Home Blog Page 1176

Kusimaha madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyey qaraxyadii bahalnimada ahaa

Muqdisho (SNTV)- Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi  ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxdan ay caadeysatay dhiiga Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan,wuxuuna tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadkan ay maanta dadka Shacabka ah ku xasuuqeen ayna kooxdan geysteen iyadoo ay tahay maalin jimcaha kana duwan maalmaha kale ee Alle sidoo kalena ah maalin ciideed.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah ,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto si loo cirib tiro maadaamaa hadaba ay naf lacaari yihiin.

“Waxay dad Shacab ah  qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah”  Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada Ammaanka oo toogtay maleeshiyadkii weeraray Hotel Saxafi

0

Muqdisho (SNTV)- Ciidamad Ammaanka ayaa ku guuleystay inay toogtaan dhagarqabayaashii weeraka soo qaaday  ee doonayay inay galaan gudaha Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay wadada hor marta Hotel Saxafi, halkaasi oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 10 ruux oo shaca ah, kuwaasi oo qaarkood marayay wadada halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

Maleeshiyaadka ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa markii ay qaraxyada dhaceen kaddib isku dayay inay gudaha u galaan Hotel Saxafi balse ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble.

Daawo Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha  Gobalka Banaadir Eng. Yariisow ayaa  marti ku ah.

Tabiye – Faysal Muuse

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhow gaaray Ethiopia

0

Muqdisho-(SNTV)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Gondar, halkaas oo ay ugu sii gudbi doonaan Magaalada Bahr Dar ee isla Dalka Ethiopia.

Mudane, Farmaajo, ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr Cabdi, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.

Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.

Diyaaradda Ethipian Airways oo soo Caga dhigatay Garoonka Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 Sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways.

Waxaa haatan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soconaysa munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo imatinka Diyaaraddan.

Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee  Aaden Cadde International Airpot Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga Duullimaadyada Caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka Caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Bulshada Dayniile ku boggaadiyey dadaalladooda Nabadda iyo Is-dhexgalka.

0

Muqdisho (SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Amniga Caasimadda ee soo hagaagaya uu ku yimid dadaalka iyo naf-huridda Ciidanka Amniga iyo garab-istaagga shacabka, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshadu in ay sii wadaan dadaalkooda si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galayay isku-imaad lagu taageerayay barnaamijka Is-xilqaan iyo horumarrada dhinacyada Amniga iyo Dariseynta, ayaa ugu baaqay bulshada Dayniile in ay gacmahooda ku dhistaan degmadooda, maamulkiisuna uu garab taagan yahay.

“Shacabka Dayniile waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda, ma jiro qof kale oo inta bannaanka idiinka yimaada adeegga iyo horumarkaa u baahan tihiin idiin keenaya, waa idinka cidda laga sugayo wax walba oo Dayniile u baahan tahay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka, qaar kamid ah maamullada Degmooyinka, Fannaaniin iyo qeybaha bulshada ee Degmada Dayniile.

Dowladda Turkiya oo Gacan ka Gaysanaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Badda Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):–Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo ay kamid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadalladaas ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga oo kormeeray Xarunta tababarada ee Turkisom

0

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo dhiggiisa Dalka Turkiga oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha gaashandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,Taliyaha Ciidamada Turkiga iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta kormeerayay Xarunta tababarada ee Turkisom.

Masuuliyiintaan ayaa Si wadajir ah mid mid u kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee xerada ka kooban tahay,iyagoo si gaar ah u kormeeray fasalada wax lagu baro Askarta iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa sheegay in ujeedka Booqashada wasiirka difaaca Dalka Turkiga ee uu maanta ku tagay ay tahay ka warqabadi tababarada ciidanka xoogga dalka iyo kaalinta ay Turkiga ka qaadaneyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashandhigga XFS Xasan Ali Maxamed Amar dambe ayaa sheegay in dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka ay dowlada Turkiga ka qaadaneyso kaalin muhiim.

Wasiir Amar Dambe ayaa Sidoo kale sheegay in dhigiisa Turkiga uu kala hadlay dardargalinta iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Wasiirka Difaaca Dalka Turkiga Mudane Hulusi Akar ayaa dhankiisa tilmaamay Sida ay dowlada Turkiga ugu go an tahay dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, isagoona tilmaamay in dhamaan xerooyinka Ciidamada Xoogga dalka ay dhawaan ku sameynayaan dib u dayactir.

Wafdiga Wasiirka gaashandhigga Dalka Turkiga ayaa maanta galinkii dambe ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxbarashada XFS oo madax ka tirsan UNICEF kala hadlay horumarinta waxbarashada

0

Muqdisho (SNTV)-:-Wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.

Labada dhinac ayaa  ka wada hadlay mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka.

Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in warbixin uu ka siiyay xubnahan ka socday UNICEF xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub.

“Waxaan ka wada hadalnay  mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka,waxaan warbixin ka siiyay xaaladda guud ee waxbarashada dalka gaar ahaan  nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub ee dhawaan ay qeybisay wasaaradda waxbarashada dalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

R/wasaare Khayre oo xalay Casho sharaf u sameeyey wafdigii Turkiga ka socda

0

Muqdisho November 8 (SNTV):-Mudane Xasan Cali Khayre raii’sul wasaaraha Jamhuuriyadda Sooomaaliya ayaa xalay kulan Casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey wafdigii ka socday Dalka Turkiga, ee uu hoggaaminayay wasiirka Difaaca Dalkaasi, Ulusi Akar oo shalay booqasho ku yimid Soomaaliya.

Ujeedka kulankaasi ayaa ahaa sidii loogu muujin lahaa Turkiga sida Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay ugu faraxsanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo Garab istaagga kala dhexeeya Turkiga.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya,iyadoo lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa wadaniyada iyo Dowrka Turkiga uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya,iyadoo kooxda Horseed ee CX Dalku Heesahahooda ku qaadayeen luuqadda Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Turkiga, ayaa uga mahadceliya Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda soo dhaweynta ballaaran ee ay u sameeyeen,isagoo muujiyay in Dowladda Turkigu ay ka go’antahay sidii ay u sii xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga, ayaa dowr muuqda ku leh arrimaha Soomaaliya,iyadoo Sanadkii 2011-kii Soomaaliya u fidisay gurmadkii ugu ballaarnaa, xiligaasi oo abaaro ay ku dhufteen inta badan Gobollada Dalka.