Home Blog Page 1159

Eng; Yariisoow: Waxaa naga go’an in ay Caasimaddu ka mid noqoto Magaalooyinka ugu ammaanka fiican Adduunka

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay in ammaanka caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wanaagsan.

Eng; Yariisoow oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in hadafkoodu uu yahay in Magaala madaxda Dalka oo uu ku tilmaamay Hooyadii Ummadda Soomaaliyeed iyo Qalbigii Shacabka ay kusoo laabato sidii ay Beri-samaadkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduunka ugu nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa tallaabooyinka ay u marayaan ka gun gaaridda ammaanka caasimadda ku qeexay inay dib u habayn ku sameeyeen ka maamulka iyo maaliyadda Gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo Degmooyinka Caasimadda.

Mudane, Yariisoow ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay Bulshada u leedahay fidinta maamulka, isagoo sheegay inay talada gaarsiiyeen Degmooyinka, Xafiisyana ay ugu fureen Shacabka, halkii ay Dadku markii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose.

Sugidda amniga caasimadda ayuu sheegay Guddoomiye Yariisoow in ay u wajaheen si ka duwan qaabab hore, wuxuuna sheegay in ay isku xireen Dowladda hoose iyo Ciidamada taasoo ay barbar socoto barnaamijka derisaynta oo ay ka qayb qaadanayaan mutadawaciin Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay siyaasadda bara-kacayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi kala hadleen Beesha Caalamka iyo hay’adaha sama-falka, si ay u helaan xuquuqdii ay u baahnaayeen.

“Waxa kaloon dedaal iyo juhdi gelinnay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha bara-kacayaasha, oo dhib weyn qaba, kuwaasoo aan helin xuquuqdii ay u baahnaayeen, iyadana waxaan Beesha caalamka aad ugala hadalnay sidii aan u hagaajin lahayn xiriirka iyo wada shaqaynta Gobolka Banaadir uu u qaadan lahaa doorka hoggaamineed, waxaan diyaarinnay siyaasaddii bara-kacayaasha oo ay ka qayb qaateen Bulshada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Mudane,Yariisoow ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan qorsheynayaan sidii Caasimadda looga hir-gelin lahaa nidaamka Dimoqraaddiyeynta, taasoo uu ku macneeyay in Degmo walba Golayaasheeda degaanka oo la soo doortay ay ka qayb qaataan, si Sanadda 2020-ka loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha oo aad ugu dheeraaday xagga ammaanka ayaa sheegay in Afartii Bil ee lasoo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada Gobolka Banaadir ay ka qayb qaataan wejiga Labaad 2000 oo Ciidamo Boolis ah, kuwaasoo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay Bulshadu u hesho nabad gelyo buuxda.

Al-Shabaab oo Gaari rakaab ah ku Rasaaseeyay agagaarka Mandheera Kenya

0

Nairobi-(SNTV)-Ku dhowaad 8 Qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay dableey loo malaynayo Al-Shabaab ku fureen Gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhexeysa Mandheera Kenya iyo Ceel waaq Soomaaliya.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa, Toyota Land Cruiser ayaa loo galay halka lagu Magacaabo War guduud, waxaana xaaladdooda laga deyrinaya Saddex ka mid ah Dadka ku dhaawacmay weerarka, halka dhowr Qof oo kalana lagu dabiibayo Cuspitaalka Ceel-waaq.

Dadka saarnaa Gaariga ayaan illaa iyo haatan la ogeyn tiradooda, maaddaama rakaabka qaarkii ay ka baxsadeen Rasaasta la huwiyay Baabuurka ay la socdeen, balse waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Waxaa jira dhaliilo ay Dadka degaanka usoo jeedidanyaan masuuliyiinta Dowladda Kenya, markii ay madaxda Gobolka ka jawaabi waayeen xiriirro ku aaddan ammaanka oo ay la sameeyeen Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Isha/ Daily Nation

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo berri booqanaya Turkey

0

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa u amba baxay dalka Turkiga ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Raccep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu casuumay in uu ka qeyb galo shirweynaha 6aad ee caadiga ah ee ee xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka ee ka taliya Turkey,kaas oo qabsoomi doona 18-ka bishan oo ku beegan berri oo sabti ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Mudane Erdogan oo ay ka wada hadli doonaan  xiriirka laga geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkey iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo sara u qaadista ganacsiga iyo maal gashiga.

Dalka Turkey waxa uu jaal dhow u yahay Soomaaliya oo uu garab u noqday xilli adag,waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir walaaltinimo iyo iskaashi oo aad u xooggan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo sii xoojinaya xiriirkooda

0

Jabuuti-RisaalaFM- Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii ahaan doono mid xooggan, kadib qoraal kooban oo uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wasiir Maxamuud ayaa sheegay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Jabuuti inay xaqiijineyso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, islamarkaana labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimo labada dal ku saabsan oo waxyaabihii laga wada hadlayna laga soo saari doono war-murtiyeed.

“Waxaan idin xaqiijinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti inuu sii ahaan doono mid xooggan, Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga Jabuuti ayaa dhiggiisa Jabuuti wuxuu kala hadlay xiriirka labada dal, waxaanu nahay laba dal oo walaalo ah oo aan si naba u kala maarmin”. Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Jabuuti ayaa kaalin weyn ka soo qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxa ay sidoo kale qeyb ka tahay howlgalka  nabad ilaalinta Midowga Africa AMISOM.

Abiy Axmed oo sheegay inuu wax ka qaban doono xiisadaha ka taagan qaybo ka mid ah Itoobiya

0

Addis ababa-(SNTV)-Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu Gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah Dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.

Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW)  ee Bariga Afrika, ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah.

Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay Dad Shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo Deb la qabadsiiyay Macbadyo iyo goobo kale, taasoo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka.

Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah Dhallin yaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis ababa.

Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaasoo intooda badan dhacay Bishan Augost.

Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billoowday in Kumanaan Qof oo kasoo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.

Isha/ Agencies

Xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo Amartay Hay’adaha Dawladda in ay Dhaqan-geliyaan Sharciga iibka Qaranka

0

Muqdisho (SNTV), Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibka Qaranka ee dalka u yaalla ,si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyeysan oo loo maray hannaanka saxda ah.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka Qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

“Kulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaaradahuba ay ugu dhaqmaan, Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaradaha ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada ay la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iibka Qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan, kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada, ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga, iyada oo warbixinno laga dhagaystay wasiirada difaaca iyo amniga gudaha, kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu dambeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka, si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo.

Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose

0

Muqdisho (SNTV),  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda.

Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaana ay kawada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Qatar.

Taliyaha iyo Safiirka, ayaa si gaar ah uga wada hadlay siddii Dawladda Qatar ay uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u dayactirka qaar kamid ah Xarumaha Booliska ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa sheegay in Dawladdiisa ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato Horumarka dalka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa uga mahad celiyey Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey.

“Waxaan kulan la qaatay Safiirka dawladda Qatar ee Soomaaliya oo aan kala hadlay inay garab nagu siiyaan dadaalka aan ugu jirno dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhanka tababarada iyo qalabka, Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu iigu soo dhaweeyey Xarunta Safaaradda Qatar ee Soomaaliya” S/gaas Bashiir Ameeriko

Dawladda Soomaaliya Oo Tirakoobaysa Ajaanibta ku Sugan Dalka

0

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):- Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.

Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakoobka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidaya in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.

Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa’iido dhaqaale.