Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay Shirka Maayarada Dalalka Islaamka oo Jabuuti ka furmay

Date:

Jabuuti (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka, iyadoo furitaankiisa uu khubad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Duqa Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti martiqaadka iyo soo dhaweynta walaaltinimo.

“Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah .”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa casuumaad rasmi ah ugu fidiyey magaalada Muqdisho dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuti Maxamed Cali Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogtaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...