Home Blog Page 1160

Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo Laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saacadahii lasoo dhaafay howl-gallo lagu baacsanaya argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Taliska Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ujeeddada howl-galkan uu yahay cirib tirka haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah Dalka iyo in ay soo celiyaan nabadda iyo sharciga.

Hoggaanka Taliska xoogga Dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan aad u sarreeyo iskaashiga ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed la leeyihiin leeyihiin AMISOM iyo saaxiibbadooda kale, taasoo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysan Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxay ku soo qabteen 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda, waxanay sidoo kale la wareegeen degaanno badan oo ay Gacanta ku hayeen nabad-diidka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay muujinayay feejignaan dheeri ah, taas oo ay barbar socdaan weerarro lagu baacsanayo Malleeshiyada Kooxda Al-Shabaab, iyagoo isu diyaarinaya in ay dhawaan la wareegaan amniga guud ee Dalka.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal

0

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku.

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal.

Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

 

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee G/Shacabka oo kullan la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

0

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):-Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka uu maanta la qaatay Mas’uuliyiinta hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ayaa ahaa mid Guddiga warbixin ku saabsan waxyaabaha ay hay’adda qabato gaar ahaan warbixin ku saabsan xaalada dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah daafaha caalamka iyo dadka gudaha ku barakacay.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ka dhageystay baahiyaha ay qabaan wuxuuna uga mahad celiyay howsha adag oo ay hay’adu heyso.

Xildhibaan Maxamed C/lle Faarax Geesey oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Gudiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in muhiimadda kullanka uu ahaa sidii warbixin dhameystiran Guddiga uga heli lahaa arrimaha Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha,islamarkaana uga jawaabi lahaa baahiyaha jira.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa dardar gelinaya howlaha horyaala Guddiga si Shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

kusimaha madaxwaynaha dalka oo la kulmay madax ka socotay midowga yurub

0

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):- Kulanka oo uu shir Guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa warbixin kooban looga dhageystay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Waxaa kulanka oo uu sidoo kale ka qeybgalay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu gudiga madaxa bannaana ee doorashooyinka Qaranka waxyaabaha uu gudiga joogtada ah usoo gudbiyay ka mid ahaa halka ay mareyso howsha gudiga ,diiwaangelinta codbixiyaha ,qalabka doorashada loo adeegsan doono ee  u haboon xaalada dalka ,asteynta goobaha codbixinta iyo sidoo kale inta meelood oo ay ka dhici doonto.

Guddoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliima Yarey’’  ayaa si kooban guddiga joogtada ah ugu sharaxday waxyaabaha guddiga hadda u qabsoomay iyo caqabadaha jira.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Golaha Shacabka mar walba uu diyaar u yahay la shaqeynta guddiga madaxa bannana ee Doorashooyinka Qaranka.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in golaha shacabka wax walba oo uu gudiga madax banaan ee doorashooyina u baahanyahay uu kala xisaabtami doono hay’adaha ay quseyso si loo xaqiijiyo gaarsiinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen sidii Ururka Midowga Yurub uu usii xoojin lahaa taageerida Golaha shacabka gaar ahaan tayo dhisida gudiyada Golaha ,kala shaqeynta xagga kala talinta dejinta sharciyada gaar ahaan guddiyada sharciyada gacanta ku haaya iyo sidoo kale dar dar gelinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Ururka Midowga Yurub.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay ururka Midowga Yurub talaabooyinka uu Dowladda Soomaaliyeed ku taageeraayo gaar ahaan kabida Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka iyo guud ahaan mushaariicda horumarineed ee uu ku taageeraayo labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka maadaamaa midowga Yurub  uu soomaaliya dhinacyo badan ka taageero.

 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo ka qeyb galay Carwada Bandhiga Buugaagta Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qayb galay carwada Bandhiga buugaagta Muqdisho Sanadkii 4aad, ( The Mogadishu Book Fair  -the 4th Annual Book Fair)  oo maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu deeqay Maktabadda Buuugaagta ee Cadaado 30-Book Halka uu Maktabadda Buugaagta ee Garbahaarayna ugu deeqay 10 Book,isagoo gaar ahaanna u iibsaday Buugaag kale.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee maanta ka qeyb galay carwada Bandhiga buugaagta Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Madasha uu ka dhacayo Bandhigani waxaa la isugu keenay buugaag kala duwan oo ay qoreen Aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo ay kusoo bandhigeen Taariikhda Soomaaliya iyo Sheekooyin kala Duwan oo ay ka qoreen Marxaladaha kala duwan ee nolosha la xariira.

Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar ) ayaa shalay daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho taasi oo sanadkiiba mar la qabto.

G/Shacabka oo kullan la qaatay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

0

Muqdisho(SNTV);- Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka uu maanta la qaatay Mas’uuliyiinta hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ayaa ahaa mid Guddiga warbixin ku saabsan waxyaabaha ay hay’adda qabato gaar ahaan warbixin ku saabsan xaalada dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah daafaha caalamka iyo dadka gudaha ku barakacay.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ka dhageystay baahiyaha ay qabaan wuxuuna uga mahad celiyay howsha adag oo ay hay’adu heyso.

Xildhibaan Maxamed C/lle Faarax Geesey oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Gudiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in muhiimadda kullanka uu ahaa sidii warbixin dhameystiran Guddiga uga heli lahaa arrimaha Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha,islamarkaana uga jawaabi lahaa baahiyaha jira.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa dardar gelinaya howlaha horyaala Guddiga si Shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay ka bixistooda AMISOM garoonka Stadium Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay Ciidankoodu ugu saarayaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee  Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ku sheegay inuu ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay Sacadihii la soo dhaafay in ay ka guuraan Garoonka Stadium Muqdisho, kaas oo muddo ka badan 10 Sano fariisin u ahaa.

Garoonka ayaa la dhisay Sanaddii 1978-dii, kaas oo lagu qabsan jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxayaan Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda Sportiga iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

0

Muqdisho(SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka walaaltinimo ee  soojireenka ah ee ka dhexeeye labada dal,  horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Nabad-sugidda Midowga Afrika ee AMISOM.

Askari dil geystay oo ay Maxkamadda Ciidamada Xukuntay

Muqdisho (SNTV)- 07/08/2018  ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan   oo loo heysto dilka AUN  Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada  Beladweyn 07/02/2018.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan  ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah  Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan   go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan  uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan   ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

Kulan looga hadlayay dar-dar gelinta qorshaha kala guurka oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Kulan looga hadlayey ka baaraan-degga qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka ee ay AMISOM ammaanka Dalka ugu wareejineysao Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waqtiga dhaw ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Saraakiil sarsare oo kamid ah hoggaanka AMISOM, Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Aqoon yahano, Hey’adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Nuxurka laga hadlayey ayaa ahaa sidii Bulshada Soomaaliyeed loo fahimsiin lahaa qaabka ugu wanaagsan oo Ciidanka Qaranka ammaanka ula wareegayaan, iyadoo laga maarmayo Ciidamo kale oo caawiya.

Cabdi Saciid oo ah lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaa tilmaamay in hadda Ciidanka Soomaaliya diyaar u yihiin lawareegida ammaanka Guud ee Dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan AMISOM kala wareegno ammaanka guud ee Dalka, taas hadda mar kasii horreysay ayaan billownay, Bilihii ugu danbeeyey waxaan ka shaqeyneynay qorshaha kala guurka” ayuu yiri, Taliyaha ammniga Qaranka.

Simon Mulongo, ah ku xigeenka Madaxa AMISOM ayaa tilmaamay in xoogagga midowga Afrika aysan u iman inay Soomaaliya waligood joogaan, balse ay u yimaadeen caawinta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay AMISOM doorkeeda ka ciyaarayso qaabka SNA loogu wareejin lahaa dhawaan ammaanka Dalka.

“AMISOM halka uma iman inay waligeed lajoogto Dadka Soomaaliyeed, balse waxaa ay AMISOM u timid in ay caawisa Dadka Soomaaliyeed ,taasna waxaa ay ka mid tahay qorshayeesaha ugu waaweyn” ayuu yiri, Simon Mulongo.

Dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibbadeeda Beesha Caalamka ayaa haatan wada qorshayaan ku saabsan sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha kala guurka, waxanay Ciidamada xoogga Dalka iyo Saraakiisha hoggaamineysaba isu diyaarinayaan in ay AMISOM kala wareegaan ammaanka guud ee Dalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay Maalmihii inna dhaafay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM wadeen Guluf ballaaran oo ka dhan ah nabad diidka, iyagoo kala wareegay degaanno badan oo ay markii hore ku sugnaayeen Malleeshiyaadka Al-Shabaab.