Home Blog Page 1186

Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

0

Muqdisho(SNTV):–Iyadoo dalka Itoobiya ay ka socdaan rabshada u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa Qaraar ay soo saareen Golaha Deegaanka ee Magaalda Minneapolis ee Dalka Mareykanka, uuna ku saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, waxa uu ugu baaqay dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalkeeda, sidoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan Wadankaasi.

Cabdi Warsame oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis oo isagu qaraarkan horkeenay Golaha, ayaa u waramay VOA,wuxuuna sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa sii socoshada rabshadahaasi oo saameeyey wadanoolaanshiyaha bulshooyinka labada dhinac.

“Waxaan soo saarnay qaraar ku saabsan sidii loo joojin lahaa colaadaha udhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,kuwaasi oo in muddo ah u soo halgamayay in ay gaaraan hiigsigooda,hadda maadaama uu jiro isbedel siyaasadeed,hadana waxaa soo baxaya colaado ka dhacay deegaano ay kamid yihiin Mooyaale iyo meelo kale,marka qaraarkan waa uu gaari doonaan ra’iiusl wasaaraha Itoobiya iyo dowladda Mareykanaka,halkana mareykanka waxaa kunool Soomaali iyo Oramo oo wada nool oo wada dhaqmaya,marka waxaan rabnaa in raiiusl wasaaraha uu ogaado dareenkayna”. Ayuu yiri Cabdi Warsame.

Dhawaan Wafdi uu hoggaaminaya Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu 30ka bishan July booqasho ku tago magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykank,halkaasi oo uu ka socdo diyaar garow ku aadan soo dhaweyntiisa.

Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku noolyihiin Qurbbajoogta u badan ee labada qowmiyadood,taasi oo micnow weyn ku fadhisa marka loo fiiriyo booqashada raiisul wasaaraha.

Madaxweynaha Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Yoonis Cali Nuur.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed  Farmaajo ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allha Unaxariiste  Marxuum Yoonis Cali Nuur oo horay uga soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Warbaahinta BBC qeybteeda Soomaaliga.

“Waxaan tacsi u direynaa qoyska iyo qaraabada Marxuum Yoonis Cali Nuur. Yoonis wuxuu muddo dheer kasoo shaqeeyay iyo , wuxuuna ahaa khabiir dhanka saxaafadda ah oo tababaray wariyeyaal badan oo Soomaaliyeed. Eebe jannadii Firdawso haka waraabiyo”. ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartay bulshada ee Twitter Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdulaahi Maxammed Farmaajo.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Englad.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Kana War-bixiyay Natiijada Shirkii Lusaka

0

Muqdisho, July 20, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka war-bixiyay shir madaxeedka waddamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee lagu qabtay magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xubinnimmada Soomaaliya ee COMESA ay ka qeyb gaadaneyso dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta dalka, maal-gashiga, shaqo abuurka, dhismaha wadooyinka iyo warshadaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada oo dhan.

“Ku biiritaanka COMESA waa qeyb kamid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee hadafyada dawladdu ay leedahay oo ah dib ula fal-gelidda hey’adaha noo sahlaya in aan dib u dhisno dhaqaalaheenna. Waxa ay cadaynesyaa horumarka iyo tillaabooyinka mugga leh ee dalkeennu sameynayo in naloo ogolaado Suuq ay ka ganacsadasaan in ka badan konton milyan dad tiradoodu gaareyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxa aan aad ugu hambalyaynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada oo arintaani ay fursad siineyso. Marka ay ganacsatadu fursad helaan waxaa fursad helaya dalkaan sababta oo ah qof waliba oo ganacsada ah oo bilaaba ganacsi waxa uu shaqaalaysiinayaa dad Soomaaliyeed waxa uu bixinayaa canshuur, canshuurtaas waxaa lagu daboolayaa adeegyada ay u baahantahay bulshadu”, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay magaalada Lusaka ee dalka Zambia ku saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, waxa ayna Soomaaliya noqotay dalka 21-aad ee xubin ka noqda Suuqaas oo ay ka gacansato in ka badan 50 milyan oo dad ah.

 

—DHAMMAAD—-

Wariyihii caanka ahaa ee Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday magaalada London, iyo wasaarada warfaafinta somalia oo ka tacsiyadeysay.

0

 

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi wax badan kasoo shaqeyey warbaahinta Somalida,

Marxuumka ayaa muddooyinkaan ku xanuunsanaa Magaalada London ee dalka Britian halkaasoo ugu dambeyn xalay uu kugeeriyooday

Yoonis Cali Nuur waxa uu kasoo shaqeyey bari samaadkii radio muqdisho codka jamhuuriyada Somalia. Iyo Wakaalada wararka Qaranka ee SONN, waxana uu waayadan ka shaqeynayey idaacada BBc da laanteeda Afka somaliga.

Siciid Cali Muuse oo kamid ah rugcadaaga saxaafada ee Somalia  wax bandanna  ay islasoo shaqeyeen marxuumka oo uwaramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa shakhsi dabeecad leh, Af gaaban oo shaqadiisana ka adag.

“Muddo saddex sano ayaan wax wada baranaynay, Iskuulada Hoose ee Gebileey iyo Cadaadley ayuu iskuul ka dhigtay,  markii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu tegay Xamar oo uu ku ku biiray Xalane, halkaas ayaa laga qaatay oo uu ku biiray Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wakaaladda SONNA iyo Radio Muqdisho, waxaana uu qori jiray Wararka iyo Faalooyinka” ayuu yiri Saciid Cali Muuse.

“Runtii Yoonis wuxuu ahaa nin aad u dabeecad iyo Akhlaaq wanaagsan, Shaqadiisana kuwanaagsan oo ka adag  waxaad ka garaneysaa faalloyinka uu qori jiray ” Ayuu yiri

Yoonis waxa uu ahaa shaqada soo bilaabay 1983 di ayuu shaqada ka bilaabay idaacadda BBcda laanteeda Afka Soomaaliga, halkaasoo uu sidoo kale  kasoo ahaa Tababare saxaafadeed.

Allaha unaxariistee waxa uu ka tagay laba xaas iyo kudhaawad sideed carruur ah oo ay ukala dhaleen xaaskaas   oo ukala deganaa London iyo hargeysa.

Geeridiisa waxaa kanaxay dad badan oo somaliyed kuwaasoo Tacsi U diray Qoyskiisa, Eheladii iyo asaxaabtii uu ka tagay,

Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Somalia oo ugu horeeyo wasiirka warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaana kamid ah dadka Tacsida udiray marxuumka.

 

 

 

Guddiga Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa

0

Johannesbburg-(SNTV)-Wafdi ka socda guddiga taakuleynta iyo wacyigalinta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo ka koobnaa Saddax xubnood oo kala ah Duuliye Sare; Asli Xasan Cabaade, Wariye; Muno  Shukri Gaala Eri iyo Cabdulaahi Cali baar Xoosh ayaa gaaray Maagaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa.

Duuliye; Asli Xasan Cabaade oo la hadashay warbaahinta qarranka ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed masuuliyad weyn ay ka saaran tahay Taakuleynta Ciidankooda qaranka,wacyigalinta dadweynaha ay u yimaadeen dalkaan Koonfur Africa.

Wariye Muno Shukri Gaal Eri oo ka mid ah aheyd wariyayaashii hore ee soo maray telefishinka qaranka Soomaaliyeed hadana ka mid ah guddiga taakuleynta iy wacyigalinta ciidanka Qaranka oo dhankeeda warbaahinta la hadashay ayaa xustay in imaantinkooda dalkaan uu yahay baraarujinta bulshada si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo ay u dhameystiran yahay qalabkiisa.

Wafdigaan ayaa malmaha uu joogo magaalada Johannesburg ee dalkaan Koonfu Africa waxaa uu la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo sido kale kulan guud la qaadan doona  jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaan sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdilaahi Calibaar Xoosh oo guddiga ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee dalkaan Koonfur Africa ayaa waxaa ku nool Soomaalida badan oo ganacsto ah kuwaa oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib u dhiska dalka Maanta looga fadhiyo in ay qeyb ka noqdaan taakuleynta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Abdullahi Maxaamuud Amiin.

C/laahi Qorshe.

Johannesbburg-Koonfur Africa

Ku dhowaad 500 Soomaali ah oo loo cusbooneysiinayo sharcigii ay ku joogeen Maraykanka

USA-(SNTV)-Waaxda arrimaha gudaha iyo ammaanka Dalka Maraykanka (Homeland Security) ayaa Khamiistii Shalay ahayd sheegtay in ku dhawaad 500 oo Soomaali ah oo ka qaxday dhibaatooyinka argagaxisada iyo abaarta loo oggolaanayo inay ku sii joogaan Maraykanka illaa Bisha March ee Sanadda 2020-ka.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhoweeyay hay’adaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka, kuwaas oo waday olole ay Madaxweyne Trump iyo maamulkiisuba ugu dhaadhicinayaan in Dadkan loo cusbooneysiiyo sharciga ku meel gaarka ah ee TPS-ka loo yaqaan.

Dadka qaadanaya sharciga ku meel gaarka ah ayaa si weyn ugu riyaaqay go’aankan, waxanay qaarkood oo la hadlay Jariiradda The Guardian sheegeen iney dhibaatooyin fara badan kala kulmeen Kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay halkooda ku sugnaanayaan inta ay wax iska beddelayaan.

Soomaalida ku nool Dalka Maraykanka ayaa waxaa waayadii dambe soo food saartay caqabad ku saabsan joogista iyo qaadista Eheladooda ku xayiran Xeryaha Qaxootiga ee Bariga Afrika, markii uu saamayn ku yeeshay go’aankii uu Madaxweyne Trump ka qaatay soo galootiga.

Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden

0

Stockholm (SNTV), – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka BanaadirMudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee ka dhacay magaalada Brussels ayaa gaaray Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden, kadib, Casuumaad ay u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Stockholm ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo xusay inta uu joogo Sweden ay Jaaliyadaha iska wareysan doonaan horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taagto, gaar ahaan horumarrada ka jira Caasimadda dalka oo hadda dib-u-soo kabanaysa.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad noo sameyseen, inta aan halkaan joogno waan kala warqaadan doonnaa, maadaama aad tihiin bulsho laf-dhabar ah oo leh hal-abuur lagu horumarin karo dalka, magaalada Muqdisho-na ay ku jirto xilli soo kabasho ah fursaduhuna badan yihiin waa in dib loo soo laabtaa oo maalgashi laga sameeyaa Caasimadda, waana midda aan halkan u nimid sidii aan uga wada hadli lahayn.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay maadaama mas’uuliyiinta dawladda ay intooda badan ka yimaadaan qurbaha, isla markaana gurmadka dadka ay dhibaatadu gaarto had iyo jeer intiisa badan uu ku yimaado taageerrada qurbejoogta, sidaas daraadeedna ay muhiim u yihiin horu-socodka dalka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda.

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa safarka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax).

Guddiga Amniga Qaranka oo go’aanno ka soo saaray waddooyinka xiran ee caasimadda

0

Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay caawa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib  boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay  shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga  Qaranka ayaa  go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida  Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka,   iyo maamulka gobolka Benaadir in ay  dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, bacdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee  ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda A/Gudaha Koonfur Galbeed oo ka warbixisay qorshaha awood qaybsiga ee goleyaasha deegaanka ee Baydhaba.

19-Luulyo 2018, Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay wado sidii lagu soo gabo gabeeyn lahaa shirarka awood qaybsiga beelaha ee goleyaasha deegaanka degmada Baydhaba ee xarunta Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dibuheshiisiinta ee Koonfur Galbeed oo khadka telefoonka ugu waramayay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay habsami u socodka howlaha awood qaybsiga beelaha goleyaasha deegaanka ee degmada Baydhabo ee xarunta dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, isagoo xusay in maamulka uu kudhow yahay inuu dhammeystiro wejiga koowaad ee dhismaha goleyaasha deegaanka oo ay kamid yihiin Baydhabo iyo Baraawe.

Cumar Maxamed Macalim C/laahi ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ay gelisay juhdi si ay u hirgeliso dhismaha dhismaha goleyaasha deegaanka degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe isagoo sheegay in haatan socdaan howlaha awood qaybsiga goleyaasha deegaanka ee beelaha wada daga tuulooyinka hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed.

Mar uu ka hadlayay xiliga rasimiga ah ee lagu wado in lasoo afjaro shirarka dhismaha goleyaasha deegaanka,  Cumar Maxamed Macalim ayaa sheegay in Wasaaraddu qorshaynayso in ay soo afjarto dabayaaqadka bisha August waqtigaasi oo lagu wado in ay degmada Baydhabo yeelato gole deegaan oo ay dadku soo doorteen.

’’wejiga koowaad afardegmo ayay ahayd, waxa aan ku guuleeysanay labo degmo, labo degmo hadda ayaan gacanta ku haaynaa, sida Baydhabo iyo Baraawa”

Cumar Maxamed Mucalim ayaa yiri ” Waxaa noogu xigi doono wejiga labaad oo shan degmooyin noo qorshaysan Buur-hakaba, Waajid, Diinsoor, Wanla weyn iyo Qansax-dheere’’ Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa horey ugu guuleysatay dhismaha goleyaasha deegaanka ee demooyinka Xudur iyo Berdaale oo ka kala tirsan Bay iyo Bakool.

Dhismaha Gole deegaan ayaa ah gole loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaanka ay matalaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan soo celinta adeegyada aas aasiga u ah bulshadaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamul gobolleedyada iyo beesha caalamka ayaa si wadajir ah uga shaqeeynaya hirgelinta mashruuca Wadajir Frame work oo ah dhismaha goleyaasha deegaanka kaasi oo wejigiisa koowaad uu yahay mid ka kooban 26-degmo laga hirgeliyo gobollada dalka.

 

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika (COMESA)

0

Muqdisho, July 19, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi.

Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.

Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka.