Home Blog Page 1194

Wasiirka Difaaca XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan

0

Muqdisho (SNTV), Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaral Dhaga-badan, ayay kormeer howleed maanta ku tageen wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, xoghayaha guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo saraakiil kale.

Qaar kamid ah askartii horey, Imaaraadka gacanta ugu hayeen ayaa hadda lagu leyliyaa xerada, waxayna mas’uuliyiinta soo indha indheeyeen qeybaha xerada, sida goobaha tabbabarka iyo qeybta cuntada, iyadoo mas’uuliyiinta ay la kulmeen saraakiisha midowga Yurub ee Tabbabarta ciidanka xoogga dalka oo ugu warbixisay howlaha ay halkaas ka hayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo Gaas, C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlay askasta tabbabarka u socday ayaa ku booriyay in ay u adkeystaan leyliga, si dalka ay u anfacaan.

Xoghayaha guddiga difaac ee golaha shacabka, xildhibaan Sadiiq Warfaa, ayaa sheegay in miisaaniyadda wasaaradda Gaashaandhigga la kordhin doono sanadka soo aadan maadaama uu dalka dagaal ku jiro.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu u taagan yahay fulinta hadafkaas.

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo mas’uuliyiinta kale, ayaa saldhiga howlgalka ciidanka Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidanka xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalkaas BRIGADIER GENERAL MATTEO SPREAFICO iyo GENERAL PIETRO ADDIS oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dardargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.

Dhanka kale, wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa la kulmay sarkaalka Midowga Yurub siyaasadda dibadda ee bariga iyo Koonfurta Afrika u qaabilsan ERIC GALVIN, ayagoo isku afgartay in midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dib u dhiska xeriyaha ciidanka xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii nabad diidka dalka looga xoreyn lahaa.

?
?

?
?

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb galeysa shir-weynaha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta.

0

Geneva(SNTV):- Dalkeena Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.

Shirweynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta.

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay mas’uul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.

“Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na matalaya wasaarad iyo hay’ad oo kala leh waajibaadyo kala duwan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka.

“Fursad muhiim ah ayay u tahay Soomaaliya maadaama aanu dhiseyno hay’ad cusub, inagoo dooneyno in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay ururrada iyo hay’adaha kale ee ay wada-shaqeynta la leedahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Cashuur Xasan.

Wasiirka Amniga gudaha XFS oo tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa maanta tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Munaasabadda Tababarka loogu furayey Saraakiishaan, ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , Taliye ku xiggeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka iyo Masuuliyiin kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ee maanta tababar loo furay, ayaa Ciidanka Booliska waxay kusoo biireen dhowaan, waxaana lagu qaatay Heerarkooda Waxbarasho, iyaddoo Tababarkaan lagu barayo sida uu shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyo Sharuucda Booliska Aduunka.

Casharada lagu qaadanayo Tababarkaan, ayaa waxaa bixin doona Madaxda Hoggaanada Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana hoggaan walbo uu bixin doonnaa shaqooyinka u gaarka ah ee uu qabto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa Saraakiisha dhalinyarada ah ee Maanta tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan Casharada la siinayo, isaggoo xusay in tababarada noocaan oo kale ah la kordhin doono, si sare loogu qaado Aqoonta Ciidanka Booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim uu yahay saraakiisha dhalinyarada ah, maadaama ay wax badan ka kororsanayaan, waxaana Taliska Ciidanka Booliska uu ku ammaanay dadaalka ay galinayaan sare u qaadista aqoonta Ciidanka.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Ankara kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caasimadda dalka Turkiga ee Ankara kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Ankara kula kulmay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud .

Madaxwayne Farmaajo ayaa yiri”Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.”

Afhayeenkii wasaaradda Amniga oo xilkii laga qaaday

0

Wareegto ka soo baxdey xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa xilkii afyaheennimo looga qaaday Cabdi-casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan).

 

Jaamacadda Ummadda oo ku ogeysiineysa Diiwaangelinta Imtixaanka sannad tacliimeedka 2018-2019

0

Dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in qabashada araajida codsiga ka qeybgalka imtixaanka gelintaanka Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2018-2019-ka la bilaabay 07/07/2018, kuna eg 09/08/2018.

 

Warbaahinnada Dowladaha Soomaaliya Iyo Djibouti oo Iskaashi Yeelanaya

0

Jabuuti: Wafdi ka socday Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Djibouti kadib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD  C/qaadir Axmed Idiris.

Wafdigan ayaa saakay kulan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa RTD waxaana ay ka wada hadleen abuurista jawi iskaashi iyo wada shaqeyn walaaltinimo ku dhisan kaasi oo dhexmari doona Warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Djibouti .

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/fataax Daahir Jayte oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Jabuuti taageerrada walaaltinimo ee ay horey u siiyeen Radio Muqdisho taasi oo aheyd mid qalabeed sanadkii 2010 islamarkaana hada ay diyaar u yihiin dhankooda Radio Muqdisho iyo SNTV iney iskaashi shaqo la yeeshaan dhigooda RTD.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey maamulka sare ee RTD marti qaadka ay u sameeyeen wafdigiisa iyo sida loosoo dhaweeyey waxaana uu ka hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay iska kaashan karaan labada warbaahin dowladeed oo ay ugu sii horeyso qibrad is weeydaarsiga labada dhinac iyo is taageeridooda.

Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD C/qaadir Axmed Idiris oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey wafdiga uu agaasimaha guud hogaaminayo sida ay uga soo jawaabeen casuumaada ay u fidiyeen waxaana uu dhankiisa ka hadlay muhiimada uu leeyahay iskaashi dhexmara warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulanka waxaa ku sugnaa injineero ka kala tirsan labada Warbaahin dowladeed waxaana kulanka kadib ay wafdigu kormeereen qeybaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti.

 

Maamulka gobalka Benaadir oo garoonka ka hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose.

Muqdisho (SNTV)-Maamulka gobolka Banaadir oo mudooyinkii danbe xooga saareysay sidii bulshada caasimadda kunool ay u heli lahaayeen adeegyada ay dowlada hoose bixiso iyagoo jooga degmooyinkooda  ayaa maanta garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa laga hirgaliyay xarunta adeegyada dowlada hoose,  waxaana si wadajir ah xariga uga jaray wasiir kuxigeenka maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya iyo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.

xafiiskan  ayaa bixin doono afar adeeg oo muhiim ah kuwaasi oo kala ah.

Shatiyada Ganacsiga.
Diiwaangalinta shirkadaha iyo NGO-yada.
Faya dhowrka garoonka diyaaradaha,
Buugga Caafimaadka.

guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa ka sheegay munaasabadda furiteenka in ahmiyad gaar ah ay u leedahay ka maamul ahaan in ay bulshadooda u dejiyaan hoos adeegyada uu bixiyo Maamulka Dowladda-Hoose.

wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyadda dowlada Soomaaliya mudane Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow ayaa tilmaamay in wasaaradda ay la shaqeyn doonto dowladda hoose si loo horumariyo adeegyada aas aasiga ah.

intaasi kadib ayaa guddoomiye Tuulax waxa uu madaxa xafiiska la hir geliyay  ku wareejiyay gaadiid gaar ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo adeegyada ay dowlada hoose ee Xamar ka bixin doonto garoonka Aadan Cade.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed

Baydhabo (SNTV)- Xafladda Furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa Ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka ,Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Xildhibaanada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ,Xafiiska Qaramada Midoobay iyo Ururada Bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Ka hadlay waxyaaabihii u qabsoomay golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed isagoo sheegay in waxyaabaha kalfadhigan horyaala ay Ka mid yihiin dejinta iyo diyaarinya habraaca doorashada Madaxtinimo ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed oo dhowr bil Ka dib dhici doona.

Qaar Ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo xaflada Ka hadlay ayaa  u Mahad celiyay howlaha ay dadka iyo deegaanada koonfur gaalbeed u qabteen golaha wakiilada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay golaha mudadii uu shaqeynayay uu wax badan qabtay isagoo sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono cabashada ay soo gudbiyeen Shacabka ku safra wadooyinka isku xira Magaaladda Muqdisho iyo Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa aad u amaanay iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka  dhaxeysa Shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay golaha wakiilada koonfur galbeed howlaha ay haayaaa

Guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee Ka dhaxeeya golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada, isagoo tilmaanay in Maadaamaa Dalka uu qaatay nidaamka federaalka loo baahanyahay in maamulka loo de dejiyo min degmo ilaa tuulo si maamulka hanaanka dowlad wanaaga uu u gaaro dadka deegaanada miyiga ah ku nool.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Xariga ka jaray Xafiiska Xalinta Khilaafaadka degmada Hodan ee G/Banaadir

Muqdisho(SNTV);– Furitaanka daadajinta Barnaamijka heer degmo ee xafiiska xalinta Khilaafaadka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa laga hirgeliyay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,iyadoo qorshahu uu yahay in bulshada ay helaan adeeg Garsoor oo dhammeystiran.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta degmada ayaa Bulshada ay ku ammaaneen doorka Wasaaraddu ay ka qaadaneyso dib u soo nooleynta Golaha Adeega Garsoorka dalka.

Ku simaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Hodan Yaasiin Cusmaan Jimcaale ayaa tilmaamay in Xafiiskan muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada reer Hodan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya  Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay in xafiiskan xalinta Khilaafaadka uu wax badan ka tari doono baahiyaha dhanka garsoor ay qabaan Bulshada degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xafiiska xalinta Khilaafaadka ay garsiin doonaan dhammaan degmooyinka iyo Gobollada dalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan dhammaan Adeeg garsoor oo dhammeystiran.