Home Blog Page 1175

Ra’iisalwasaare umushay, kadibna shaqadeeda dib ugusoo laabatay.

0

Muqdisho 2da August 2018 (SNTV):-Waa dhif iyo lnaadir in la arko haweeney uur qaaddo oo hadana dhasha iyadoo heysa jagada ugu sareysa wadanka, laakiin arintaas waxay kudhacday haweeneyda madaxda ka ah wadanka wasaaraha New Zealand.

Jacinda Ardern Ra’iisul wasaaraha New Zealand  ayaa dib xafiiska ugusoo laabatay ka dib markii muddo kudhow laba bilood ay kumaqneyd fasixii umusha, waxana ay dhashay gabadheeda ugu horeysa ee curada oo ay ubixisay Neve Gayford,

Waxaana horaantii todobaadkan ay  kasoo muuqatay Facebookeeda kaasoo ay kaga warameyso nolosha hooyanimada.

” shaqada ayaan  si toos ah ugu laabanayaa marka aan fasaxa soo dhameysto” ayay ku tiri muuqaalka ay soo dhigtay facebooka.

21 ayay bishii lixaad ee june ayey  umushay  gabadheeda  Neve Gayford,

Ra’iisulwasaare  Jacinda Ardern  ayaa la sheegay in intii ay fasaxa umusha kujirtay ay la socotay sida ay u socoto shaqada xafiiska iyadoo talooyinna siineysay masuuliyiinta dowlada

“Ma ihi qoftii ugu horeeyey ee shaqooyin  badan isku qabata, mana ihi haweenaydii ugu horaysay ee shaqaysa iyadoo ilmo haysata, wayna jiraan dumar badan oo sideyda oo kale ah” ayey tiri

Haweeneydan oo da’deedu ay tahay 38 jir ayaa la doortay bishii Ocktober ee sanadkii lasoo dhaafay Waana  Ra’iisulwasaarihii ugu da’yarayd dalkaas intii xil kasoo qabatay tan iyo 1956 kii

Dad badan ayaa aaminsan inay adagtahay in haweenku ay  isku wadan karin  shaqada hooyanimada iyo tan xafiiska,  sababtuna waxa  ay tahay  dumarka oo ah  warshad soo saareysa ubad, si aysan udayacminna loobaahanyahay inay lajoogaan carruurta inta ay ka kobcayaan.

.

 

Guddi joogteeyaa habsami u socodka arrimaha Xajka iyo adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed oo la magacaabay

0

Muqdisho(SNTV);- War saxaafadeed ka soo Baxay Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka JFS ayaa lagu Magacaabay Guddi kor-joogteyn doona habsami-u -socodka Arrimaha Xajka iyo adeegyada Xujeyda.

Ka dib kullan,Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku magacaabeen Guddi ka shaqeynaya fududeynta adeegyada Xajka ee Xujeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin.

Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ku wargelisay dardar gelinta habsame u socodka arrimaha Xajka si looga baaqdsado dib u dhac ku yimaada arrimaha Xujeyda maadama waqtiga ciriiri uu yahay.

Ugu danbeyntii,Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay suurta gelinta arrimaha Xajka ee sanadkaan.

        Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Duqa Muqdisho “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka”

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayey muuqaal baahiye Cusub oo kusoo biiray Telefashinada dalka ka jira,  ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed maalgashiga mugga weyn ee ay ku sameynayaan Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xarumaha warbaahinta ee ku soo kordhaya Gobolka Banaadir ay markhaati muuqda u yihiin hannaanka dimquraadiyadda iyo xuriyatul qowlka ee ka jira Gobolka.

“Saxaafaddu waa indhaha bulshada, waxaa waajib ku ah in ay mudnaanta siiyaan soo gudbinta baahiyaha iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshadu, iyadoo maanka lagu hayo ilaalinta midnimada, wada jirka iyo xasilloonida shacabka, maadaama magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka.”

Guddoomiye Yarisow ayaa kula dardaarmay warbaahinta ka hawl gasha Gobolka Banaadir in ay dadaal dheer geliyaan faafreebka iyo turxaan bixinta xogta ay u gudbinayaan bulshada, iyadoona laga fogaanayo baahinta macluumaadka aan xaqiiqada ku saleysnayn.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si buuxda u damaanad qaadaya ilaalinta xornimada saxaafadda annagoo ka duuleyna xuquuqda dastuuriga ah iyo sharciyada dalka u dagsan, waxaana naga go’an in aan kor u qaadno tayada suxuufiyiinta si Ay u tabiyaan Warar iyo Barnaamijyo la hubiyey xaqiiqda dhabta ah” Ayuu yiri Eng.Yarisow

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo qabtay Nin dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood

0

Muqdisho (SNTV), Hoggaanka Baarista Dambiyada C.I.D  ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa Magaaladda Muqdisho ku qabtay Gacan ku dhiigle dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii la helay Xogta gacan ku dhiiglahaan oo ku dhuumanyey qeybo ka mid ah Caasimada dalka.

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qofka dilka geeystay lagu Magacaabo Axmed Cabdi Jaamac, uuna dilka u geeystay Marxuum Sharmaarke Maxamed Cabdi Shire, waxaana uu xusay in gacan ku dhiiglaha uu kasoo baxsaday Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Waxaan ku guuleysanay in lasoo qabto Gacan ku dhiiglihii isaggoo ku dhuumaaleysanayo Magaaladda Muqdisho, hadda waxuu ku xiran yahay Xarunta C.I.D” ayuu yiri Gen. Bishaar

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in laga gudbay Waqtigii Dambiile dambi kasoo galay Gobolada dalka uu ku dhuunto dalka gudahiisa.

“Waa laga gudbay Xilligii Dambiile intuu dambe ka galo Gobolada iyo degmooyinka dalka uu meel kale ku dhuunto, waxaan idin sheegayaa 15 Bishii July inuu dilka geeystay Gacan ku dhiiglahaan, waxaana qabanay 28-ka July” ayuu mar kale yiri Gen. Bishaar Abshir Geeddi.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday laba horjooge oo Daacish ah (Dhageyso)

Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin   oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka  mid ahaanshiyaha Malleeshiyada Al-Shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA DARAJADA KOOWEED EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.

 

Qarax goordhaweyd kadhacay Magaalada buuhoodle.

0

Hal qof ayaa kudhintay laba kalena  way kudhaawacmeen qarax goordhaweyt kadhacay magaalaa buuhoodle ee gobolka cayn.

Sida dad goobjoogayaal ay warabaahinta qaranka usheegeen, Qaraxa  waxaa geystay qof isasoo miidaamiyey kaasoo beegsaday gaari ay saarneeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ee degmada buuhoodle.

Dadka kudhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay ispitaalka degmada buuhoodle.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo uwaramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qaraxa ay ka argagaxeen, maadaama aysan ubaran dhawaaqa qaraxyada.

Majirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxa kadhacay magaalada buuhoodle, waana markii ugu marki ugu horeysay uu qaraxa sidaan oo kale  kadhaco magaaladaas.

Xisbiga Zanu PF ee Dalka Zimbabwe oo ku guuleystay doorashadii kadhacday dalkaas

0

Harare Arbaca  August (SNTV):-  Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe ee  Zanu-Pv,ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamaan ee ka dhacaya dalka Zimbabwe.

Xisbigaasi ayaa helay 109 kursi ,taasoo caddeyneysa in  ay heysataan aqlabiyad sida laga soo xigtay guddigga doorashooyinka dalkaasi.

Xisbiga kale ee  mucaaradka ee dhaqdhaqaaqa Isbadalka Dimoqraadiga (Movement for Democratic Change (MDC),ayaa helay 41-kursi,halka aan weli la shaacin 58-kursi,sida ay wariyeen guddigga doorashooyinka.

Tartanka doorashada dalka Zimbabwe ayaa bilaabatay maaliimadii Isninta ,waana marki ugu horeysay, muddp dheer oo uu xilka dalkaasi hayey  Madaxweyne Robert Mugabe,kadib

AMISOM oo ciidamo kala baxaysa Soomaaliya

0

Muqdisho Arbaca August 1da 2018 (SNTV):- 160 xubnood oo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya Todobaadkan sii dhammaanaya,ka dib markii ay dhammaysteen waajibaadkooda howlgalka Soomaaliya.

Askartan ayaa dhammaantood kasoo jeedda Dalka Yugaandha oo qayb ka ah nabad ilaalinta AMISOM, kuwaasoo Soomaaliya u joogay howlo isugu jira tababar iyo tayaynta hoggaanka Saraakiisha Booliska Soomaaliya.

Yugaandha ayaa ah Dowladdii ugu horreeysay ee ka jawaabtay baahiyaha tababarrada Booliska Soomaaliya Sanaddii 2012-kii, ayadoo wixii xilligaa ka dambeeyay Gacan ka geysanaysay taageerada iyo dhiirri gelinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Xaflad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiinayay Arday Ka Qalin-jebisay Jaamacadda PSU

0

Garowe, August 1, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee jaamacadda Puntland (PSU) ayaa ku dhiirri geliyay qalin-jebiyaasha in aqoontooda ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta ardayda, dawlad gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha jaamacadda isaga oo sheegay in maanta ay tahay maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

“Idinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waalidiintii idinku soo dadaalayna waan u mahadcelinayaa. Maanta waxa ay idiin tahay maalin wayn, Soomaaliyana maalin weyn ayey u tahay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qalin-jebiyaaha in Soomaaliya ay dhibaata badan soo martay hase yeeshee ay soo kabaneyso oo ay haysato dariiqa rasmiga ah ee horumarka una baahantahay aqoonyahanno habeen iyo maalin usoo jeeda horumarinta dalka si Soomaaliya ay ula tartanto aduunyada inteeda kale.

Aqoonyahannada maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xasuusiyay in ay u qalin-jebiyeen dal ay qabyaaladu ka xoog badantahay qarannimada, musuq-maasuquna uu nolasha caadiga ah kamid noqday, sidaa darteed laga sugayo in ay u fakaraan qaabka ay u fakaraan ummadaha tartanku kala dhexeeyo, una shaqeeyaan si aan caadi ahayn si loo hagaajinayo, loona jeexo dariiqa wanaagsn ee mustaqbalka ummadda iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u rejeeyay qalin-jebiyaasha in shahaadooyinka ay qaateen maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudantahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada dunida, waxa uuna kula dardaarmay in aqoontooda sii kordhiyaan maadaama ummaduhu ay u kala fursad wanaagsanyihiin sida ay u kala aqoon badanyihiin.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ku khaarijiyay maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal katirsan Kooxda nabad diidka ee Al-Shabaab. “Sawirro”

0

01, Aug, 2018, Muqdisho (SNTV) Ciidamada  Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Maamul gobolleedka Jubbalandd oo qaaday howlgallo kadhan ah Xarumaha iyo saldhigyada maleeshiyaadka daacadda u ah nabad diidka Al-shabaab ee gobolkaasi Jubada Hoose halkaasi oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku guulleysteen in ay burburiyaan xarumihii ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeshiyaadka Al-shabaaab.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Draawiishta ayaa ka fulliyay deegaanka Buulo-Xaajo oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta maamul gobolleedka Jubaland halkaasi oo lagu soo waramayo in ay ku khaarijiyeen ugu yaraan 7-isagu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyaad kuwaasi oo daacad u ah Kooxda Arxanka daran ee Nabad diidka AL-shabaab.

Korneel Cali Goosaar oo kamid ah saraakiisha  hogaaminaysay howl galkan ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ayaa ugu waramay Warbaahinta qaranka guulaha ay ka gaareen howlgalka ka dhanka ahaa Al-shabaab.

“Waxaa gutada 1-aad ee Darwiishta ay burburisay saldhig cadowga uu ku lahaa Buula Xaaji,meydadka ad arkaysaan waa taliyahooda saldhig iyo guddoomiyahoodii tuuladda, anaga wax khasaare ah nama soo gaarin al-xamdulilaah,dhimashadooda waa todobo, si nabad ah ayaa howshu ku fushay”. Ayuu yiri Col. Cali Goosaas.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa ah kuwa awooddii la wiiqay kadib markii ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii xoojiyeen beegsiga lagu hayo maleshiyada Alshabaab, gaar ahaan qeybo kamid ah gobolada Dalka.