Wasiiradda Arrimaha Dibeda Jabuuti iyo Yemen oo ka wada hadlay Xiriirka Labada Dal

Date:

SNTV-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Yeman Khalid Alyamani ayaa kulan kula qaatay magaalada Jabuuti dhigiisa dalkaasi Maxmuud Yuusuf,waxayna ka wada hadleen cilaaqaadka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa.

Waxay kaloo labada dhinac kulunkoodaasi iskula soo qaadeen suurta galnimada in guddi heer wasiir ah ee labada dhinac sida ugu dhaqsiiyaha badan ay u  kulmaan, waxaana arrinta loo xilsaaraay danjirayaasha labada dal u fadhiya Caasimadaha Cadan iyo Jabuuti si ay u soo diyaariyaan qodobada ay isla gorfeyn doonaan marka ay kulmaan Wasiiradaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti Maxamuud Yuusuf ayaa kulunkaasi uu la yeeshay dhigiisa Cadan uu ka sheegay inuu dalkiisu uu ku soo dhaweynayo dhamaan shacabka Yamaniyiinta ee ka soo barakacay dagaalada isla markaana ayan marti ka noqoneyn Jabuuti, balse uu yahay dalkooda labaad, wuxuuna intaa raaciyay in Jabuuti ay taageersan tahay Xukuumadda Yeman iyo sidii ay u soo ceshan laheyd qaranimadeeda taamka ah loona fulin lahaa qaraarkii Golaha amniga oo Tirsigiissu ahaa 2216.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Yeman Khalid Alyamani ayaa ka mahadceliyay mowqifka Dowladda jabuuti ee la xiriirta ee arrimaha dalka Yeman iyo dadaalka ay ku bixinayso nabad ku soo daabaalida gayigaasi mudada dheer ay ka socdeen dagaalada sokeeye oo sababay barakac iyo burbur xooggan oo soo gaara kaabayaasha dhaqaalaha daalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...