tashiga shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya dawladoodda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mar kale bogaadiyay ciidan Asluubta iyo doorka ay ku leeyihiin wax qabadka dalka, wuxuuna ku wargaliyay in ay dar-dar galiyaan howsha ay ummadda u hayaan. Waxuu kaloo dadka Soomaaliyeed u sheegay in ay iyagu dowladnimadda ay gacantooda ku jirto, aayaha iyo mustaqbalka ubadkoodana ay ka tashadaan.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Heshiis Iskaashi wada shaqeyn ah la saxiixatay  dhigeeda Dalka Suudaan

0

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo mudo afar cisho ah howlo shaqo u joogty Magaaladda Khartuum ee Xaruunta Dalka Suudaan ayaa Heshiis iskaashi Caalamiha ah oo dhaxmara Labada Wasaaradood ee Suudaan iyo Soomaaliya Quseeyana Dhanka Caafimaadka kula saxiixatay dhigeeda Dalka Suudaan  Baxri Abul Qardah

iyadoo  uu jiray Heshiisyo horay ay u wada galeen Labada Wasaaradood hadana Heshiiska la galay waxa uu daba joogay kii hore inkastoo  qodobo qaar lagu kordhiyay halka kuwo kalana laga dhimay sida ay hadalka u dhigtay Wasiiraka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadleysay Warbaahinta Qaranka.

Heshiiska ay wada galeen labada Wasaaradood ee Caafimaadka Soomaaliya iyo Suudaan  ayaa inta baadan waxa uu xoogga saarayaa sidii tababaro dhanka Xeel dheerayaasha Caafimaadka la isu dhaafsan lahaa ,Shuruucda Caafimaadka,Dawooyinka ,iyo Adeegyada Caafimaadka la bixiyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Gabagabadii Heshiiska ayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur waxay u mahadcelisay dhigeeda Dalka Suudaan  Baxri Abul Qardah iyadoo sidoo kale u Mahadcelisay  Dowladda iyo Shacabka Suudaan sida ay u jecelyihiin marwaliba garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta dib ugu soo laabtay, markuu safar wada tashi ah kuna saabsanaa arrimaha ammaanka uu lasoo qaatay madaxda Dowladda jabuuti.

Madaxweynaha oo  kulamo la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka federaalka u matala maamulkaasi iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale warbxinno ka dhagaystay mudanayaasha uu kulanka la qaatay.

Mudane; Waare ayaa ka war bixiyay kulamo uu Jabuuti kula soo qaatay madaxda Dalkaasi, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada lagu baacsanaya Al-shabaab , furitaanka Jidadka iyo sidii laysaga kaashan lahaa nabadaynta degaannada Hirshabeelle.

Arriamaha Bini’aaddannimada ayuu sheegay inay u baahan tahay in wax laga qabto, isagoo culeyska labaadna ku tilmaamay gurista Webiga Shabeelle , Ceelasha oo fogaaday iyo xaalado abaareed oo halkaasi ka jira, taasoo saamayn ballaadhan ku yeelatay nolosha Dadka.

Madaxweyne Waare ayaa dowladda federaalka iyo deeq bixiyeyaasha Caalamka ka codsaday inay gacan buuxda ka geystaan samata bixinta dadka ku tabaalaysan Dhulka Hirshabeelle iyo sidii gurmad Biyo dhaamis ah loogu samayn lahaa.

Mudane; Waare ayaa ku tilmaamay baahida jirta mid iyaga Gacantooda ka weyn , wuxuuna sheegay inay Dowladda federaalka Soomaaliya kaalin lixaad leh ka gaysato, sidoo kalan ay doorkooda ka qaataan Hay’adaha samafalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Dowladda dhexe iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa ka war bixiyay heerka ay imminka marayso xaaladda amni ee degaannada Hirshabeelle iyo arrimaha Bini’aadannimo ee halkaasi ka taagan, waxanay sheegeen inay muhiim tahay inay u wada istaagaan Dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle iyo sama falayaasha Caalamka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xirey ciidanka ilaalada madaxtooyada

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Tababarkaan oo mudo 90-cisho ah socday ayaa Ciidanka ka faa’ideystay oo gaarayay 130-askari,waxaana inta uu socday lagu barayay tababar la xiriira howlaha Waajibaadkooda ciidanimo iyo siday uga soo dhalaali karaan howlaha loo igmaday.

Goobta tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidamada Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gaashaanle sare Cali Maxamed Ali afcadey,Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood iyo Saraakiil ciidan,kuwaasi oo dhamaantood ciidanka tababarka dhameystay ku amaanay dhabarka adeega ay muujiyeen mudada uu socday.

Ugu horeyn ayaa goobta waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Gaashaanle Sare Cali Maxamed Ali Afcadey,wuxuuna askarta tababarka dhameystay ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii uu tababarka socday.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo madasha ka hadlay ayaa Yiri” Waxaa naga go’an xoojinta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga dalka,Ururka Ciidanka ilaalada madaxtooyada waxaan gaarsiin doonaa heer aad u sareeya si ay madaxda Qaranka amaankooda u sugaan”.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xiray Tababarka ayaa bogaadiyay dhabarka adeega Ciidanka ay muujiyeen mudada tababarka uu socday,isagoona tababar kale goobta uga furay Ciidan kale oo ka tirsan Ururkaasi.

Ururka 60-aad ee Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ah Ciidan gaar u ah ilaalinta madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ayaa lagu xusuustaa doorka ay ka qaateen socdaalkii Nabada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku tagay Maamulada Puntland iyo Galmudug,kuwaasi oo si weyn u sugayay amaanka Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxame C/llaahi Farmaajo.

Gudoomiyaha aqalka sare oo sheegey in muhiim ay tahey in la dhiso akadeemiyada fanka iyo suugaanta

0

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa xukuumadda u soo jeediyay in ay ku dedaasho hir-gelinta xarumaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanka , Akadeemiyad Goboleedka AGAH, golaha murtida iyo madadaalada, Maktabadda iyo Madbacadda Qaranka oo muhiim u ah Dowlada Soomaaliya.

Mudane Xaashi; oo ka hadlayay xuska Maalinta Afka Hooyo oo shalayto ka dhacay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo Suugaanta ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalka soo nooleynta xarunta golaha murtida iyo madadaalada Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa golaha ku tilmaamay isku xiraha Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay  Fanaaniinta Qaranka nolashooda, caafimaadkooda iyo qalabkii ay ku shaqayn lahaayeenba in wax laga qabto.

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadaasi ka balanqaaday in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ku bixin doonto sidii sare loogu qaadi lahaa Afka Hooyo ee Soomaaliga ah,wuxuuna xusay in dhawaan la dhisidoono xaruntii Akadeemiyad Goboleedka oo la dhagax dhigay sanadkii 2015kii,dowladduna ay lacag dhan 1 Milyen oo dollar ay ku bixineyso.

Danjiraha Turkiga soomaali u fadhiya oo casho sharaf u sameyey diblamaasiin soomaali ah oo tababar dhameystay

0

Safiirka Jamhuuiriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga H.E. Mr. Jama Abdullahi Mohamed ayaa xaflad casha sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay Caasimadda Ankara toban “10” diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo tababar diblomaasiyadeed oo muddo hal todobaad socon doona ku qaadanaya Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkey.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta tababarka u socda inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta casharada, ayna bilow cusub u noqdaan isbadallada guusha leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hiigsanayso, isaga oo xusay in tababarada lagu tayeynayo howlwadeennada kala duwan ee hey’adaha dowladda ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay muujiyeen, waxaanu caddeeyay in kooxdii labaad ee Wasaaradda Beeraha ka socota lagu tababari doono dalka Turkiga si dalku u noqdo mid isku filnaada xagga cunnada iyo wax soo saarka.

Amb. Jama Abdullahi Mohamed oo la hadlayay diblomaasiyiintaasi ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waa muraayadda dalka, waa wejiga laga eegayo qarankeena, waa inaad noqotaan kuwa hagaajiya wejigaasi oo wax weyn ka badala habka shaqo ee xilligan”.

Danjiruhu waxa uu ammaanay taageerada is xilqaanka leh ee Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkiisu weli u baahan yahay taageero dhinacya badan leh sida dib u dhiska kaabayaasha kala duwan ee dhaqaallaha si qaranku u noqdo mid isku filan.

Casha sharafta oo jawi degan oo heer sarreeya ku dhammaatay, laguna qabtay Maqaayadda caanka ah ee recep usta ee Ankara (Meşhur Tavacı Recep Usta) ayaa waxaa Safiirka ku wehlinayay Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane, Bishar Ugaas Ibrahim iyo Qunsulka Safaaradda Mudane, Suleiman Mohamed Karshe.

Taliyaha Ciidaanka Asluubta Soomaaliyeed oo hambalyo u direy sannad guurada ciidanka Asluubta

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hambalyo u diray Taliska Ciidanka Asluubta oo Maanta u dabaal degaya Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii.

“Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta barri ah owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan sanadkan kiisa kale” ayuu yiri Sareeyo Guud Bashiir.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maalmahan diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira qabashada Xuska Maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22 Febraury, waxayna sanadkaan u dabaal dagayaan Sanad guuradoodii 48aad, iyadoo maalmahan ay ciidamadu wadeen diyaar garow ay ugu jiraan xuska maalinta la aas aasay.

Guddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in hufnaanta hannaanka maamulka iyo maaliyadda ay asaas u tahay shaqada maamulka Gobolka, sidaas daraadeedna kor loo qaadi doono isla xisaabtanka heer gobol iyo heer degmo.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Gobolka ayaa xaqiijiyey in ujeedku uu yahay daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo in si siman ay uga wada faa’iideystaan bulshada gobolka Benaadir.

“Maamulka degmooyinku waxa ay laf dhabar u yihiin baahinta iyo daadajinta adeegyada asaasiga ah. Si taas loo xaqiijiyana waa in aad horseed ka noqotaan qorsheyaasha ku saleysan la dagallanka musuqmaasuqa iyo in si caddaalad ah loogu adeego bulshada gobolka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo la hadlayey maamulka degmooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa warbixinno ku saabsan amniga, adeegyada asaasiga ah, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran ka dhageystay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka wada arrinsaday latashiyada bulshada gobolka Benaadir ee ku aaddan geeddi socodka doorashooyinka dalka iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cusman Cumar (Eng. Yarisow) ku wehelinayey Ku Xigeennadiisa Arrimaha Bulsha Marwo Basmo Caamir Axmed, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo sidoo kale Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Agaasimaha cusub ee Nisa oo si rasmi ah xilka kala wareegey agaasimahii hore

0

Munaasibad ballaaran oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu si buuxda xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran Xuseen Cusmaan Xuseen oo 19 bishaan loo magacaabay Hay’adda NISA.

Xilwareejinta  oo ka dhacday Xarunta Hey’adda NISA waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir ku xigeenka amniga, Xildhibaano, Saraakiil, Sareeyeyaal, iyo taliyeyaasha Qeybaha kala duwan ee Hay’adda NISA.

Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ahaa Kusimiha  Agaasimaha Hey’adda ahaana Taliye ku xigeenka NISA oo xilka Ku Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Hey’adda ayaa sheegay in Hoggaanka Hay’adda ay garab istaagayaan Agaasimaha Cusub.

“Waxaa heysataa saraakiil qubarro ah oo daacad ah, waxaan uga mahadcelinayaa sidii ay ii garab istaageen mudadii gaabneed ee aan xilkaan sii hayay, waxaana Garab kugu siineynaa shaqada Hay’adda NISA”

Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa ugu horreyn u Mahad celiyay Madaxda iyo Hogaanada NISA isagoo hoosta ka xarriiqay in Hay’addani ay laf-dhabar u tahay Qaranka, xoojinteeda ay ka shaqayanayaan si ku dhisan cadaalad.

“Aqoon badan ayaan u leeyahay howlaha Amniga Quseeya, NISA waxaan xasuustaa duruuftii ay ku howgaleysay xilligii dowladdii Carta lagu soo dhisay oo aan wasaaradda Amniga Wasiir ku xigeen ka ahaa, meesha maanta ay joogto waa meel wax laga sii wadi karo, waxaan idiin ballanqaadayaa in aan la diriridoono Musuqa, Cadaaladda darada iyo nin jecleysiga” ayuu yiri Ag Xuseen Cusmaan

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo hadal ka jeediyay munaasibadda ayaa ammaanay dowrka NISA ee howlaha xasilinta Amniga, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii ay ka bexeen Shuhadadii NISA ee naftooda u huray difaaca shacabkooda Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen.

Wasiirka Amniga wuxu hadalkiisa intaa ku daray in Soomaaliya ay Marayso Waqti Wanaagsan oo xilalka lagu kala wareegayo si dimuqraadi ah.

“Xilku waa meerto, waa qori isku dhiib, Soomaaliya waxa ay ka gudubtay in iyadoo aan is colaadin oo aan gacan kahadal dhicin xilalka lagu kala wareejinayo si dimuqraadi ah, laakiin waxaan rabaa in aan dhaho siyaasiyiinta Soomaaliyeed fadlan marka xilka lagaa qaado adigoon qarankaaga waxyeeleyn sug inta laguu magacaabayo kuris kale” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Munaasibadda ayaa intii ay socotay waxaa Sugaan madadaallo ah ku soo bandhigay kooxda Fanaaniinta Hay’adda NISA ee HILLAAC, waxayna ugu dambeyn ku soo dhamaatay jawi aad u qurux badan.