Dil maanta lagu fuliyay nin ka mid ahaa abaabulayaashii qarixii 14 October

Date:

Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al shabaab ayaa waaberigii saaka waxey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku fulisay dil toogasho ah kadib marki ay horay ugu xukuntay dhageysiga dacwadiisa kadib.

Qoraal ay saaka maxakamadda Darajada Kowaad ee ciidanka qalabka sida soo saartay loogana hadlayay xukunka dhagar qabahaasi uuna akhriyay dhame Muumin Xuseen C/llaahi oo ah kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u qornaa sida tan.

Taariikhdu markay ahayd 01/01 2018,waxay maxakamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay Xasan Aadan Isxaaq Cali 23 jir ah ina Xaawo Maxamed Cali, ku dhashey Bay,kaasoo Xafiiska Xeer-lilaalinta ciidanka qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Alshabaab,mas’uulna ka ahaa 2 gaari qarax ah ee 14/10/2017 ku kala qarxay Isgoyska Soobe iyo wadada Dan-wadaagaha,sidoo kale waxaa lagu dacweeyey in gaariga ku qarxay wadada Dan-wadaagaha uu isagu gacantiisa ku waday,qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad gaaraya 776 ruux.

Taariikhdu markay ahayd 06/02/2018 Dembiile Shabaab Xasan Aadan Isxaaq Cali waxay Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay dil toogasho ah qisaasta dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo wadada Dan-Wadaagaha 14/10/2017.

Maanta oo ay tariikhdu tahay 14/10/2018 waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

sidaasi waxaa yiri ku xigeenka xer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dhame Muumin Xuseen Cabdullaahi oo saaka warbaahinta u akhriyay qoraalka maxkamaddu kasoo saartay toogashada Xassan Aadan isxaaq iyadoo maanta ay sanad kasoo wareegatay musiibadaasi.

Bashiir Gaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...