Home Blog Page 1195

Kullan loogu duceynayay dadkii ku waxyeelabay Qaraxii Soobe oo lagu qabtay Turkiga

0
Muqdisho;- Munaasabad lagu xusayay Weerarkii 14-kii October ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Xarunta Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Istanbul,waxaana kullanka loogu duceeyay dadkii waxyeelada ka soo gaartay Masiibadaasi.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa lagu ammaanay doorkii ay ka qaateen u gargaarida dhawacyadii la keenay Dalka Turkiga .

Ganacsatada, Ardayda iyo Dad kale ayaa goob joog ka ahaa kullanka Ducada ah Waxana kasoo qeyb galayaasha wajiyadooda ka muuqday murugo xooggan .

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga Mudane Sheikh Maxamed ayaa gunaanudkii hadalka Qaatay wuxuuna sheegay in wixii dhacay 14kii October sanadkii hore ay ahayd masiibo loona baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto cadowga ummadda Soomaaliyeed ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii Kullanka Waxa shahaado Sharaf ay jaaliyada Gudoonsiisay Ganacsatada,Haweenka iyo ardaydii dowrka muhiimka ah ka qaatay u gargaarida dhaawacyada Qaraxii Soobe ee dalka Turkiga la geeyay sanadkii tagay ee 2017dii,kuwaasi oo qaarkood ay bogsadeen.

 

Madaxweynaha oo kulamo wadatashi iyo dhiirigelin ah la qaatay bulshada Marka iyo Guutada 14ka Oktoobar ee CXDS

Marka, Oktoobar 14, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleyshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen maleeshiyaadkii Al Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la tashi ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Kaddib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo argagixisada Alshabaab.

DHAMMAAD

Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Kala Saxiixday €100 Milyan oo lagu kabayo Miisaaniyadda Dawladda

0

Muqdisho (SNTV):-Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub  si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan  lacag €100.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.

“Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre.

Midowga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.

Beesha caalamka, bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ayaa garaawsaday in Soomaaliya ay lasoo baxday isbedel wanaagsan oo ay kasoo gudubtay xilligii dhaqaalaha loo soo marsiin jiray cagmo kale.

Hay’adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe

0

Muqdisho (SNTV) Caruurtan oo tiradoodi gaaraysa ilaa 350 ayaa kamid ah boqolaal caruur ah oo ku agoontoobay qarixi 14 Oct ka dhacay Isgoyska Soobe,kuwaasi oo ay noloshooda iyo waxbarashadooda ay ka faalo qaaday dowlada Qatar,kadib munaasabad ay ka qeybgaleen guddoomiyaha gobolka iyo Wasiiro iyo kuxigeenka safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani.

“Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Soobe,500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday,kuwaasi oo kamid ah agoontii 14 Oct,waxaan manta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balanqaaday agoontaasi ,sidoo kale waxaan u sameyndoonaa daryeel nololeed waxbarashadooda,caafimaadkooda,ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”.Ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiiradii ka qeybgalay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ka Xukuumad ahaan dadaal u gali doonaan sidii oo garab istaagi lahaa caruurta agoonta Soomaaiyeed,waxaana kamid ah mas’uuliyiintaasi C/llaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha Xafiiska raiisul Wasaaraha iyo C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Macdanta iyo Patroolka Xukuumadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loogu gurman lahaa caruurta agoonta Soomaaliyeed,sidoo kale gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto dibaatooyinka koxda Alshabaab.

Muddo hal sano ayaa ka soo wareegatay markii maleeshiyada Alshabaab ay qarax bahalnimo ah ay ka geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay in ay agoontoobaan boqolaal caruur ah,dhacdadaasi ayaan noqotay mid dareen xanuun badan ku beerto umadda Soomaaliya.

 

Dowladda oo deeq dawo ah geysay Baydhabo iyo dhaawacyo lasoo wado.

0

Wasiirka tamarta iyo biyaha Soomaaliya Cabdi casiis Maxamed lafta gareen ayaa maanta deeq dawo ah oo uu ka qaaday magaalada Muqdisho gaarsiiyay cusbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo si loogula tacaalo dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo.

iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in sidoo kale Muqdisho loosoo qaado dhaawacyada daran si dibedda loogu qaado kuwa aadka u liito,sidoo kale waxaa xubnahan kormeerkooda ku wehliya madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Cusbitalka Baydhabo ayaa waxaa la geeyay in kabadan 42 ruux oo ku dhaawacmay qarixii shalay inkastoo qaar kamid ah uu xaalkoodu soo hagaagayo,sidoo kale weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday inkabadan 20 ruux sida la xaqiijiyay.

Bashiir Gaani.

 

Baroor diiq Muqdisho loogu sameeyay dadkii lagu xasuuqay Zope.SAWIRRO

0

boqolaal dadweyne ah,ehelada dadkii ku shahiiday goobta iyo madax katirsan dowladda oo uu hor kacayay raiisulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta isgoyska Zope uga qeybgalay munaasabadda baroor diiqda loo sameynayay xusuusta dadkii ku shahiiday qarixii 14 OCTOBER 2017 ka dhacay  halkaasi.

Weerarkaasi bahalnimo oo ah qarixii ugu weynaa ee 1 mar ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday in badan 500 oo ruux kuwaasoo isugu jiray qeybaha bushada waxaana goobta buux dhaafiyay ehelada shuhadada,dhalinyaro culimo iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo madaxa kusoo duubtay maryo cadcad.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cali Dheere oo goobta ka hadlay ayaa u duceeyay dadkii ku geeriyooday halkaasi isagoo uga mahad celiyay dowladda federaalka ah iyo shacabkaba sida ay isaga kaashadeen musiibadaasi iyo u gargaaridda dadka waxyeeloobay.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay inaaney jirin Khiil diimeed oo ay kooxahaasi u cuskan karaan falalka noocan ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa goobta ka sheegay in gobolku abaabul weyn ka sameeyay la tacaalidda dadkii waxyeeloobay islamarkaana ay ku faraxsanyihiin sida bulshada Muqdisho uga qeybgaleen gurmadkii socday.

Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ugu dambeyn goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii geeriyooday waxa uuna u sheegay Al shabaab in waqtigoodii dhamaaday,sidoo kale Kheyre ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ku dadaali doonto sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen caruurta ay dhaleen waalidiintii halkaasi ku shahiiday.

Culimo owdiinka goobta ku sugnaa iyo ka qeyb galayaasha ayaa si guud ugu duceeyay dadkii ku dhintay qarixii Zope,iyagoo alle uga baryay argagaxisada inuu xaqqa garansiiyo islamarkaana dhibta ka dulqaado dadka Soomaaliyeed.

 

 

Bashiir Gaani.

Dil maanta lagu fuliyay nin ka mid ahaa abaabulayaashii qarixii 14 October

0

Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al shabaab ayaa waaberigii saaka waxey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku fulisay dil toogasho ah kadib marki ay horay ugu xukuntay dhageysiga dacwadiisa kadib.

Qoraal ay saaka maxakamadda Darajada Kowaad ee ciidanka qalabka sida soo saartay loogana hadlayay xukunka dhagar qabahaasi uuna akhriyay dhame Muumin Xuseen C/llaahi oo ah kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u qornaa sida tan.

Taariikhdu markay ahayd 01/01 2018,waxay maxakamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay Xasan Aadan Isxaaq Cali 23 jir ah ina Xaawo Maxamed Cali, ku dhashey Bay,kaasoo Xafiiska Xeer-lilaalinta ciidanka qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Alshabaab,mas’uulna ka ahaa 2 gaari qarax ah ee 14/10/2017 ku kala qarxay Isgoyska Soobe iyo wadada Dan-wadaagaha,sidoo kale waxaa lagu dacweeyey in gaariga ku qarxay wadada Dan-wadaagaha uu isagu gacantiisa ku waday,qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad gaaraya 776 ruux.

Taariikhdu markay ahayd 06/02/2018 Dembiile Shabaab Xasan Aadan Isxaaq Cali waxay Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay dil toogasho ah qisaasta dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo wadada Dan-Wadaagaha 14/10/2017.

Maanta oo ay tariikhdu tahay 14/10/2018 waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

sidaasi waxaa yiri ku xigeenka xer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dhame Muumin Xuseen Cabdullaahi oo saaka warbaahinta u akhriyay qoraalka maxkamaddu kasoo saartay toogashada Xassan Aadan isxaaq iyadoo maanta ay sanad kasoo wareegatay musiibadaasi.

Bashiir Gaani.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka.

0

Madaxweynaha oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo dowladda ah ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo uu kula kulmi doono qeybaha bulshada ee magaalaaasi.

Marko waxaa howlgallo amni sugid ah ka wada guutada 14 October oo katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo argagaxisada ka xoreeyay magaalooyin katirsan gobolkaasi,iyagoo weli sii baacsanaya maleeshiyada Shabaab.

Magaalada Marka ayaa hadda kasoo kabaneysa dagaalo ragaadiyay sanadihii u dambeeyay kuwaasoo sababay iney barakacaan inta badan shacabkii magaalada ku noolaa kadib markii ay ka bilowdeen dagaalo beeleed iyo kuwo ay argagaxisadu kusoo qaadayeen.

 

 

Qore. Bashiir Gaani

Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS oo cambaareeyay Qaraxyadii argagixisadu ka fuliyeen Baydhabo

0

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qaraxyadii Argagixisinimo ee Maleeshiyaadka nabad diidka ah ay la beegsadeen meelo dad shacab ah ay isugu yimaadaan oo ku yaala  Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Waxaan cambaareynaaa weeradadii aragaxisadu ay ka geysteen Magaaladda Baydhabo ,iyagoo halkaasi ku laayay dadka aan waxba galabsan,waxaana tacsi u dirayaa ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan Alle SWT uga baryayaa in Naxriistiisa ka waraabiyo,kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah Allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha  Shacabka ayaa sheegay in Isbitaaladda Magaaladda Baydhabo ay u diri doonaan gargaar Caafimaad si wax loogu qabto dadka falkaasi wuxushnimo ku waxyeeloobay sidoo kalena ay maalinta beri ah halkaasi u diri doonaan diyaarad halkaasi ka soo daad gureysa dadkii qaraxyadaasi ku dhaawacmay si loogu daweeyo Magaaladda Muqdisho.

Mudane Maxamed Mursal Sheekha C/raxmaan ayaa  sheegay in kooxahan caadeystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto ,isagoo shacabka ugu baaqay in ay hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan ciribtirka Kooxdan hororka ah iyo sugida Amaanka.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Arrimaha horumarinta Bulshada,Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Aqalka sare Senator Axmed Macallim Cumar “Axmed Nadiir” ayaa cambaareeyay Qaraxyadii wuxuushnimada ahaa ay galabta kooxaha argagixisada ka fuliyeen magaalada Baydhabo,kuwaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna tacsi u diray Ehalada dadka waxyeelada ka soo gaartay falkaasi argagixiso.

Gelinkii dambe ee maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka dhacay weeraro argagixiso,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dad shacab ah oo aan waxba galab ay soo gaareen.

Weerarada Qaraxyada ah ayaa argagixisadu waxay ka fuliyeen bartamaha magaalada Baydhabo gaar ahaan laba meheradood oo ku yaal bartamaha magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in ka badan 10-Qof ay ku dhinteen Qaraxyada halka 20-qof oo kale ay ku dhaawacantay.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa caadeystay iney si micdaro ah ku daadiyaan dhiig shacabka Soomaaliyeed,iyadoo aysan jirin cid ay u aabo yeelayaan.

Mid kamid ah raggii ka dambeeyay Xasuuqii 14-ka October oo dil toogasha ah lagu fuliyay

Muqdisho (SNTV)- Xasan Aadan Isxaaq ayaa isaga wada ka ahaa gaarigii labaad ee ku qarxay isgoyska Dan-wadaagaha kaasi oo fura u ahaa gaariga weyn ee sanad ka hor maana oo kale ku xasuuqay ku dhawaad kun qofood.

Kowdii bisha koowaad ee sanadkan ayay soo bilaabatay dacwadda eedeysanaha waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ay ku xukuntay lixda bishii labaad ee sanadkan dil toogasha ah.

Maanta ayaa fagaaraha iskuul Bolisiya lagula filayay xukunkii hore ay Maxkamadda ugu riday.