Home Blog Page 1159

Ciidamada ammaanka Galmudug oo ku raad jooga kooxo hubeysan oo gaari ku rasaasadeeyay Godinlabe

0

Laamaha ammaanka gaar ahaan Ciidamada Booliiska ah ee Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa wada Baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxo hubeysan oo Habeen hore Gaari ku rasaasadeeyey deegaankaasi.

Gaariga la rasaasadeeyay ayaa ku sii jeeday Magaalada Gaalkacyo,waxaana rasaasta ku dhintay hal qof,halka Tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka deegaanka Godinlabe ayaa wada baaritaanka,iyagoo ku raad jooga kooxihii hubeysnaa ee falkaasi geystay.

Taliyaha Saldhiga Booliska deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Maxamed Salaad Axmed ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay qaadeen tallaabo ay gacanta ugu soo dhigaan burcaddii gaariga dhibaatada u geysatay,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray iney hayaan cadeymo muujinaya halka ay ku sugan yihiin kooxaha,taasi oo u sahli karta askarta iney si fudud gacanta ugu soo dhigaan si sharci loogu qaado.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa waxay si joogta ah u sameeyaan Howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Deegaanada Gobolka Galgaduud si looga hortago kooxaha burcadda ah ee jidka u gala dadweynaha isaga kala goosha Gobollada dalka.

3-dii December 2009-ka maalin xambaarsan murugo.

0
Maanta oo kale 3-dii December ee 2009-kii waa maalin xusuus gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed kadib markii Qarax lala beegsaday munaasabad qalinjibin ah oo ay ka qeyb-galaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii KMG aheyd, taasoo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho.

Dadka maalintaasi ku dhintay qaraxaasi dhaf halagnimada ahaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii caafimaadka Drs Khamar Aadam, Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, Suxufiyiin, Arday, waalidiin, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr.Shahiid.

Sidoo kale dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiintii ka soo qeyb-gashay Xafladaasi qalin jibinta aheyd ayaa ku dhaawacmay Xasuuqaas ay geesteen Kooxda Argagixisada ee Alshabaab.

Argagixisada waxay ka soo horjeedaan Sunnadii  Eebe u abuuray aduunka, waxayna ku faanaan burburinta nolosha guud ee umadda Soomaaliyeed, waxaana malahoodu yahay in ay Fitnadaasi Alle ugu dhawaanayaan, balse xaqiiqdu taas waa ka duwan tahay oo Camalka wanaagsan ee Alle loogu dhawaado waa tan lagu badbaadiyo nolosha aadanaha, xoolahooha iyo waxyaabaha kale ee ay gaarka u leeyihiin ,tan kale acmaasha wanaagsan waa tan ka hor tagta  dhaqamada horseedi kara burburka iyo halaagga.

Culimada Soomaaliyeed,Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar iyo kuwa kale ee Caalamka Muslimiinta ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta,iyagoo sheegay inay baal marsan yihiin Diinta Islaamka ee suuban.

Hadaba Kooxahan dhagar-qabaaysha ah oo had iyo jeer u taagan daadinta dhiigga Umadda Soomaaliyeed waxaa la isla gartay in ay yihiin cadaw waxaana haboon in meel looga soo wadajeesto oo gacan xoogan la siiyaa soo-majeestayaasha Ciidankeena Qaran oo hadda kujra Howlgallo ka dhan ah Argagixisada ayagoo khaarajiyay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxahan.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoow ugu jira xuska maalinta la asaasay.

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku jira u diyaar garoowga sanad guuradii 75aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidamada ayaa tijaabadii ugu weyneed ee diyaar garowgooda ku soo bandhigay xarunta tababarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye Ex Iskuula Buluusiya.

Sareeyayaasha, Saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo Nuucyada kala duwan ee ciidanka Booliiska ayaan u kala harin diyaarowga.

Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Gas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ciidanka Salaan sharaf kaga qaatay barxada dugsiga tababarka ciidanka Booliiska ee Gen Kaahiye.

Dhalinyaro loo diyaarinayo ka mid noqosha ciidanka Booliiska ayaa qeyb ka ahaa tijaabada Diyaargarowga.

Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ciidank ku dhiira galiyay diyaar garoowga Xuska maalinta booliiska Soomaaliyeed

Haweenka ku jira Booliiska ayaa siweyn uga dhex muuqda diyaar garoowga, iyaga oo muujinayay sida ay uga go’an tahay ka soo dhalaalida doorkooda ku aadan  xuska Maalinta Booliiska Soomaaliyeed.

Shir looga hadlayay cilmi-baaris ay sameyeen aqoonyahano Soomaali iyo Turkii isuugu jiray oo lagu qabtay Turkiga

0

Waxaa shalay gelinkii danbe magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gaba-gabeeyay shir labo maalin socday oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana si gaar ah diirada loogu saaray cilmi-baarista la xiriirta dhinaca dhaqaalaha,Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ,Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Jaamac C/llaahi Maxamed,aqoonyahano Soomaaliyeed,ardayda iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo warmuriyadeed laga soo saaray.

“Shirka wuxuu ku saabsanaa saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidii looga tala bixin lahaa guud ahaan,shirkan runtii muhiimad gaar ah ayuu u lahaa Soomaalida sababtoo ah waxaa meesha ku dooday oo cilmi-baaris  soo jeediyay Professoro,aqoonyahano,Quburo Soomaali ah,iyo kuwo turki ah,waxyaabo badan baa laga hadlay sida xiriirka siyaasadda,xiriirka diblomaasiyadda,xiriirka dhaqaalaha,xiriirka horumarka,waxbarashada iyo Caafimaad,” ayuu yiri Danjire Jaamac C/llaahi Maxamed.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda East Afrika for Research and development oo fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul,wafdigii ka qeyb galay shirka ayaa isku afgartay in la joogteeyo shirarka ceynkani oo kale ah ee looga hadlayo arrimaha cilmi-baarista.

Madaxweynaha Jabuuti oo xariga ka Jaray Warshad sifaysa saliida

0

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , xubno katirsan Golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galay Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu daahfurayey Warshad Sifeysa Saliida oo laga hir galiyey Dalka Jabuuti.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kormeeray Xarunta Warshada waxa uuna u kuur galay howsha balaaran oo ay warshadaasi qabaneyso iyo sida shaqadeedu tahay, waxa uuna qayb qayb usoo eegay howsha warshadaasi iyo waliba sida ay ushaqeeynayso.

Ugu horeeyn waxaa goobtaasi hadal kajeediyay milkiilaha warshadaasi oo u dhashay dalka yemen, wuxuuna goobtaasi ka sheegay iney warshadani waxbadan kusoo kordhin doonto howlaha dhinaca isticmaalka saliida ay dadku u isticmaalaan cunooyinka daruuriga ah.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo isna sheegay in hormarka warshadani ay soo kordhinayso ay tahay mid qayb ka ah howlaha hormarineed ee dalka ka socda oo uu horseed kayahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo goobtaasi ugu dambeyn ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ganacsatada Dalka Yemen iyo kuwa kale oo iyane udhashay wadama kale ay  wax wayn kusoo kordhiyeen Dalka Jabuuti waxa uuna yiri ” hadii ay halkaan uyimaadeen anaga in ay wax nala qabtaan barnaamijka intaan la egna ay nala qabteen waa inaan ku faraxnaa una mahad celinaa, dhowr boqol oo qof ayaa halkaan ka shaqeeyso, dhiiri geli ayey noo noqon doontaa sida barnaamijkan loo sameeyay” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Waa markii ugu horeysay oo warshad nuucaana  laga hirgeliyo Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana ay Warshadani ka qayb qaadaneysaa hormarka balaaran ee kasocda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Laamaha ammaanka Mareykanka oo baaraya meydka labo gabdhood oo Soomaali ah oo shil ku dhintay

0

Gabdhahan Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed  ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi gaari oo ka dhacay Gobolka Ohio ee dalkaasi.

Ehelada gabdhahaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo la dhalatay gabdhahaasi shilkaasi ku dhintay.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay haatan hayaan xogo ku saabsan in gaariga oo xawaare ku socday uu ku dhacay gaari kale,balse ay baaritaano dheeraad ah haayaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi Mareykanka ayaa dareen naxdin leh ka muujiyay geerida gabdhahaasi,waxaana la qorsheynayaa in meydkooda la aaso,waxaana ay xilligaasi ku guda jireen booqashada qaar ka mid ah eheladooda.

QM oo cambaareysay tacdiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Dalka Suudaanta Koonfureed

0

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa walaac ka muujinaysa xad gudubyo la sheegay in ay ka dhacayaan Dalka Suudaanta Koonfureed,Qaramada Midoobay ay dhaleeceysay kufsiyo la sheegay in loo gaystay haween badan oo kunool Suudaanta Koonfureed.

Iyadoo laga jawaabayo dhibaatooyinkaasi ayaa QM waxaa ay soo saartay baaqyo loo jeedinayo dowladda SUudaanta Koonfureed ee ku aadan ka hortagga xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha gaar ahaan mida Jinsiga ah ee lagu hayo haweenka kunool dalkaasi.

MSF oo ah Hay’adda dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in 125 haween iyo gabdho isugu jira lagu kufsaday degaanka Rubkona oo ku dhaw magaalada Bentiu ee wadankaasi Koonfurta Suudaan.

Dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo 5 sano ah ayaa sababay dhibaatooyin badan oo ka taagan dalkaasi,iyadoo falalkan ay ku soo beegmayaan xili dhawaan heshiis ay kala saxiixdeen dhinacyada Dowladda iyo Mucaaradka,kaasi oo ay garwadeen ka ahaayeen QM,Midowga Afrika iyo Urur Goboledak IGAD.

David Shearer  oo ah Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Sudan ayaa ku tilmaamay kufsiga mid musiibo ah islamarkana ay tahay masuuliyada dowladda in ay joojiso, ayna ka hortagto falalkaasi guracan ee ka dhacaya dalkaasi,waxaana sidoo kale loogu baaqay  ciidamada qalabka sida in ay ka qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa arrimahaasi.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan

0

Muqdisho December 2 (SNTV):-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta oo Axad ah ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee aanu walaalaha nahay, isagoo huwan xilka Safiirka idman ee dalkiisa u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka qaabilaada Safiirka cusub ee Suudaan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo dan u ah labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cabdulqaadir ayaa intii uu ku guda-jiray qaabilaadda Safiirka cusub oo ku qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee isku xira labada dal ee walaalaha ah, isagoo muujiyay sida uu u tixgelinayo dadaalka ay Suudaan ku bixinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, waxaa uu u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday.

Dhankiisa, Danjire Khalafallah Mustafa Babakar ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono taageerrada uu u fidiyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, una howlgeli dooo adkaynta xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal dhammaan arrimaha iyo dhinacyada kala duwan.

Wasiir ku xigeenka Amniga oo ka qeyb galay Shir looga hadlayey Bur-burinta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa

0

Geneva December 2 (SNTV):-Madax ka socoto Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlaayay baahida Soomaaliya ay u qabto ka hortaga Walxaha Qarxa si ay u fuliso waajibaadka ka saaran in ay bur-buriso Miinooyinka Dhulka iyo Walxaha qarxa, maadama Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dowladdaha Saxiixay heshiiska Ottowa Treaty iyo Caqabadaha hortaagan in laga dhigi Soomaaliya meel ka madax banaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.

Shirka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse oo ahaa Madaxa Wafdiga Soomaaliya, Safiirka Somaaliya ee Switzerland Faaduma Cabdullaahi Maxamed iyo Wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kaso qeyb galay shirka Dowladdo daneynaya in ay wax ka qabtaan Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah, sida Netherlands, Finland, European Union, Canada, Norway, UNDP, UNMAS iyo kuwa kale, iyadoo shirar gooni gooni lala yeeshay Hay’addaha kala ah UNMAS, UNDP ITF and DDG.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse waxuu ka sheegay shirkaas si loo gaaro in ay Soomaaliya noqoto meel ka madax banaan miinooyinka sanadka 2022 in loo baahanyahay dardargelinta howlaha miino saarka Dalka ay ka hayaan Hay’addaha Caalamiga ah.

Sidoo kale waxuu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay geyn doonto Baarlamanka sharciga Miino Saarka Dalka Soomaaliya iyo kan Hay’adda SEMA iyo in sidoo kale la caawiyo dadka Ku wax yeelobay qaraxyadda Miinoyinka iyo walxaha.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzaaniya

0

Tanzania December 2 (SNTV):-Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzaaniya.

Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.