Golaha dhaqaalaha oo Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika  iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.

Faahfaahin Saxaaafadeed

Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan ayaa xubno ka ah golaha dhaqaaaha qaranka, waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale-yahan oo aan Soomaali aheyn.

Shanta Xubnood ee Soomaalida ah

Dr. Ali Issa Abdi Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare

Dr Aues Scek waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda, waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha, Waxa uuna la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. UNDP ayuu kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta.

Dr. Hussein Warsame waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka.

Hussein M Siad waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP.

Sakhawadin Mustafa Mohamed waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha.

Xubnaha aan Soomaalida ahayn ee la shaqeeya Golaha dhaqaalaha Qaranka

Dr. Abdalla A. HAMDOK waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waxa uu khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah.

Dr. Peter J. Middlebrook waa dhaqaale-yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar.

Dr. Edward Sambili waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu in ka badan 33 sano oo khibrada ah u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018.

Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...