Argagixisada Waa dilaa aan cidna dhaafayn

Date:

MUQDISHO( SNTV)- Al-shabaab waa Koox Argagixiso ah barnaamijkooduna yahay inay tarjumaad qaldan ka bixiyaan ama inxiraafiyaan Diinta Islmaamka ,waxayna xaabo ka dhigtaan qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aan helin fursadda waxbarashada, dad waawayn oo marin habaawsan iyo qaar kale oo nolosha ka dhacay.

Naxariis darada kooxdaan waxaa daliil u ah beegsiga dadka Bir-magaydada ah sida Caruurta, Hooyooyinka iyo dadka wax tarka u ah Bulshada Soomaaliyeed, taasoo ku tusayso dhagarta kooxda la maagantahay Umadda Soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqamada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah.Shareecada Islaamku way xarrintay in la daadiyo dhiigga qof ama dad aan waxba galabsan, waxaana Ilaahay ugu gooddiyay qofkii si xaqdarro ah ku daadiya dhiigga muslinka in uu gelinayo Naartiisa uuna ku waarayo,Caro Ilaahay,,Lacnad iyo Cadaab wayn.

Nabigeenna NNKH waxa uu yiri” Dunida oo suusha ama baaba’da ayaa ilaahay uga fudud in qof muslim ah dhiiggiis xaq darro loo daadiyo.

Waxaa Nasiib darro ah maleeshiyaadka Shabaab fahamkooda,Fikirkooda iyo Ficilkooda qalloocan dartii waxay bannaysteen dhiigga dadka  aan waxba galabsan oo ay si joogto ah u daadinayaan, iyagoo hadana ku faanaya  gumaadka dadka shacbiga sida dhacdadii shalay ka dhacday Muqdisho oo Alshabaab ay ku laayeen dadka rayidka oo ku gada jiray baadigoobka iyo xasilinta nolol maalmeedkooda.

Diinteena suuban ee islmaamka ayaa meel sare gaarsiisay ilaalinta nafta, maalka iyo sharafta Qofka Muslimka, waxaana taasi badalkeeda Al-Shabaab ay caadaysteen inay si toos ah ugu xadgudaan waxkasta oo diinta islmaanka ay ilaalisay.

Alle wuxuu Quraankiisa noogu sheegay qofkii si bareer u dila qof Muslim ah, in abaal marintiisu tahay Naarta Jahanamo, isagoo ku waaraya, taas oo ay u dheer tahay carada Alle iyo inay ku dhacdo Nacladda Alle.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal badan galisay ka hortagga Falalka Argagixiso ee Kooxdaan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in loo midoobo la dagaalanka Argagixisada.

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin la dagaalanka Alshabaab balse waxaa lagama maarmaan ah hirgalinta istiraatiijiyad lagu hagayo dagaalka ka dhanka ah Kooxdan hororka ah taasoo aan is leeyahay waxay sahleysaa isku xirnaanta Dowladda iyo Shacabka taasi oo horseedi doonta in kooxdaan arxanlaawayaasha ah dalka laga sifeeyo.

Alshabaab ayaa Ganacsatada meelaha ay ka taliyaan iyo meelaha kale ka qaado lacago baad ah, iyagoo ku sheegaya inay bad-baadinyaan Naftooda iyo Maalkooda balse taas ayaa  waxba kama jiraan ah sababta oo ah Kooxdani waxay ka been sheegatay Alle Diintiisa, waxay banaysatay dhiigii Alle xarimay ee muslimka hadaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay Al shabaab badbaadinta dadka ma waxay u yaqaanaan xasuuqa  shacabka aan waxba galabsan oo ay sida joogtada ah u gumaadayaan.

Hadafka kooxdan argagisxisada ah waa xasuuqa shacbga soomaaliyeed, waxaana bartilmaameed u ah qof walba oo aan iyaga ka tirsanayn , islamarkaana aan aaminsanayan afkaartooda gurracan, sidaa darted Al- Shabaab waa dilaa aan cidna dhaafayn.

SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...