Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir uga qeyb galay dalka Morocco

Date:

Rabat (SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Rabat ee dalka Morocco ka qeyb galay shir ay iskugu yimaadeen Wasiirada Waxbarashada dalalka ku jira hay’adda Islamic Educational Scientific and Cultural Organization (ISESCO).

Kulankan ayaa looga hadlay sidii Wasiirada Waxbarashada dalalkan ay iskaga kaashan lahayeen arrimaha waxbarashada.

Wasiirka  waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasiirada uu kulanka la qaatay uu  kala hadlay sidii  door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

“Dhamaan Wasiirada Waxbarashada dalalka ku jira hay,adda Islaamic Educational scientific and Cultural Organization [ISESCO]  waxaan ka wada hadalnay sidii kaalin mug leh uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada Soomaaliya, waana isku afgarnay “ayuu yiri wasiirada waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashada dalka ayaa dhawaan ku guuleystay inay hirgeliso manhajka cusub ee wasaaradda ay soo diyaarisay, iyadoo loo qeybiyay iskuulladii dhawaan ay la soo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...