Shiinaha oo dhisay Buundada dunida ugu dheer

Date:

(SNTV)…Dawladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay Buundada aduunka ugu dheer ee Badda laga sameeyo, taas oo gaaraysa 55-km.

Buundadan oo isku xirta Honkong iyo Zhuai-Macau waxaa loo isticmaalay farsamo cajiib ah marka la eego sida looga taxadaray inay ku dhacaan Maraakiibta Badda gooshaysa amaba ay hakiso Duulimaadka garoonka Hongong oo ay u dhawdahay.

Dhismaheeda waxaa la soo bilaabay 2009-kii, waxaana ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo Doller, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.

Madaxwaynaha Shiinaha oo buudadan furay waxa uu sheegay in ay calaamad u tahay horumarka ay ka sameeyeen dhismayaasha muhiimka ah, ayna xaqiijiyeen hadaf muddo la hiigsanayey.

Buundadan waxa ay 20-jeer ka dheertahay midda ku soo xigta ee San Francisco ee Golden Gate, waxaana ay 7-km hoos martaa Badda, iyadoo sii maraysa jasiirado lagu hakan karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...