Australia oo cunaqabateyn saartay 5-Jeneral oo Myanmar ah

Date:

(SNTV)…Xukuumadda dalka Australia ayaa manta oo Talaado ah soo bandhigtay cunaqabateyn dhan ka ah 5-sarkaal oo Myanmar ah oo awood ku lahaa ciidamada Mileteriga,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay daawanayeen xasuuqii loo geystay muslimiinta Rohingya.

Tallaabadaan ayaa daba joogta ama la mid ah cnaqabateynta ay horay u soo rogeen Mareykanka,Midowga Yurub,waxaana dalka Australia uu shaaca ka qaaday in la fariisinaayo hantida saraakiishaasi oo uu ku jiro Sareeye Gaas oo ahaa taliyihii hogaaminaayey xasuuqii cadowtinimo ee lagula kacay muslimiinta  Rohingya .

Wasiirka Arimaha Dibadda Australia Marise Payne ayaa sheegay in saraakiishaasi oo kala ah – Aung Kyaw Zaw, Maung Maung Soe, Aung Aung, Than Oo, and Khin Maung Soe –ay masuul ka ahaayeen rabshadihii biniaadanimo ee loo geystay muslimiinta Barma.

Saraakiishaasi oo qaarkood ay iska casileen xilalkii ay haayeen ,haddana waxaa laga mamnuucay in ay u safraan dalka Australia .

Laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii  illaa 7-boqol oo kun oo Rohingya ah ayaa ka barakacay gobolka Rakhine oo dhaca K/Galbeed ee dalka Myanmar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...