Home Blog Page 1194

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo laga soo sheegayo biyo la’aan sameeysay dadka iyo duunya

0

Degaano kamid ah Gobalka Mudug ayaa la ga soo sheegayaa biyo la,aan sameeyn ku yeelatay dadka iyo duunya.

Degaanka Baraag Ciise oo 45 Km dhanka Koonfur kaga beegan Degmadda Bacaad weeyn ee Gobalka Mudug ayaa dadka degaankaasi ka cabanayaan Biyo La,aan sameeysay  dadka iyo duunyada hakaasi ku nool.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Baraag Ciise oo lahadlay  warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka iyo xoolaha ku nool Degaanka ay biyaha ugeyaan Booyado, booyadahasi ayaa waxay ku bixiyan  lacag garaysa 180 dollar madaama ay ka fogyihiin Ceelbiyoodyada degaanka xiligana ay jiran baahiweyn oo ay dadka ku dhaqan degaanka Baraag Ciise ,  Salaad Maxamuud Ciise oo ka midaha dadka degaanka Baraag Ciise ayaa intaas ku daray in maamulka Galmudug looga baahan yahay in ay gacan ka geystan sidii dadka iyo xoolaha degaankasi ay u heli lahayeen Ceelbiyood.

Madaama aysaan dadku  awoodin lacagta ay booyadaha biyaha ku geyaan  degaanka Baraag Ciise, degaanada ku xeeran gobalka mudug ayaa waxaa ka dhacaa biyo la,aan  marka ay soo daahaan curashada Xili Robaadka.

 

Socdaalka Madaxda JFS waa tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa (Faallo)

0

In madaxda dalka Soomaaliya ay booqdaan degmooyin ka mid ah dalka,isla markaana ay soo eegaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada iyo hormarada kale ee ay ku tallaabsadeen waa calaamad muujineysa hanaanka dowlad wanaagga ee ay ku sifoobeen madaxda cusub ee Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan adag oo la doonayo sidii loo raadin lahaa umad ka qeybqaadata nabad ku soo dabbaalidda dalka .

Haddaba muhiimadda guud ee safarka Madaxda dalka ay ku tageen xarumaha  Marka iyo Jowhar ayaa loo arkaa  mid wax ku ool ah  oo muujinaaya in weli ay jiraan hogaamiyaal Soomaaliyeed oo daneynaya in ay la socdaan arimaha bulshada iyo hormarka kale ee ka jira degmooyinka dalka.

Dhiirrigelinta  ciidamada ku howlan nabadeynta dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ,ayaa ka mid ah booqashada madaxda dalka oo lagu micneeyay sidii loo  heli lahaa  niyad ama moral adag oo lagu xoreeyo goonaha ay weli joogaan cadowga umadda.

Nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo dadka walaalaha ah ayaa sidoo kale ku jiray ajeendaha safarka madaxda dalka, iyadoo isla markaana dadaal dheeraad ah  la galinaayo sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka ragaadiyey isbadallada nololeeed ee umadda.

In la booqdo goobaha cusub ee loo diyaariyay tababarka ciidamada iyo dhismaha kuwa loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulada,ayaa sidoo kale ka mid ahaa barnaamijka dowladda ee lagu tagay degmooyinka dalka.
Qeybaha bulsho ee ku dhaqan deegmooyinka la booqday ee Marka iyo Jowhar ayaa gudbinaya sawir farxad leh oo dhiirigelinaya hammigii ay ku socdeen wafdiga Madaxda dowladda ,kaas  oo ah in loo baahnaa booqashooyin lagu ogaado xaaladda dadka iyo deegaanka.

Hoggaaminta wanaagsan ee dowlad dooneysa horumar,waxa ay ku jirta mar kasta in lala socdo ama laga  warqabo dhibaatooyinka hortaagan  bulshada,mashaariicda socota, horumarka kale ee lagu tallaabsaday iyo dhameystirka adeegyada ay u baahan yihiin umadi.

Waxaa hubbaal ah in haddii la doonayo horumar leh dhinacyo badan ay lama huraan tahay in la qaato talada madaxda dalka,isla markaana laga qeybqaato dadaalada dowladda ay ugu jirto ka miro dhalinta hadafka ama gaaritaanka waxqabad dhab ah oo muuqda.

Guud ahaan aragtida saliimka ah ee laga qabo safarka madaxda dalka waa tallaabo  wax ku ool ah oo gabagabadii ku soo biyo shubaneysa in meesha ay ka baxaan tuhunada la xiriira in dowladdu aysan ka warheyn xaaladda nabadgelyo iyo tan nololeed ee dadka ku dhaqan gobolada dalka.

Wakaaladda SONNA

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Madaxa UNHCR kala hadlay Xal-u-helidda Barakacayaasha

0
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren.

Duqa Muqdisho iyo Madaxda UNHCR ayaa ka wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan gudaha iyo daafaha Caasimadda. Waxana ay isla soo qadeen shaqo abuurka dhalinyarada, dayactirka iskuullada iyo xarumaha Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin dheer ka siiyey ergada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga xaaladda barakacayaasha ku sugan Caasimadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo taageerada loo fidinayo waqtigan .

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda UNHCR ee maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si aan wadajir uga xaajoono mustaqbalka kumanaanka barakacayaasha ah ee ku nool gudaha iyo daafadaha Caasimadda iyo dadka qaxootiga dib uga soo laabanaya. M/mulka G/Banaadir si buuxda ayay u garab-taagan yahay qaxootiga iyagoo ka wada shaqaynaya hay’adaha gargaarka sidii looga caawin lahaa in qaxootigu ay noloshooda dib u yagleelaan”.

Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin gacan siinta qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana maadaama ay Caasimadda ku nool yihiin qaxooti tiro badan lagama maarmaan tahay in taageerada la sii labo-jibaaro.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Gobollada Baay iyo Jubbada Hoose

0

Howlgal dhanka cirka ah oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsanaa koxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose,islamarkaana lagu dilaya ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab.

Sidoo kale waxaa warkaasi lagu sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo shacabka ka soo gaaray howlgalkaasi qorsheysnaa oo lagu beegsanayay meelaha ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Dhinaca kale 8-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgal qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalku ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Howlgalkaasi ayaa ka dambeeyey kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada dowladda oo kuyaala deegaankaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle

Muqdisho October 15 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

Xubnaha Aqalka sare ku metala Koonfur Galbeed oo baaq u diray Shacabka iyo Maamulka k/galbeed

Muqdisho October 15 (SNTV):- Senatarada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullamo mudo u socday waxay ka soo saareen war murtiyadeed ku saabsan Xaaladdaha amni,siyaasadeed,Bulsho iyo midda dhaqaale  ee shacabka Koonfur Galbeed.

Senatarada ayaa marka hore cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisada 13-kii bishan October ay ka geysteen magaalada Baydhabo,weerarkaasi oo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen,waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxyadaasi.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen iney laba jibaaraan in gargaar ku filan oo deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay dhibaatada soo gaartay.

Iyadoo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed isku diyaarineyso doorashada madaxweynaha ayaa senatarada waxay ugu baaqeen dhammaan shacabka,musharaxiinta iyo Hay’adaha amniga iney xil gaar ah iska saaraan amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed,gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Xildhibaanada Aqalka sare ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo waajib gaar ah ka saaran yahay doorashada madaxweynaha kula dar daarmay iney guud ahaan doorashada u maamulaan si daah-furnaan leh,islamarkaana hormuud ka noqdaan doorasho si xalaal ah u dhacda,waxayna si gaar ah ugu baaqeen in la de-dejiyo magacaabista Guddiga doorashada laguna qabto doorashada waqtigii loogu talagay.

Gabagabadii ayay Senatarada waxay ugu baaqeen shacabka Koonfur Galbeed iney ilaashadaan Midnimada,Nabadda iyo Xasiloonida deegaanka iskana ilaaliyaan in iyaga aan loo adeegsan bur-burinta xasiloonida deegaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyada oo amray in waxbarasho madani ah iyo mid ciidan loo fidiyo dhallinyaradii qeybta ka ahayd colaaddii Marka

0

Muqdisho October 15 (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan argagigixisada Alshabaab ee hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.

“Dowladdu waxa ay dadaal ku bixinaysaa sidii aad u heli lahaydeen waxbarasho madani ah iyo mid ciidan, si la idiinku diyaariyo mustaqbal wanaagsan oo idiin horseedaya inaad hormuud u noqotaan difaaca iyo horumarka dalkiinna iyo dadkiinna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay dhibaatooyinka ay shacabku ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maaray, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in cadawga keliya ee caqabadda ku ah nolosha iyo horumarka shacabka deegaankan uu yahay nabaddiidka Alshabaab.

“Waan ka wada dharagsannahay dagaalka sokeeye dhibaatooyinka uu inoo gaystay. Waxaa laga dhaxlay dhallinyaro badan oo idinka oo kale oo dalkan wax tar u noqon lahaa in ay maanta god ku jiraan dagaal macno la’aan ahaa sartiis.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay waxgaradka Gobolka iyo guud ahaan bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka miro dhalinta heshiiskan nabadeed ee soo afjaray colaaddii ka jirtay magaalada Marka, una istaagaan sidii mustaqbal ifaya loogu abuuri lahaa faca soo socda.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday Turkiga

0

60-ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka ayaa Maanta Tababar loogu qaaday Dalka Turkiga sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Amar Dambe

“Waxaan Maanta Garoonka Aden Cade ka sii Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday dalka Turkiga Tiradooda waa  60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenadii ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada ee Turki Som”.ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiishan maanta Tababarka loo qaaday ay isugu jiraan Layli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen, Hogaanka Maamulka Ciidanka Xoogga Iyo Saraakiil kale oo loo qaaday Tababar gaar ah oo kumaandoos ah.

Xasan Cali Amar dambe ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna kaga mahad celiyay Dowlada Turkiga taageerada Joogtada ay siiso Horumarinta Ciidanka Soomaaliya.

 

Kalfadhiga aqalka sare oo Maanta ka furmaya muqdisho

0

Maanta ayaa lagu wadaa in munaasabad lagu daah furayo kalfadhiga afaraad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Furitaanka kalfadhiga afaraad ee Aqalka sare ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona dhammaan xubnaha labada aqal ee soomaaliya, waxaana hada socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan furitaanka kulanka.

kulanka kalfadhiga aqalka sare ee dalka ayaa  waxaa looga hadlaya sharciiyo horyaalah golaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka,waxaana u fadhisan doona guddiga joogtada ee aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliyaa oo dood ka yeelanya sharciiyada horyaalah golaha  aqalka sare ee Baarlamaanka dalka.

furitaanka kaldhadhiga ayaa ah midkii afaraad ee Baarlamaanka aqalka sare ay maanta ay yeelanyan.

Shir looga hadlayo iskaashiga Tamarta iyo Biyaha oo Qaahira ka furmay

0

Muqdisho;- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay Shirkii Afaraad ee Biyaha Dowladaha Islaamka.

Shirkan oo furmay shalay ayaa socon doono muddo seddex cisho ah 14-16 Waxaana goobjoog ka ah dhammaan Dowladdaha Islaamka Wasiiradooda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Gabagabada kulankan ayaa  laga soo Saari doonaa Warbixinno ku aadan Horumarinta Biyaha iyo sidii ay wasaaradahan Tamarta dalalkan isgaga gaashan lahaayeen Tamarta iyo biyaha.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daaal ugu jirta sidii ay shacabka Soomaaiyeed uga faa’ideysan lahaayeen Kheyraadka Biyaha dalka.