Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeyb galay Jabuuti

Date:

(SNTV)..Wadanka Jabuuti ayaa lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayo sidii wadamada Afrika uga faaโ€™iidaysan lahaayeen Tamarta dabiiciga ah sida dabeysha iyo cadceeda, waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay shirkan iyo Muhiimadda uu Soomaaliya ulahaa.

โ€œShirkan wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, waxaad moodaa shirka inuu anaga naga hadlaayay sababtoo ah waxaan hodan ku nahay Dabeysha iyo Cadceeda, waxyaabo fiican ayaana kasoo baxay, Dalkeena Tamar ayuu u baahan yahay hadii aanan la helin shaqo laโ€™aanta lagama baxaayo Horumar balaaran la sameynaayoโ€.ayuu yiri Wasiirka.

Adeegga Korontada oo ah wali mid qaali ah kuna tiirsan Shidaalka ayaa caqabad ku noqon kara warshadaynta oo u baahan xoog koronto oo badan, waxaana dawladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynaysaa sidii loo samayn lahaa Koronto la awoodi karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...