Baroor diiq Muqdisho loogu sameeyay dadkii lagu xasuuqay Zope.SAWIRRO

Date:

boqolaal dadweyne ah,ehelada dadkii ku shahiiday goobta iyo madax katirsan dowladda oo uu hor kacayay raiisulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta isgoyska Zope uga qeybgalay munaasabadda baroor diiqda loo sameynayay xusuusta dadkii ku shahiiday qarixii 14 OCTOBER 2017 ka dhacay  halkaasi.

Weerarkaasi bahalnimo oo ah qarixii ugu weynaa ee 1 mar ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday in badan 500 oo ruux kuwaasoo isugu jiray qeybaha bushada waxaana goobta buux dhaafiyay ehelada shuhadada,dhalinyaro culimo iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo madaxa kusoo duubtay maryo cadcad.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cali Dheere oo goobta ka hadlay ayaa u duceeyay dadkii ku geeriyooday halkaasi isagoo uga mahad celiyay dowladda federaalka ah iyo shacabkaba sida ay isaga kaashadeen musiibadaasi iyo u gargaaridda dadka waxyeeloobay.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay inaaney jirin Khiil diimeed oo ay kooxahaasi u cuskan karaan falalka noocan ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa goobta ka sheegay in gobolku abaabul weyn ka sameeyay la tacaalidda dadkii waxyeeloobay islamarkaana ay ku faraxsanyihiin sida bulshada Muqdisho uga qeybgaleen gurmadkii socday.

Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ugu dambeyn goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii geeriyooday waxa uuna u sheegay Al shabaab in waqtigoodii dhamaaday,sidoo kale Kheyre ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ku dadaali doonto sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen caruurta ay dhaleen waalidiintii halkaasi ku shahiiday.

Culimo owdiinka goobta ku sugnaa iyo ka qeyb galayaasha ayaa si guud ugu duceeyay dadkii ku dhintay qarixii Zope,iyagoo alle uga baryay argagaxisada inuu xaqqa garansiiyo islamarkaana dhibta ka dulqaado dadka Soomaaliyeed.

 

 

Bashiir Gaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...