Dr Cabdinaasir oo u adeegayey Bulshada waxa uu ku baxay Gacanta Al-shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV) Dr. Cabdinaasir Xasan Faarax wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo xilliyo adag dalkaan wax ku soo bartay, wuxuu bartay cilmiga caafimaadka si uu ugu adeego shacabkiisa.

Wuxuu ka baxay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho dhowaan, wuxuuna billaabay shaqadiisii ugu horaysay oo uu doonayay inuu ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa.

Dr. Cabdinaasir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku kalsoon Aqoontiisa, sidoo kalana doonayay inuu u adeego shacabkiisa

Dr. Cabdinaasir Xasan wuxuu ka shaqaynayay Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho si ay dadkiisa caafimaad wanaagsan u helaan, oo ay ugu nacfiyaan cilmiga uu soo bartay, laakiin taasi waxaa soo gaba gabeeyay Argagixisada Al-Shabaab oo dad badan oo uu ka mid ahaa Dr. Cabdinaasir ku holciyay wadada Number Afar ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa bildhalatay oo qoyska reer Xasan Faarax u soo baxday, wuxuu si gaar ah gacanta ugu haayay Hooyadiis oo mudo dheer xanuunsan, taasoo haatan xaaladeeda caafimaad ay ka sii dartay markii ay maqashay geerida wiilkeeda Dr. Cabdinaasir.

Marka laga soo tago Dr. Cabdinaasir waxaa kale oo jira dad badan oo isugu jira dhlinyaro iyo aqoonyahano oo Argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen qaraxyadii ay ka gaysteen wadada horumarta hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...