War-saxaafadeed:-Howlgal lagu Dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay G/Baay.

Date:

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...