Home Blog Page 1160

Shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Jaaliyadda Koonfur Afrika oo maanta ka qeyb galay Ololaha Is-xilqaan

0

Muqdisho December 2 (SNTV):-Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo dhalinyarada Gobolka Banaadir oo ay wehlinayaan Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa maanta qeyb ka qaatay Ololaha is-xilqaan oo dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha muhiimka ah sida Tiyaatarka Qaranka,Maktabadda Qaranka iyo Madxafka Qaranka.

Jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay Jaaliyaddii ugu horeysay ee nasiib u yeelata iney ka qeyb gasho Barnaamijka is-xilqaan ee la doonayo in dib loogu dhiso xarumaha taariikhiga ah ee ku bur-buray dagaaladii sokeeye.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cismaan Cilmi Guuleed oo isaga iyo shaqaalaha Xafiiskiisa ay ka howlgaleen Maktabadda Qaranka ayaa Bulshada Soomaaliyeed ku guubaabiyay iney is-xilqaan ku dhistaan dalkooda,isagoona carabka ku dhuftay in dalkan lagu soo dhisay barnaamijkii iskaa wax u qabso.

Maryam Aadan Amiin oo ah isku-duwana shaqada is-xilqaan ayaa si aad ah ugu mahad celisay shaqaalaha Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo si weyn uga qeyb qaatay Olalaha is-xilqaan ee dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha muhiimka ah ee dalka,waxayna ku boorisay shacabka Soomaaliyeed iney si hagar la’aan ah Barnaamijka is-xilqaan oo horay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u iclaamiyay uga qeyb qaataan.

Ololaha Isxilqaan oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS ayaa ah mid looga go’leeyahay in ummudda Soomaaliyeed ay gacmahooda ku dhistaan dalkooda oo kasoo kabanaayo marxalad bur-bur ah islamarkaana aan lagu tashanin gacan shisheeye.

Golaha Aqalka sare oo maanta ka dooday Hindise-sharciyeedka la dagaalanka Masuq-maasuqa

0

Muqdisho (SNTV):- Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista iyo su’aalo weydiin Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq- maasuqa,waxaana goojoog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada oo aragtidooda ka dhiibtay hindise-Sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa sheegay in qodobada qaar muhiim tahay in wax ka badel lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta ,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise-sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka ah ee senatarada soo jeedinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanaya guddiga laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hannaanka Wada-tashiyada Xeer-nidaamiyeyaasha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo la furay

0

Muqdisho (SNTV):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo.

“Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo laqabanayo 19-ka bishan

0

Baydhabo (SNTV) Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Dowlad-gobooleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo markii hore lagu waday iney qabsoonto 5-ta bishan uu dib u dhac ku yimid, taasi oo guddigu ay sheegeen in laga dhigay 19-ka bishaan December.

Guddiga ayaa arintaas ku micneeyey markii ay qiimeeyeen howlaha baaxadda leh ee guddiga horyaala iyo sida ay muhiim u tahay in la fududeeyo doorashada.

Hadaba Akhriso qoraalka kasoo baxay Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho December 1 (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii uu booqasho ku tagay Wadamo uu ka mid yahay Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale Habdhowrka iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa xubnaha soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanda uga mahad celiyay soo dhoweyntooda.

Ammaanka magaalada Baydhabo oo siweyn loo adkeeyey iyo diyaar garow doorashada oo la dareemayo

Beydhabo (SNTV)- Iyadoo 5 bishan loo balansanyahay in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa sii kordhayay ololaha loogu jiro tartanka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin musharixiin dhowr ah.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda doorashada ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,iyadoo shacabka deegaanadaasi ay ka dhursugayaan ciida ku soo bixi doonta doorashada.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada lagu arkaya ciidamo isugu jira kuwa maamulka Koonfur Galbeed,iyo kuwo kale oo halkaasi gaaray si ay u xoojiyaan sugidda nabadgeliyada xiliga doorashadu ay dhacayso.

Mudane Xasan Xuseen Maxamed  oo ah wasiirka amniga Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka hadlayay ciidamo shalay gaaray magaaladaasi ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay u xoojin lahaayeen ka hortaga in kooxaha argagixisada Alshabaab ay weerar ka geystaan magaalada inta lagu guda jiro arrimaha doorashada.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo Federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalku oo isgarabsanaya waxbadan ka tarayaan sugidda amniga magaalada Baydhabo,oo haatan ah goob mashquul xoogan oo siyaasadeed uu kajiro maadaama ay dhacaysa doorasho ayna muhiim tahay in amniga shacabka siweyn loo adkeeyo iyo hanaanka doorashada.

War-saxaafadeed:-Howlgal lagu Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay G/Baay.

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party

0

Ankara (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sugan Dalka Turkiga ayaa halkaas kulan kula qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga AK Party Mudane Cevdet Yilmaz iyo Afhayeenka Xisbiga Yasin Akday.

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo socdaal shaqo ku joogo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulanka ay la qaateen madaxda Xisbiga AK Party waxa ay kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo nidaamka xisbiyada badan oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo dalka.

“Waxaan la kulmay Guddoomiye ku xigeenka iyo afhayeenka Xisbiga AK Party ee Turkiga Mudane Cevdet Yilmaz iyo Yasin Akday waxaanu ka sheekaysanay nidaamka Xisbiyada badan iyo doorashooyinka”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar

 

Xukunka Askari isku darsaday dhac iyo ka bixid aag dagaal

0

Muqdisho (SNTV)- Xukun Xasan Abshir ayaa ka so baxay si dhuumaaleysi ah  aagga dhanaane ee gobalka shabeelaha Hoose.

Ujeedada qarsoon ee kasoo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto  mid ka mid suuqyada magaalada .

Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu baraareen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsad ah ee uu Saleebaan Yaqiinay.

Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha.

Shacabka ayaa Ku war geliyay ciidamada Amiga in suuqa uu ka socdo dhac ay geysanayaan rag ku hubaysan qoray Ak47 iyo   Bistoolad.

Ciidamada Amiga degmada Howlwadaag ayay isaga hor yimaadeen suuqa markii lagu amray in ay isdhiibaan ayuu bilaabay xabad Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo Saaxiibkiisa saleebaan halka sidoo kale uu baxsaday shaqsi kale oo la socday kaasi oo Ku hubeysnaa Bistoolad.

Intaas kadib ayuu is dhiibay Xukun Xasan sidaana ay ciidamada amniga ugu soo wareejiyeen Hey’adaha Baarista.

15-10 ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaas ayay garsoorka weydiisteen in loo dhaa dhiciyo xabsiga inta ay ka soo dhameystirayaan eedda eedeysanaha.

Baaristooda kadib ayay 22 – bishii 11 ee sanadkan ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

Maxkamadda ayaa aqbashay 4 cisha uun kadib in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Axmed oo ah Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga  hor keenay laba shaqsi oo shaqa joojin Ku sameeyeen intii ay dhacca wadeen xukun iyo saaxibbadiiis, afar kamid ah  ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanaha, warqad muujineyso lacagta baadda ah oo ay  ka qaateen masuul ka tirsan Shirkadda BaalGore iyo ID Card, ay u isticmaaleen baadda dadka, qoriga  dhacca lagu geystay iyo Qiraal laga qoray eedeysane Xukun Xasan Abshir.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Ku dooday in loo naxariisto, loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale hadii uusan Ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Magaalada Mandheera Kenya oo marti gelineysa Todobaadka dhaqanka Soomaalida

0

Mandheera-Kenya-(SNTV)-Waxaa Magaalada Mandheera ee Waqooyi bari Dalka Kenya ka soconeysa qabanqaabadii ugu dambeysan eek u aaddan bandhigga Toddobaadka dhaqanka Soomaalida oo halkaasi ka dhici doona dhawaan.

Bandhig dhaqameedkan ayaa lagu marti qaaday dhammaan Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga ee degta Gobolka Geeska Afrika, si ay halkaasi ugu debaal degaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka Dadka Soomaaliyeed.

Madaxa Maamulka Waxbarashada iyo Dhaqanka Mandheera, Izzidun Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay inay qaban qaabadu marayso meel wanaagsan, isagoo intaa raaciyay inay sameeyeen qorshayaal ay ugu tala galeen inay munaasabaddu ku dhacdo jewi wanaagsan.

Mr; Cabdi ayaa sidoo kale sheegay inuu Bandhiggani u furan yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga si ay wax ugu bartaan dhaqankooda, Dalxiisayaasha iyo martida kaleba.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba, ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhoweynayaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Geeska Afrika.

“Waxaan ku casuunnay Qof walba oo Soomaali ah, si uu u barto barto dhaqankeenna , taasina waxa ay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii Qarniyo hore, taas oo muhiim u ah  ilaalinta hiddaha iyo dhaqankeenna ,” ayuu yiri Guddoomiyhu.

Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa, Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Sugaan kala duwan iyo Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

Isha/ Daily Nation