Home Blog Page 1174

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo tababar u qabatay Ururrada Dhalinyarada

0

Muqdisho, Khamiis 11, Oct 2018 (SNTV)-Wasaaradda Dhallinyaradda iyo ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta tababar u furtay xubno mid ah Ururrada Dhalin-yarada iyo kuwa wax ka barta Jaamacadaha Dalka.

Ujeedada tababarkan ayaa ahaa wacyi galin ku saabsan mideynta afkaarta Dhallin-yarada iyo inay wasaaraddu faah-faahinno ka siiso siyaasadda Qaran ee ay wasaraddu dhameystirtay isla markaana ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaraha Soomaaliya, Isaaq Xaashi Jimcaale oo tababarkan u daah-furay Dhallinyarada ayaa sheegay in ay wasaaraddu la wadaageyso Dhallinyarada qorshaha Qaran ee Wasaaradda ee ay Bishii September 2017-kii ansixiyeen Golaha Wasiirarrada.

“Ujeedka Siminaarkan waa sidii Ururrada Dhallinyarada ay fikir iyo aragti uga dhiiban lahaayeen qormada siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada Soomaaliyeed ee ay diyaarisay Wasaraada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ay Bishii Septembar ee Sanadkii 2017-kii ansixiyeen Golaha Wasiirrada, haddana waxyaabihii aad ku talisaan dib in loogu laabto ee aad aqoontiina ku baartaan aanu dib u badali doono” ayuu yiri IsaaqXaashi.

Sida ku cad xog uruurin la sameeyey Sanadkii 2014-kii Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay in ay Bulshada ka yihiin 75%, kuwaas oo ay da’doodu ka yar tahay 30 Sano,waxanay taasi ka dhigan tahay in sibeddelka Dalku uu ku xiran yahay hadsa sida loo jiheeyo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

0

Muqdisho, Khamiis 11, 2018 (SNTV) Kormeer  uu Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ku tagay xarunta Degmadda Hiliwaa, Saldhigga Booliska, iyo fariisimaha Ciidamada Booliska ee heeganka ku jira wuxu u jeedkiisu ahaa sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda Amni iyo sida ay iskula shaqeeyaan Shacabka iyo Ciidamada Amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo xaruunta Degmadda kusoo dhaweeyay gudoomiye ku-xigeenka ayaa uga warbixiyey xaaladaha guud ee degmadda iyo qaabka ay Ciidamadu u sugayaan Amaanka Shacabka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax Gudoomiye ku-xigenka Amniga iyo Siyaasadda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kormeerkaan uu qeyb ka yahay kor joogteynta xaaladda isagoo maamulka Degmadda iyo Ciidamada Amniga kula dardaarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si shacabka Soomaaliyeed ay u heleen Amni.

“Waxaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku amaaneynaa Shaqadda adag oo ay hayaan waxaana rabnaa inay sii-labo jibaaraan arrintan markasta Ciidanku waa harka shacabk”

Gudoomiye ku-xigeenka iyo Saraaikiisha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay isgoosyada Baar-ubax iyo Cali kamiin waxeyna halkaasi kula kulmeen dad shacab ah oo xilligaasi ku sugnaa Goobahooda Ganacsi iyagoo ka xogwareystay xaalada Amniga iyo hadii ay jiraan caqabado ay la kulmaan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa wada howlgalo lagu dar dargelinayo Amniga Caasimadda waxaana dhawaan qorshuhu yahay in la kordhiyo  ciidamadda Booliska ah ee howlgaladda wada kuwaas oo qeyb ka noqon doono Qorsha Amniga Caasimadda.

Wasiirka Ganacsiga xukuumada soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka turkiga

0

Istanbul (SNTV)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga

0

Riyadh(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa Shirka labaad ee Afrika iyo Turkiga

0

Istanbul (SONNA)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

SAWIRRO.Xildhibaano dhiiri gelin ugu tagey dad iskood ula dagaalamay Shabaab.

0

Dhowr mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho dhiirigelin ah ku tagey islamarkaana deeq raashin ah gaarsiiyay dadka deegaanka Guullane oo si iskood ah isku abaabulay islamarkaana dagaal kala soo hor jeeda maleeshiyada Shabaab oo ay dhowr dagaal la galeen.

Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca ciidamada deegaanka ee is abaabulay ayaa xubnahan warbixin ka siiyay dagaaladii ay la galeen Argagaxisada iyo sida uu abaabulkoodu ku bilowday.

Xubnahan ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ballan qaaday iney ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada iyagoo ku dhiiri geliyay ineysan ka niyad jebin sii wadistiisa,sida uu sheegay Cusmaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha gaadiidka Badda ee Hirshabeelle.

Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka mid ah xubnaha deeqdan raashinka ah gaarsiiyay ayaa sheegay in dowladda federaalku gacan ku siin doonto sidii ay kooxaha argagaxisada ah uga xoreyn lahaayeen dhamaan deegaanada u dhow degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo isna goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay isku day loo baahnaa oo waqtigiisa kusoo beegmay waxa uuna xusay in dagaalkan uu gaari doono ilaa gobolka Mudug qeybaha ay Al Shabaab ka joogaan.

Dadkan oo xoolo dhaqato u badan ayaa bilaabay abaabulkan kadib markii ay Shabaab joogteeyeen xoolo boobid iyo cadaadis joogto ah iyadoo xiisado arintaasi ka dhashay lagu dilay dhowr iyo toban katirsan maleeshiyada Shabaab.

 

Qore.Bashiir Gaani.

 

 

Deeq loo qeybiyay dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool Muqdisho.

0

in kabadan 130 ruux oo ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka faa,iideystay deeq isugu jirta ulaha ay adeegsadaan dadka aan indhaha wax ka arag,biraha ay ku socdaan dadka naafada ah iyo kuraas,kuwaas oo ay soo dhiibeen muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga oo ku midoobey hay,ad lagu magacaabo Igel oo ka dhisan dalka Switzerland.

deeqdan ayaa waxaa dadka u qeybiyay safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar oo wakiil ka ahaa hay,adda deeqdan bixisay waxaana googjoog ka ahaa halka lagu qeybiyay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyay dadkii soo dhiibay iyo walaalaha Turkiga  oo mar weliba garab taagan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka gargaarka iyo horumarintaba.

Qore.Bashiir Gaani

a’iisul Wasaare Khayre oo kulan la Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

0

Riyaadh October 10 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Sacuudiga Mudane Saalim Macow Xaaji

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Ciidammada Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

“Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen deegaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobalka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay Nabad diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”.

Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Argagaxisada Al shabaab oo ka cararay goobaha ay Ciidammada gaareen.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool deegaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab.

“Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo Kaashanaya Dowladaha Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa Howlgalo joogto ka wada guud ahaan dalka, waxaana lagu burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Weeraro ay shacabka ku dhibaateeyaan, sidoo kale waxay Ciidammada la wareegeen deegaano dhowr ah, iyagoona dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyo badan oo Nabad diidka ka mid ahaa.

Duqa Muqdisho “Waa in loo midoobaa dagaalka Argagixisada iyadoo maskaxdeena ay weli ka guuxeyso falkii argagaxisada ahaa ee 14 kii Octoober”

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017.

“14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.”

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii waxashnimo ee dhacay 14-kii Octoober inuu mideeyey quluubta Shacabka Soomaaliyeed.