Home Blog Page 1186

Dowladda Soomaaliya oo go’aanno ka soo saartay maraakiibta ganacsi ee dalka

0

Muqdisho-(SNTV)- Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay  wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

Wareegtada wasaaradda ka soo baxday ayaa u qornayd sidatan:-

“Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay, sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:-

1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed.

3-Markabkii/Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba.

4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka.

5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.”

Gabagabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta.

Dowlad gobaleedyada oo markale xisaab celin la weydiiyay

0

Muqdisho (SNTV)- War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Wasaaraddaha Maaliyadda ee dawlad goboleedyada dalka looga codsaday inay soo gudbiyaan dalabkooda ku aadan qeybta labaad ee lacagaha cusub, islamarkaana ay soo diraan Xisaabta celinta lacagahii hore.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle  ayaa sheegay in Bangiga aduunka uu soo fasaxay lacagaha kabka ah, waxaana dowlad goboleedyada uu ka codsaday soo gudbinta xisaab celinta iyo dalabka lacagaha kabka ah ee cusub.

Halkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Maaliyadda XFS

 

 

Maamulka Gobalka Banaadir oo amarro ka soo saaray dhismayaasha ku yaallo xeebta

0

Muqdisho, Oktoobar 24 2018— Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa amar ku bixiyey in Makhaayadaha iyo Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe .

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan aqbali karin wax walba oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Anshaxa Suuban ee Soomaaliyeed, goobtii ganacsi iyo ciddii arrintaa lagu helana laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

“Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”.

Eng. Yarisow ayaa xusay in marnaba aan la aqbali karin xadgubyo loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, arrintaas oo ah faldanbiyeed culus cid walba oo ku lug-yeelatana aysan ka fakan doonin Caddaaladda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka bulshada ku nool Caasimadda, isagoo faray hay’adaha Amniga in tallaabo ay ka qaadaan cid walba oo u hoggaansami weyda awaamiirta Maamulka.

“Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”.

Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi

0

Muqdisho (SNTV)-Guddiga loo xilsaaray soo-nooleynta Matxafka Qaranka ayaa maanta markii labaad booqday Matxafka oo qeyb ka ah dib-u-soo-nooleynta Magaaladda Dhaqanka ee Muqdisho (Mogadishu Cultural City) oo ka kooban Matxafka, Tiyaatarka iyo Maktabadda.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo Guddiga Guddoomiye u ah ayaa Waxaa Kormeerka ku wehlinayey Wasiirka Amniga Qaranka, Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Masuuliyiin kale oo Guddiga kamid ah, waxaana ay la kulmeen dadka degan Matxafka.

Guddiga ayaa Waxa ay dadka deggen Matxafka mar kale ugu celiyeen inay dhismaha ka guuraan ugu dambeyn 15-ka Nofembar 2018, si dib loogu dhiso Ololaha Is-xilqaan.

 

Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.

0

Muqdisho (SNTV)– Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Soolisaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa golaha faah faahin ka siiyay wax ka bedelka uu kusoo sameeyay Hindise sharciyeeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,wuxuuna guddiga golaha uu ka codsaday inuu hindise sharciyeedkaan uu ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa talooyinkooda ku biiriyay hindise sharciyeedkaan, Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda ku saabsan Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xigga.

Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa magaaladda Boosaaso oo ka wada hadlay Iskaashiga labada Magaalo

0

Muqdisho (SNTV)– Oktoobar 24 2018– Duqa magaaladda Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Boosaaso ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Boosaaso Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa ka guddoomay dhiggiisa magaalada Boosaaso martiqaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaasi oo Xarun u ah Gobolka Bari, isagoona dhankiisa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Ku-xiggeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

 

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

0

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray xarunta degmada Xamar weyne oo ay ku dhextaalo Maxkamada Degmada, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Maamulka iyo qeybaha bulshada, isagoo intaa kadibna Guddoomiyuhu xariga ka jaray Xafiisyada Maxkamada Degmada Xamarweyne oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyey.

Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegey dib u dayactirkan in lagu wada sameynayo qaar ka mid ah Maxkamadaha degmooyinka si loo dardargaliyo howlaha Garsoorka iyo Cadaalada.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku bogaadiyey Maamulka degmada Xamarweyne isku xirnaantooda, waxa uuna sheegay qorshahan inuu yahay mid looga hirgalinayo garsoor cadaalad ah degmooyinka Gobalka Banaadir sidii dadka ku dhaqani u heli lahaayeen.

Intaa kadib ayuu booqdey Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka xarunta saldhiga Degmada Hodan oo ay ciidamada Booliska qeybta Waliyow Cade kusoo dhaweeyeen Guddoomiyaha, wuxuuna xariga ka jaray dhismaha Maxkamada Degmada.

Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa ansixinta Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”

0

Muqdisho (SNTV);- Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 2-aad ku yeeshay xarunta Golaha ayaa waxay warbixin akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka kaga dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyees Cali Xasan.

Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Maalinta Axada ee soo socoto ayuu sheegay in Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaa Hindise sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka markaasi oo ay goob joog ka noqon doonaan Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in meel marinta sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu rajo wanaagsan ka muujinayo in maalinta axada xubnaha Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaan si loo dhaqan geliyo.

Sida uu qabo sharcigan, waxaa la dhisi doonaa hay’adda maareynta Kheyraadka Biyaha Qaranka oo mas’uul ka noqonaysa qorsheynta, maareynta, isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Waxaa uu sharcigu siinayaa awoodaha ay u baahan tahay si ay u fuliso waajibaadkeeda.

Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkan qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

Gudoomiye Tuulax: Suuqa Bakaaraha waa inay noqotaa goob burcadda ka caagan oo ganacsatada nabadgelyo ku shaqeystaan

0

Muqdisho (SNTV) Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed C/laahi Tuulax, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada Booliska ay ku soo qabteen laba ka mid ah rag Burcad ahaa oo dadka ku dhacaayay Suuqa Bakaaraha.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay, kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada inay ku guuleysteen soo qabashada labadan Burcadda ah.

“Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay laba ka mid ah dabley dhac ka geysanaayay gudaha suuqa bakaaraha.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay muhiim inay tahay Suuqa Bakaaraha inuu noqdo goob ka caagan Burcadda oo Bulshada si nabadgelyo leh ugu ganacsadaan.

“Suuqa Bakaaraha waa inuu noqdaa goob ganacsi oo si nabadgalya ah shacabku ugu ganacsadaan.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay kormeerka dhanka ammaanka ee lagu sameynaayo Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo maalin ka hor masuuliyiin uu horkacaayay Wasiir Ku xigeenka Amniga iyo Gudoomiye ku xigeenka ammaanka Gobolka Banaadir ay kormeer ku tageen Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dirirsan Gobalka Sool

0

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanada Dhumay,  Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda,wuxuuna tacsi u diray eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dagaaladaasi.

Senator Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in xilligan la daadiyo dhiig shacab badalkii nabada laga shaqeyn lahaa,wuxuuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka u joojiyaan,islamarkaana wax walba ku xaliyaan miiska wada hadalka.

“ Waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkii ku dhammaaday deegaanka Dhumay,waa nasiib daro in xilligan dagaal sokeeye oo dad walaalo ah u dhaxeeyo soo cusboonaado,waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka sare oo hadalkaan ka jeediyay shirka Guud ee Golaha Aqalka sare oo maanta ka dhacay xarunta Golaha.

Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda ayaa ugu Garaadada, Madax dhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Dowladda Federaalku ayaa waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.