Hay’adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe

Date:

Muqdisho (SNTV) Caruurtan oo tiradoodi gaaraysa ilaa 350 ayaa kamid ah boqolaal caruur ah oo ku agoontoobay qarixi 14 Oct ka dhacay Isgoyska Soobe,kuwaasi oo ay noloshooda iyo waxbarashadooda ay ka faalo qaaday dowlada Qatar,kadib munaasabad ay ka qeybgaleen guddoomiyaha gobolka iyo Wasiiro iyo kuxigeenka safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani.

“Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Soobe,500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday,kuwaasi oo kamid ah agoontii 14 Oct,waxaan manta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balanqaaday agoontaasi ,sidoo kale waxaan u sameyndoonaa daryeel nololeed waxbarashadooda,caafimaadkooda,ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”.Ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiiradii ka qeybgalay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ka Xukuumad ahaan dadaal u gali doonaan sidii oo garab istaagi lahaa caruurta agoonta Soomaaiyeed,waxaana kamid ah mas’uuliyiintaasi C/llaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha Xafiiska raiisul Wasaaraha iyo C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Macdanta iyo Patroolka Xukuumadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loogu gurman lahaa caruurta agoonta Soomaaliyeed,sidoo kale gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto dibaatooyinka koxda Alshabaab.

Muddo hal sano ayaa ka soo wareegatay markii maleeshiyada Alshabaab ay qarax bahalnimo ah ay ka geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay in ay agoontoobaan boqolaal caruur ah,dhacdadaasi ayaan noqotay mid dareen xanuun badan ku beerto umadda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...