Dowladda oo deeq dawo ah geysay Baydhabo iyo dhaawacyo lasoo wado.

Date:

Wasiirka tamarta iyo biyaha Soomaaliya Cabdi casiis Maxamed lafta gareen ayaa maanta deeq dawo ah oo uu ka qaaday magaalada Muqdisho gaarsiiyay cusbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo si loogula tacaalo dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo.

iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in sidoo kale Muqdisho loosoo qaado dhaawacyada daran si dibedda loogu qaado kuwa aadka u liito,sidoo kale waxaa xubnahan kormeerkooda ku wehliya madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Cusbitalka Baydhabo ayaa waxaa la geeyay in kabadan 42 ruux oo ku dhaawacmay qarixii shalay inkastoo qaar kamid ah uu xaalkoodu soo hagaagayo,sidoo kale weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday inkabadan 20 ruux sida la xaqiijiyay.

Bashiir Gaani.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...